Astaamaha Lagu Garto In Ninkaaga Uu Naag Qudaba Siro Ah Qabo

Thursday, June 16, 20114comments

Inta dumarka Soomaalida waxaa daah ka saaran ama ka qorsoon astaamaha ay ku garan karaan in nimankooda ay xaasas kale hoos ka wataan, ninkaaga in aad ogaato in uu xaas leeyahay ama uu kula xiiseeyo qof kale dumar ah way fudutahay in aad ogaato, hadaba daaha waxaan ka qaadi doonaa wax yaabaha kuu ifin doona astaamahaas kaa qorsaan ama aad awal shaki kaaga jiray

1. Ninkaaga oo ka caajisa gogosha (Galmada)

Waa astaanta ugu wayn ee lagu garto in ninkaaga uu ka caajiso dhanka gogosha, waxay marqaati cad ka tahay in ninkaaga uu meeleesan yahay ama uu meel kale wax ka soo dhadhamiyay, inta badan nimankan waxaa lagu gartaa in ay dhaqsi sariirta ku aruuraan iyago ku andacowda in ay daalan yihiin, waxaana is badal wayn ku imaado hab qaabeedkii uu damci jiray naagtiisa.

2. Teleefonkiisa gacanka (Mobile) uu kaa ilaal sho in aad aqriso ama aad aragto

Waa astaan labaad ee lagu garto in ninkaaga uu xiriir la leeyahay qof kale, inta badan teleefoonkiisa gacanta ayuu ku heestaa iska ma dhigo, wuxuuna ka ilaalshaa in la ogaado SMS yada usoo dhaca ama in ay soo wacato qofkii isaga xiriirka la laheed, wuxuu bilaabaa in uu tirtiro massage yada loo soo diro, inta badan teleefoonada markii ay u soo dhacaan ama banaanka ayuu ula baxaa ama wuxuu ku dhahaa qofka igu soo celi waan mashquulsanahay wuxuu ka dheeraanaa hadii uu la hadlo su’aalo kaga imaada xagga xaaskiisa, markii la waydiiyo qofka soo wacay inta badan ma qiro madaxa ayuu darbiyada ku garaacaa mar marka qaarne wuxuu dhahaa waa saaxiibkeyga xaaskiisa ama dadkale ayuu dusha ka fuulaaa.

3. Ninkaaga oo ka hadla arima qof kale

Inkastoo adagtahay ragga qaar in ay ka hor sheegaan xaasaskooda hortooda amaan ama ka hadal qof kale, laakiin inta badan way dhacdaa ragga ismacelin karaan markii loo fiirsho arintaan waxaad ugu dheereeyo qarinta arinkaan haweynka, badanaa ninka wuxuu afka ku soo celcelshaa waa qof wanaagsan, waa gabar maashaAllah, iyo mahadnaq badan uu u sameeyo qof dumar ah, taasne waxay marqaati ka tahay in ninkaaga uu sii gogol xaaranayo in uu qof kale helo, inta badan waxaa lagu macneeyaa waji sii sameesasho iyo soo jiidasho.

4. Waqti badan banaanka ku soo qaata

Ragga u qorsaan xaas 2aad badanaa waxay la imaadan marmarsiyo aan kala har laheen, isaga oo ku an dacooda maanta waan soo daahaa shaqada ayaa igu badan, waxaa i casuumay dad aan macrifo nahay, waana taxno marmarsiyo aan kala har laheen, inta badan wuxuu waqtiga la qaataa qofka uu markaas kula qaba ama uu damacsanyahay, xiliga uu guriga ku soo laabto wuxuu u muuqdaa nin fuleynima ku jirto ama dhaga taag qaba, hadii uu bilaabo ninkaaga soo daahis aan awal lagu aqiiin taa waxay muu jineesaa in uu ninkaaga gacan labaad helay oo aadan meesha waxba ku heen.

 


5. Cuntada guriga uu san sidii awal u cunin

Dumarka inta badan waxay isku taxluujiyaan in ay u diyaariyaan ninmankooda cunta ay ka helaan iyaga oo u dhaafa dooqoda cunto, sidoo kale dumarka waxay ku dadaalaan xiliyada uu wax cuno ninka in uusan ka dib dhicin, hasa ahaatee dadaalkaan ay sameeneeso nimanka xaaska 2aad leh wax ba qiima ah aktooda kama lahan, waana astaan ku tusineeso in uu cuntada aad u diyaarsay kuugu dhaho ma igu socoto, ama sidii awal uu wax u cuni jiray ka soo gaabiya, maadaama uu cunta kale ka soo cunay xaaska aan wali la shaacin ama qarsan, inta badan wuxuu xiiseeyaa cuntada naagta 2aad ee kariso.

Uguur galinta astaamahaas waa kuwa ku saleesan hab dhaqanka dhinka iyo la macaamilkiisa waayaha dambe, waxaana ka garan kartaa in uu ninkaaga bilaabo gagaabsi xagga arimaha awal, ugu bixis la aanta guriga, inta badan dhaha waan soo luga baxsanaa, waxaas udil waa sifaad lagu karto in ninkaaga uu meeleesan yahay.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

Share this article :

+ comments + 4 comments

Amatullaah
June 20, 2011 at 11:06 AM

ascwrwb war dalac adiga ayaaba umada shaki baas kusii ridahayo oo umadiiba isku dii dirahayee allena ooga cabso waxaad ku hadkayso subxaanallaah umada islaamka ah ha isku dirin guryaha islaamkana ha duminin dumaroow caqli yeesha ninkaan 4 ayuu alle u baneeyay maseerka badan iska daaya is dajiyo haduu adiga kugu ekaadana alxamdulillaah haduu mid kalana guursado alxamdulillaah dhaha sababtoo ah umada islaam koo la badiyoo fiican in nabiga scw aakhiro umadiisa ku faani doono iyo in aad hesho ilmo ku waaciyaan ilmahaagana walaalo ay jecelyihiin helaan oo ay had iyo jeerba la dheelaan walaalahood mushkila malahane arinta mushkilo ha u yeelina, alle ha idin waaniyo aamiin sanaltaqii fil jannah inshaa allaah ascwrwb

May 25, 2016 at 12:12 PM

In lais khiyaano oo gurka sidi loo tala galin loo sameyo wax fiican maha... Sida somalida inta badan sameyaan reerkoodii oo u bahan waqti iyo daqaalo oga
Oy xaqoodi ka siinin ayuu iska gursan... Naftooda unbey ka fakarayaan dumarkooda iney xaq u leeyiihin waqtigooda maba famsana.. Ninku haduu rerkiisa silcinaayo xitaa afar baa loo baneye unbaa loogu cudur darii igagoon shuruudi kasoo bixi

May 25, 2016 at 12:13 PM

In lais khiyaano oo gurka sidi loo tala galin loo sameyo wax fiican maha... Sida somalida inta badan sameyaan reerkoodii oo u bahan waqti iyo daqaalo oga
Oy xaqoodi ka siinin ayuu iska gursan... Naftooda unbey ka fakarayaan dumarkooda iney xaq u leeyiihin waqtigooda maba famsana.. Ninku haduu rerkiisa silcinaayo xitaa afar baa loo baneye unbaa loogu cudur darii igagoon shuruudi kasoo bixi

April 10, 2017 at 5:14 AM

Ilaahay umadda hakaa Qabto, maxaa dumarka buufis aan ewel ku jirin ugu ridee? Cudurka aaad waddo waa halis asaga ayaana ka wayn boqol kaloo cudur, marka wax maadan siyaadin walaal ee afcaashaada miizaan fadlan,

Guri muslim ah in dartaa buufis ugu dhasho maxaad ka hele aan ka ahayn caro rabbi kuu caroodo?

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks