Dumarka uurka leh oo looga digay in ay cunaan cunto badan !!!!

Tuesday, June 28, 20110 comments

Dumarka uurka leh ayaa qaar aaminsan in ay cunaan cunto badan taas oo lamacnaha in cuntada ay cunayaan uu cunuga uurka ku jiro isagane dhankiisa ka cuni doono, fikirkaas ay aaminsan yihiin dumarka uurka leh  ayaa la sheegay in uu halis u yahay cunuga caloosha ku jiro.

Hooyada uurka le ee aaminsan in ay cunto raashiis badan ayaa la sheegay in ilmaha ay dhali doonaan uu noqon doono ilmo IQ-dooda aad u hooseeso, sidoo kale waxaa kordhi doona culeeska hooyada jir ahaan taas oo dhib ku ah.

Warbixintaan oo lagu soo daabay joornaal caalami ah oo lagu magacaabo  Obesity Review ayaa sheegay cayilka hooyada uurka leh uu saameen doono cunaga dhalan doono iyo kobaca cunuga.

" waxaa jiro hooyooyin badan oo aaminsan qaacidada ama aragtida (eating for two) si uu cunga uurka ku jiro u helo daryeel iyo nafaqo taas noqon karto qatar ama halis hadii uu noqdo cunista raashiinka mid xad kabax"  sidaa waxaa yiri  Tam Fry, From National Obesity Forum, sida lagu soo daabacay Telegraph, maanta  (28/6/2011).

xigashada warka: http://www.detikhealth.com

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com

www.daalac.com

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks