Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 2aad)

Tuesday, July 26, 20110 comments

            Waxaa la ii qaaday hospitalka, waxaa lagu murmay qofkii bixin lahaa qarashaadka waayo isbitaalada Muqdisho qofka isaga oo aan bixin lacag waxba loo ma qabto si kasta uu i dhiig baxayo, waxaana lama huraan noqotay aniga oo dhiig baxaya in la waco ahelkeyga, waxaana goobta soo gaaray abtiyaasheyda, waxaana la igu sameeyay qaliin dhanka caloosha ah.

Waan u sheegay abtiyaasheyda qisada iyo qaabka ay wax u dhaceen, waxaan ka codsaday abtiyaasheyda in ay noqdaan kuwa la xaajooda reerka i wax yeeleeyay maadaama abtigey uu ka soo jeedo qolo kale.

Gabadhii aan la damacsanaa xumaanta iyo xaasinimada ayaa igu soo booqatay gudaha hospital ka xili aan aniga hurdo,  way isugatay ilaan aniga ka soo kaco, indhaha waxaan kala qaaday kursiga i ag yaalo iyada oo fadhida,  salaan iyo is maxabees kadib,  waxay ii muujisay sida ay uga xuntahay dhibka igaaray, waxayna ii sheegtay sababaha uu ninka ii dhaawacay taas oo ah ninka in uu jecelaa iyada horene uu dad badan u waxyeeleeyay iyada darteed, gabadhii ayaa bac ay ku jireen liin iyo doolshe isiisay waxayna itiri marka xiga ayaan isii soo kalifi doonaaa hada intaan ayaa iga tabar ah, aniga kama filaneen wax wanaag ah balse qalbiyada bini aadamka naxariista kama dhamaato, laakiin aniga ciilka dhaawaca iyo cuqdada qalbigeyga kama bixin, dhib kasto oo isoo gaara waxaan ku fakiri jiray sidii aan iyada uga aar goosan lahaa.

Dhaawicii ayaan ka soo bogsaday, waxaan bilaabay sidii aan uga aargoosan lahaa ninkii i dhaawacay, jadwalkii iyo shaxdii lagu qaarijin lahaa ayaan soo diyaarsaday, wuxuu ahaa mashin cajab badan qaabka aan rabo in aan uga aar goosto, intii aan ku dhaqaaqin wax ficil ah ayaan waxaan ka war helay in ninka i dhaawacay uu geeriyooday kadib markii ay ku fakatay xabad ka timid dhanka mid kamid ah mooryaanta uu la joogay.

Gabadha ayaa aheed mid markasta iga soo wacda dhanka teleefoonka si ay ula socoto xaaladayda caafimaad waayo gabadha ayaa aaminsan in iyada darteed laa ii wax yeeleeyay, hadal wanaageeda iyo qaabka ay niyada iigu dhisto wuxuu ahaa mid aan laabtayda galin, hadalka afkeyga kabaxa iyo kan qalbiga iigu jiro waa laba kala duwan, waxaan ku dadaalay sidii aan u balamin lahaa iyada aan u keeni lahaa xaafada aan daganahay, dadaal dheer iyo sasabasho kadib waxaan ka dhaadhiciyay in ay isoo booqato, kadibne aan baro xaafadayda, waxaan balanay galaba casir ah abaarihii 04:30 PM, asxaabtayda ayaa la tashtay waxaan iri waxaan rabaa in aan maanta gabadhaan wax yeeleeyo, balse inta badan way iga diideen waxay ii soo jeediyeen in qof gabar ah la xumeen marka laga reebo hal wiil isagane markaas ay ku daadisay saaxiibtiisa ciil gabar qaba ayaa igu yiri gabar isxaan maloo sameeyo, fursada ha beer dareen (ha qasaarin), ee galabta gabadha dhulka la jar, talada wiilka ayaa ila qumanaatay waxaan hareer maray taladii aheed ha wax yeeleen, wiilkii isagane necbaa gabdhaha ayaan kala tashtay sidii aan wax yeeleen karo wuxuuna iigula taliyay in gabadha loo diyaaro cabitaan kadib loogu daro kaniini wax dooriya, taladii ayaan qalinka ku duugay (ansixiyay).

Waxaa la gaaray xiligii balanta, labiska iyo farxad ka muuqata waa mid iga yaabisay, udgoonka iyo carafta ka baxeeso waa mid qof kasta wadada maraya uu sanka kula raaco, waxaan keenay guriga qeebta fadhiga, waxaan u shubay biyihii cabitaanka aan hore ugu daray kiniigii kadib waxaan iri  waad daalantahay bal cab oo is qabooji.

Ma cabi doontaa biyaha? Hadii ay cabto maxaan ku sameen doonaa? Maxaa ka dhici doono goobta? Khiyaanada ma la igu fahmi doonaa? Waxaas oo idil waxaad ka bogon doontaa adiga oo la socda qeebta 3aad maalinkasta oo talaada ah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks