Belgium: Tirada Muslimiinta Ku Nool Gobalka Antwerp Oo Sii Siyaadeesa

Tuesday, July 5, 20110 comments

    Tirada muslimiinta ku nool gobolka Antwerp ee dalka Belgium ayaa sii kor dheersa, tira koob laga qaaday kala bar ardayda dhigata dugsiyada hoose ayaa lagu sheegay in 50% ay yihiin muslimiin, koroka ku yimid muslimiinta gobolka Antwerp ayaa lagu qiyaasay 12% marka loo barbardhigo tirakoobkii la sameeyay 2007/2008.

Qeebaha ku shuqulka leh waxbarashada ayaa laga codsaday in ay tira koob ku sameeyaaan tirada ardayda muslimiinta ah kuwaas oo barta maadada tarbiyada islaamka, iyagoo soo gudbiyay in tirada muslimiinta ay sii kordheeso.

Dalka Belgium ayaa caruurta waalidkooda loo siiyay awood ah in caruurtooda ay udoortay maadada diiniga ah, maadooyinka caruurt loo doori karo ayaa ah sida Catholic, Protestant, Orthodox, Evangelical, Jewish iyo Islam.

tiraday arday kunool gobolka ayaa gaareeso 10743 arday , halka ardayda dooraday barashada diinta islaamka ay geereeso 4890 arday taas oo dhigmata 45.5 %

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks