Dhacdo layaab leh: Naag cafisay ninkeedii xanuunsanaa kadib helay caafimaad

Wednesday, July 6, 20110 comments

    Dhacdadaan ayaa ah mid ka dhacday gobolka Banaadir, ninka xanuunsan ayaa la sheegay in uu qaladaad badan ka galay naagtiisa, wuxuu ahaa nin naagtiisa ula macaamila si kabaxsan bini aadamnimada, ninkaan ayaa la sheegay in uu naagtiisa laguha uga xiri jiray silsilad marmarka qaarna madaxa ka xiiri jiray, naagta dhibka loo geestay ayaa la sheegay in jirkeeda meel kasta dhaawac uga yaalo, xad gudubkii iyo anxan darada uu u geysan jiray naagtiisa ayaa ninkaan waxaa ku dhacay cudur jarees ah isago oo la sheegay in uu markii dambe wax maqli waayay, aragiisana uu daciif, dhaqaatiirta ayaa wax ka qaban waayay xaaladiisa caafimaad taas oo markii dambe sababtay in ninkaan laga saaro hospitalkii lagu dawenayay.

Mid kamid ah dadka dariska la ahaa ninka xanuunsan ayaa ku wargaliyay qaraabada ninka xanuunsan in ninkaan heesato cuqubo wuxuuna sheegay in ninkaan uu ahaa nin naagtiisa silcin jiray, wuxuuna usoo jeediyay in naagtiisa loo waydiiyo cafis.

Naagta uu qabo inta laga codsan cafiska ayee ehelka ninka waxay usoo iibiyeen dahab iyo dhar qurxoon lana siiyay lacag, ehelka ninka ayaa ka codsaday naagta in ay cafiso si kal iyo laab ah, ninkii xanuunsanaa ayaa sidaa ku helay cafis.

Daqiiqado kadib ninka jirkiisa ayaa bilaabay in  uu daayo jareeska waxna maqla, wuxuuna balan qaaday in uu naagtiisa ula macaamili doono si wanaagsan uuna tixgalin doono.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks