Dhibaatooyinka uu leeyahay xiriirka Jaceylka oo daba dheeraada

Thursday, July 21, 20110 comments

       Inta badan noolaha kuma dagdagaan guurka, waa kuwa marka hore door bida xiriir kaas oo marka dambe noqon doona mid u gogol xaar guur, hadaba xiriirka jaceylka ee daba dheeraada ayaa la sheegay in uu leeyahay dhibaatooyin fara badan, waxaana ka mid ah.

1. Wuxuu sababa xiiso la aan

xiriirka aan waqtigiisa xadid neen waa mid bahdila qiimaha jaceylka, waa mid sababa in adiga oo xiriir laleh qof  in aad damacdo ama shukaansato qof kale, wuxuuna keenaa ahmiyad la'aan.

2. Guurka Dhadhan Ma ulahan

xiisaha iyo macaanida la isku qabay waa kuwa inta badan ku soo dhamaaday xiligi uu xiriirka jiray, guurka ayaa dhadhan uleh dadka isku xiiso qaba laakiin dadka xiriirkooda uu dheeraado waa kuwa aan dhadhamin farxada nolosha maadaama inta badan ay farxada ku soo qaateen guurka ka hor.

3. Wuxuu sababaa macsi (zino)

Shaki kama taagna xiriirka daba dheeraaday in uu keeno macsi, waana caqabadaha baajiya guurka ama labada israbta in xiligii loo baahnaa guurka uu dib u dhac ku yimaado, xiriirka hadii uu daba dheeraada waa mid labada qof hadalada ay ku hadlayaan marba marka xigi uu noqda hadalo kiciya dareenka labada qof.

isku soo duuduub xiirka daba dheeraaday ayaa leh caqabada badan inshaAllah waxaan soo qaadan doonaa faa'iidooyinka uuleeyahay xiriirka daba dheeraaday iyo xiriirka cusub dhibka uuleeyahay iyo faa'iidiisa.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks