Dumarku imisa jeer ayay Maalintii Muraayad isku fiiriyaan?

Wednesday, July 13, 20112comments

          Daraasaad aan sameeyay in ka badan 5-Sano ayaan ku ogaaday in Hablaha ama Dumarku ay maalintii Muraayad isku fiiriyaan in kabadan 20-mar, waxaana la ii xaqiijiyay in Dumarka Muraayadaha isku eega ay ugu badanyihiin Gabdhaha Dhalinyarada ee hadda soo koraya.

Gabar Soomaaliyeed oo ka gaabsatay in magaceeda aan u adeegsado Qalabka Warbaahinta oo aan la sheekaystay si aan wax badan uga ogaato arintaan ayaa waxa ay ii sheegtay in Gabdhaha hadda soo baxaya ay maalintii Muraayada isku fiiriyaan in kabadan 20-jeer, waxaana ay taasi sabab uga dhigtay in ay Dumarku jecelyihiin in inta badan ay is qurxiyaan si ay u soo jiitaan Ragga.

Gabadhaan ayaa sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in mar walba Dumarku ay Muraayadaha iyo Waxyaabaha la isku qurxiyo ku qaataan Boorsooyinka ay sitaan, waxaana ay intaasi ku dartay in marka ay socdaan Wadooyinka Dhaxdooda xitaa ay muraayadaha isku fiiriyaan.

Ugu dambeyntii inta badan Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa ah kuwa ku mashquula Qurxinta Jirkooda, maadama Gabar walba ay isleedahay yaysan kaa sareynin Gabadha Asaagaaga ah, waxaana taasi ay dhalisay in Dumarku ay maalintii Muraayad isku fiiriyaan in ka badan 20-jeer.

Mohamed Abdullahi (Mo.kaayeelimaa)

Nairobi-Kenya
Share this article :

+ comments + 2 comments

Laki
August 9, 2011 at 9:28 AM

kkkkkkkkkkkkk taas anebo i haysata malinti haday u yartahay 10 gooraa murayad isku firiyaa

Laki
August 9, 2011 at 9:28 AM

kkkkkkkkkkkkk taas anebo i haysata malinti haday u yartahay 10 gooraa murayad isku firiyaa

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks