Garaacista Carruurta oo ku saacida in ay Guuleystaan

Friday, July 1, 20110 comments

Daraasaad lasameeyay ayaa xaqiijiyay in carruurta oo uu waalikood edbiyo yaraantooda garaacis khafiif ah oo aan jirkoooda  waxba u dhimin ay koraan ayna noqdaan kuwo liibaana guuleysta ilaa qaangaarkooda.  Waxa aysheegtay daraasada ama cilmibaaritasi oo ay shaacisay jariida Daily Telegraf ee wadanka Ingiriiska maalinkii axada ahayd in canuga lagaraaco qaab aan waxba u dhimayn ilaa sanadka 6aad ee cumrigiisa uu wanaagsanaado habdhaqankiisa dhinaca iskuulka uuna noqdo mid guuleysto markii loo barbardhigo carruurta kale ee aan qaabkan oo kale loola macaamulin.

Arrintan cilmibaarista ah ayaa waxa ay kacaraysiisay hay’adaha udooda xuquuqda carruurta iyo kuwa difaaca carruurta xuquuqdooda  ee dalkaasi Ingiiska taasi oo ilaa iyo hada sababtay muran aad u weyn oo markii danbe keenay in xukuumada wadankaasi la horgeeyo qaraar  lagu reebayo garaacista carruurta  gabi’ahaan.

Waxa ay dhahday Margury Guno  -oo ah haweeneey profesorad ah islamarkaana  dhigta cilmi nafsiga kuliyadda Kalvin gobolka Machigan ee wadanka Mareykanka halkaasi oo ahayd meesha  lagu soo diyaariyay cilmibaaristan- waxa ay ku andacoonayaan kuwa ka soo horjeeda in carruurta lagaraaco ma aha wax lagu qanco waxa ay sii raacisay haweeneeydaas baahida loo qabo in habkaan canuga lagula dhaqmo marmarka  qaarkood  loo baahanayahay si looga reebo in uu ku dheganaado ama uu kula tagrifalo dhaqan xumadiisa carruurta kale iyo bulshada dhexdeeda. Waxaa la hordhigay 179 arday oo qaangaar ah in ay jawaab ka bixiyaan su’aal ahayd inta jeer oo ay lakulmeen garaacis  markoodii hore oo ay yaraayeen ama xitaa marka ugu danbeysay oo ay lakulmaan arrintaas, ama in ay arrintaas ay u keentay ku xirnaanshadooda howlo qaribaad ah ama dhibaatooyin dhinica jirka ah,jinsiga ah ama ay ku dhacday niyad xumo, waxaa cad in carrurta walidiintood ay ku edbiyeen garaacis fudud oo khafiif ah aysan dhibtaasi lakumin . laakin natijada cilmibaaristan ayaa ahayd maada canbaarayn ah markii loo eego  hay’adaha wadaniga ah ee ka hortaga in carruurta lagula dhaqmo ad adeeg taasi oo dhahaysa in arrinkaani ku haboon yahay kii gaabinaayay in lahelo xuquuq weerarada ka difaacda sida dadka waaweyn oo kale gabi’ahaanba.

Waxa uu dhahay afhayeen ku hadlay magaca hay’da in ay jiraan daraasaada kale oo tilmaamaya in carruurta lagaraaco ay saameyn ku yeelan karto  habdhaqankooda koriinmadooda xagga caqliga ah iyo in ay ka dhigi karto in ay cadawtooyo ba’an u qaadaan bulshada.

W/D:-Abdulkadir Sh-Omar Abdi (canjeex)
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks