Ila Tali: Asxaabey gabar ayaan mudo wada soconay waan isku dhacnay waanu kala harnay

Monday, July 4, 20110 comments

Warqad aanu ka helnay mid kamid dadka aadka u xiiseeyo ila taliya ayaa soo waydiistay asxaabta in ay la taliyaan hadalkiisane wuxuu ku bilaabay sida tan:

Magaceygu waa Cigalle, waxan ku noolahay Xamar, waxaan rabay inaad talo iga siisaan Asxaabey gabar ayaan mudo wada soconay, nasiib darase waxay dhacday markii aan isku dhacnay waanu kala harnay, mudana maanan wada hadlin, waayo wada hadalka diyaar uma ahan iyada, wana caraysan tahay, walina waan is jecel nahay, qofkastaa kan kale waa jecel yahay, laakiin hada iyadaa wax tabanee oo in la xumeeyay aaminsan, anigana wan aaminsanaa in qalad dhacay lkn hadana in la xaliyo ayaan diyaar u ahaa markastaa, wan la xiriiray lkn xiriirkii aan la sameeyey waxba ma anfacin inay kusii xanaaqdo mooyee oo waliba aan ka dareemo naceyb badan waliba waan kala fog nahay oo meel ma wada joogno runtiina wan ku mashquulay sida aan u xaliyo lkn xalkii waxaad moodaa inuu adag yahay marka maxaa xal idiin kugu muuqdaa waa laga yaaba talada kaa maqani in walaaladaa ama asxaabtada inay ku jirto.

Fadlan qofkan ku caawi talada, waxaa laga yaabaa fikirkaagu in uu wax galo

kusoo dirso ila taligaaga daalac9@hotmail.com

 

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks