Ila Tali: Wuxuu iyiri naag kale ayaan kula guur sanaa ama waan ku furaa waayo ma dhasho ayaa tahay

Friday, July 22, 201110comments

        ASC, Magaceyga waa Zamzam Cumar, 27 sano ayaan jiraa, walaalayaalow waxaan ka bixi la ahay fikir habeen iyo maalin, ninkeyga mudo 5 sano ah ayaan is qabnaa wax caruur ah iskuma dhalin, Allah wali wax caruur nagu arsuqin, waxaan isku guursanay aniga iyo ninkeyga jaceyl, heer waxaan gaaray dadkeyga asiga dartii ii nacaan laakiin aniga Allah ayaan ku mahadiyaa iiga dhigay isaga nin, isbuucii hore ayuu talo ii soo jeediyay oo ah in uu i furayo ama naag kale ila guursanaayo sababata uu sidaa u leeyahay ayaa ah 5 sano ayaan ku qabaa wax ma aadan dhalin marka ogolow in aan naag kale guursado ama aan ku furo, aniga waxaan ku iri caruurta Allah ayaa baxsha hadii aan awooda isla maanta 100 ayaan kuu dhali lahaa, naag kale ha guursan Allah aan barino oo aan tuugno ehaladeena aan ka duco qaadano, waxaana ku iri wuxuu ilaah nasiin ma arkeeno, wuxuuna igu yiri warkaas ma imarayo waxaa iga go'an in aan guursado 5 sano ubad la aan ma ahaan karo.

maalinta uu talada ii soo jeediyay ilaa maantadaan aan fariintayda idiin soo dirayo ma ladin, furiin ma rabo waan jeclahay 100%, naag kalane in uu ila guursado diyaar uma ihi, maxaad iigula talineesaan talo kaa maqan waxay ku jirtaa walaalkaa ayaa la yiri, waxaan rajeynaa inbadan oo idin kamid ah in ay i caawin doonaan. shukran.

Hadii aad dooneeno in aad aragti ku caawiso fadlan meesha hoosa ee page ka fariin ugu reeb (comment)
Share this article :

+ comments + 10 comments

August 2, 2011 at 4:51 AM

Asc adi aan u gudbo xaga talada ani waxan kugula tali lahaa in aad in aad u ogalaato in uu kula guursado waayo eebe ayaa afar u baneeyay tan kale adi wuu kuu yimid wuuna kaa dalbaday guursado si uu u helo ubad raga qaar naagahooda kalama tashtaan mana usoo bandhigaan arimaha noocaan ookale

ilhan
August 9, 2011 at 2:21 PM

walalaley marka hore waxan ku dhihi lahaa in uu haayo allah ubadka ayna adiga kugu xirnen ninkane uu qaldan yahay madama uu ku dhahay ma dhasho oo waxaaba laga yabaa in ay tahay qaladka asiga uu yahy ma dhali marka waxan labadinaba nii soo jeedin lahaa intii adan is furin ama u asiga naag kale guursan bal fiiriga labadiina kii sa ana wax dhali karin si ad u ogadaan cilada jirta .......ilahayna talada saarta wabilahi taowfiiq

August 13, 2011 at 5:22 PM

Asc walaashey zamzam marka hore allah sumxanah watacalah ha ku siiyo samir buuxa iyo eemaan waasic ah aamiin arintaada waa fahmay balse aniga talo ahaan waxan kugu darsan lahaa marka hore tuko salah istiqarah hadii aad jeceshahay ninkaada inaad u samirto allah weydiisato inuu qalbiga kuu qaboojiyo sidaan og nahay maseyrku waxaa keena sheydaan wax fiicana ma aha waana ka wada simanahay koley qof aad jeceshahy wey adag tahay inaadan u maseerin balse waa inaan is xusuusinaa allah oo qur,aankiisa ku sheegay in raga 4 u banantahay arinta ninkaada uu u guursanayana waa mid ka mid ah sababta loogu baneeyay afarta naagood marka walaleey allah qalbigaada ha kuu qaboojiyo aamiin ogow samirka lagama maarmo wuxuuna kuu iftiimiyaa dariiqa wanaagsan insha allah waxaad u dhali doontaa caruur saalixiin ah ha wel welin hadiii aad niyad saafi ah la timaado waad liibaaneysaa duniya wal aaqira wax ka macaan ama ka nolol wanaagsan ma jiraan markaad ubad u dhasho nin aad jeceshahay ha iska duminin gurigaada aad jeceshay allah aclam inaad mid ka fiican heleysid walaashiis intaas hadii aad awoodi weysid nafta ha qasbin iskaga tag si aanad danbi u siyaadsan wa bilahi towfiiq

muse
August 30, 2011 at 8:13 PM

abaayo waxaan kugula talin lahaa marhadii uu ku jecelyahay adiguna aad jeceshahay ilaahay bari unuu ubad ku siiyo hadii uu isagu go aan saday inuu guursado waa wax ilaahay baneeyay u ogoloow inuu guursado shuurada aad ku xidhaana ha ahaato wixii xaqaaga ah inaanu kula geesmarin oo uu habeenkaaga ula seexdo naagta kalana aad u ogolaato habeenkeeda
Download: eType1.com/f.php

September 4, 2011 at 10:37 AM

Asc, abayo waxan kudhihi laha xaqiqona ah inad u ogolato inu kulagursado, maxa yelay adigo dhalaya ayu ilahey u ogoladay, si uu gabdhaha kale nin la,an uga dhawro.

Post a Comment

Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks