Naag markasta booqata qabriga ninkeedii hore, jaceyl dartiis

Thursday, July 21, 20114comments

      Naagtaan oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Shiinaha ayaa booqata markasta qabriga ninkeedii dhintay, xiliyada ay booqato qabriga ayee hore u iibisaa ubaxyo badan taas oo ku dul surto qabriga ninka, naagtaan ayaa qorta inta aysan tagin qabriga warqado jaceyl oo ay igu dardaameeso ninkeeda, naagta ayaa ku dul ooyada qabriga ninka mudo dhan 7 saac.

Sida la sheegay ninka iyo naagta ayaa ahaa kuwa si xad dhaaf ah isku jecel, dhimashada ninka ayaa saameeyay naagta caafimaad ahaan jismi ahaan, naagta uma dhilin ninka wax caruur.

Ninka markii uu dhimanayay ayuu ka codsaday in aysan guursan ninkale isaga gadaashiisa, naagta ayaa balan qaadkasi ka soo baxday mudo 10 sano ayee qabriga ninka booqataa.

Dadka booqday guriga naagta ayaa la sheegay in guriga ay ku nooshahay naagta uu harqiyay sawirada ninka dhintay, dadka booqay ayaa soo tabiyay naagtaan in qolka ay habeenkii seexato darbigiisa uu ku dhagan yahay sawirada ninka dhintay.

Dharka ay xirato sida funaanadaha oo kale waxaa ku sawir sawirka ninka dhintay, naagtaan ayaa sheektay in ninkeeda ay wali jeceshahay, sheekadaan ayaa noqotay mid dad badan soo jiidata iyada la filayo sanadka soo socda bilawgiisa in laga diyaaro film cusub qisada naagta iyo ninka.

Matahay qof ilaa heerkaas wax jecel  xitaa dhimashada  kadib?

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 4 comments

July 21, 2011 at 10:18 AM

haaaaaaaaaaaaaaaa aniga waan ahay kix kix kix kix

July 21, 2011 at 10:18 AM

haaaaaaaaaaaaaaaa aniga waan ahay kix kix kix kix

July 26, 2011 at 7:54 AM

maxay maalinkasta ka doonta ma TARAAWIIXBAY ku aqrinaysaa waa su,aale??

July 26, 2011 at 7:54 AM

maxay maalinkasta ka doonta ma TARAAWIIXBAY ku aqrinaysaa waa su,aale??

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks