Naag Soomaali ah Lama yaqaano ninkii uureeyay balse waxaa lagu xukumay dil

Thursday, July 21, 20110 comments

       Mid kamid ah maamulada ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay qof dumar ah oo lagu sheegay da'deeda 39 jir,  naagtaan ayaa leh uur 6 bil ah lama garanayo cidii uu reesay, maamulka ayaa sheegay hadii aysan keenin wax cadeen ah in naagtaan lagu xukumi doono dil.

Naagta ayaa ku an dacooneeso in ninka uu reeyay uu ka dhuuntay kadib markii uu masuuliyada naagta qaadi waayay, waxayna sheektay in uurka uu yahay mid xalaal ah loo maray shareecada islaamka.

Qareenka u doodaya naagta uurka leh ayaa saxaafada la hadlay goor hore ee saakay wuxuuna sheegay in naagta awal aheed garoob kadibne ninka wax uu reeyay uu ahaa xerow (wadaad),  ninka wax uu reeyay ayaa naagta si hoose (qudbo siro) ku qabay, sida uu qareenka sheegay naagta ayaa aheed mid biisha ninka oo fangareeso.

Maamulka ayaa codsaday in la keeno cadeen muujineeso in naagta la qabay, naagta ayaa sheegtay maadaama uu ahaa ninka iyada qabay xerow uu asiga soo kaxeestay asxaabtiisa kale ee xarowga dadbadeedna sidaa uu ku dhacay nikaaxa.

Dadka xaafada dagan ayaa sheegay in aysan arkin wax nin u imaada naagta uurka, dadka ayaa sheegay in ay ku baraarugeen naagta oo uurleh.

Lama oga halka uu ubaxsaday ninka inkastoo ay sheektay naagta in ninka uu ka soo jeedo gobalada Baay iyo Bakool, waxaa wali socda baaritaanka arinta, wixii ku soo kordha waan idin la soo socodsiin doonaa inshaAllah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks