Quruxda dumarka la rabo

Thursday, July 14, 20110 comments

    Marka laga hadlayo quruxda dumarka ma jirto qaaciido dhab ah oo laysku
raacsan yahay. Bulsho kastoo aduunkan ku noolina waxay leedahay dhaqan
iyo caado u gaara oo ay ku qiimeeyaan quruxda dumarka. Dadka qaar waxay
quruxda dumarka ka eegaan dhinacyo badan sida xubnaha jidka, midabka,
dhererka, garashada iyo dabeecada.

Hadaba marka aynu usoo noqono dhaqankeenii hore iyo sida ay soomaalidu u
qiimayn jirtay quruxda dumarka, waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu
qiimayn jiray, walow waayadan danbe aad moodo inay inagu soo kordheen
dhaqamo dibada inooga yimid.

Hadaba inaga oo aan maqaalkan ku soo koobi karin astaamihii ay ragii hore ee
soomaaliyeed ku qiimayn jireen dumarka ayaa hadana waxaan jeclaystay
inaan soo qaato dhowr astaamood oo ninka guurdoonka ahi ku sifayn jiray
gabadha gayaankiisa ah.

Soomaalidu waxay odhan jireen hadii gabadha gashaantida ahi ay leedahay sideed iyo
labaatankan astaamood (28). Waxay ka dhigan tahay in Illaahay ku
manaystay qurux dumar oo gabadh soo gaadhi kartaa aanay jirin. Walow
hadana sideed iyo labaatankan astaamood ka bacdi lagu qiimayn jiray
dhanka dabeecada iyo garashadaba.

Waa kuwan sideed iyo labaatankii astaamood ee lagu qiimayn jiray quruxda dumarka:

. Afar waa inay gabadhu u dheer tahay. Labada gacmood, timaha iyo qoorta.
. Afar waa inay dhumuc u leedahay. Labada kub iyo labada cududdood.
. Afar waa inay u caddahay. Labada indhood iyo afka labadiisa lakab.
. Afar waa inay u madowdahay. Labada sunniyood iyo labada indhood wiilashooda.
. Afar waa inay deeb u leedahay labada dibnood iyo labada mudane ( Naasaha caaraddooda).
. Labana waa inay u dhuuban tahay. Qoorta iyo dhexda.
. Labana waa inay u shushuban tahay. Labada dhaban.
. Halna waa inay u qoran tahay.
. labada ugu danbeeyaana waa qosolkeeda iyo codkeeda dabacsan.

Mohamed Abdulaahi (Mo.kaayeelimaa)
mrcasaawiir@hotmail.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks