Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 1aad)

Tuesday, July 19, 20114comments

     Hordhac:

Sheekada waxaa qoray Daalac Daahir Shoot, waa sheeko jaceyl, waa qiso dhab ah, waana sheeko webka www.daalac.com idiin soo deen doono maalinkasta oo talaada ah hadii Allah inoo saamaxo. sheekada waxay ku bilaabaneesaa sidatan:

 

 

Habeen ayaan waxaan raacay saaxbiibadeyda Ali Jaamac iyo Abdifatah Aways, waxaan u shukaansi doonanay xaafada Baar Ubax ee degmada Holwadaag ee Magaalada Muqdisho, aniga ma anaan garaneen gabadhaha loo socdo balse waxaan ahaa nin wehliya asxaabtiisi, waxaan tagnay goobta ay dagan yihiin gabdhaha, waxaa noo suurta gashay in aan barano gabdho badan, intii ay socotay dooda iyo kaftanka ayaa gabar  lagu magacaabo Ruwaydo waxay tiri waxaan necbahay qabiilkaas ifka iyaga ayaan ugu necbahay, waxaan waydiiyay sababaha keenay in aan ay nacdo waxay ii sheektay in  adeeradeeda walaalaheeda ay dileen, qabiilka ay necebtahay gabadha aniga ayaa ka soo jeedo, waxaan go’aan saday in aan gabadhaan neceb qabiilkeyga aan jeceyl ku abuuro kadibne aan uu reeyo aan uga dhigo abaal martinta naceebkeeda.

Aniga ma isku sheegin qoloda aan ahay laakiin iyada ayaan ku iri ma ahan qabiil la jeclaado qabiilkaas, waxaan sidaas ulahaa in aan ka saaro shaki qalbigeeda, waxayna i waydiisay qolada aan ahay waxaana sheegtay in aan ka soo jeedo Soomaali Galbeed mana ka soo jeedin.

Waxaan ku soo laabtay xaafada aniga oo qalbiga ka gubanayo ciil iyo calool xumo i heeso, waxaan ku fakiriyay gabadha sidii aan u xumeen lahaa, waxaa ila wayneed naceebka ay u qabto qabiilkeyga, waxaa isaarnaa sheydaan kii uga xooga badnaa, habeenkii ma aanan seexan ilaa waxaan ku fakirayay in aan xumeeyo ama aan nolosha ku silciyo.



Subixii markii uu waaga inoo baryay ayaan iyada wacay aniga oo been u sheegaya iyada waxaan ku iri abaayo xalay xaafadeena waxaa lagu dilay wiil qabiilkiina ah waxaa dilay cidii xalay aad iiga sheekeeneesay, sidaa waxaan u iri maadaama qofka wuxuu necebyahay looga sheekeeyo wuxuu aad u tixgaliyaa qofka sheekada la wada, gabadhii waxay bilaawday in ay six un isii caayso ama aflagaadeeso qabiilkeyga, marba marka ka dambeeso dhiigeyga wuu sii sara kacayay laakiin iyada ma aanan u muujin wax caro ama xanaaq ah, waxaan ahaa qof dhoola cadeeya.

Maalin aniga oo dhax jooga Suuqa Bakaaraha (Muqdisho) ayaan iyada wacay waxaan ku iri meel adiga kuu dhow ayaan joogaa maanta waxaan jecleestay in aan ku soo booqdo xaafadaada aan soo barto, waan wada balanay isgooska Baar Ubax ayaan ku balanay, waxaan u daadagnay dhanka iyo xaafadeeda, guriga ay Ruwaydo ku nooshay waa kuriga laga abaabulo dagaalada, waxaa yaalo gawaarida dagaalo, waxaa dhoobnaa meesha maleeshiyaad  fara badan, waxaan dareemay cabsi iyo walwal, gudaha gurigooda ayaan galay waxaa dhax jiifa aabahood oo lugta ay jabisay xabad ama mad fac, qolalka kale ee guriga waxaa dhex daadsan dhaawac tiro badan, markii aan arkayo dhawaacyada waan farxaa, markii ay reerkeyga wax  ka sheegayaan waxaan sii qaadaa cuqdad iyo xaasinimo.

waxay ibartay qaar ka tirsan maleeshiyaadka meesha joogay, mid kamid ah ayaa qoray igu qabtay kadib amaanka ayuu jirtay dhidid badan ayaa iga imaaday intii aan hadlin ayuu labo xabad caloosha iiga dhuftay, waa dhaawacmay goobtii ayaan ku dhacay, dhiig badan ayaa iga imaaday.

Kan i dhaawacay sababta ii dhaawacay waa maxay? Gabadha ma ogaan doontaa qabiilka aan ahay?  Sidee ayee u dhici doontaa garta? Isbtitaalkee ayaa la igeen doonaa? Iyada ma isoo booqan doontaa? Markii la i dhaawacay iyada maxay sameesay? Waxaas oo idil waxaad uga bogan doontaa adiga oo isha ku haya Qeebta 2aad sheekada

La sooco qeebta 2aad Talaada kasta.


W/Q: Daalac Daahir Shoot

 
Share this article :

+ comments + 4 comments

July 19, 2011 at 11:19 PM

hagaag waba mid kasiidaran sheekooyinkii hore cajab ayan kuleeyahay mudane dalac waana aqaan asxaabtaada ilaah hanoogu dhameeyo si wanagsan sheekadaan waana kutixnaan doonaa inshalah

July 19, 2011 at 11:19 PM

hagaag waba mid kasiidaran sheekooyinkii hore cajab ayan kuleeyahay mudane dalac waana aqaan asxaabtaada ilaah hanoogu dhameeyo si wanagsan sheekadaan waana kutixnaan doonaa inshalah

July 21, 2011 at 3:42 AM

Thanks daalac.com wan ku taxnan don'na insha Alaah

July 21, 2011 at 3:42 AM

Thanks daalac.com wan ku taxnan don'na insha Alaah

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks