Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 3aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Saturday, July 2, 20110 comments

Hawada waxaa dib ugu soo laabtay teleefoon keygii, waxaan billaaway in aan war galiyo dadka sida joogtada ah aan isku wacno iyo asxaabta iska caadiga, mudadii uu fiicnaa telefoonka wax war ah kama helin ninkii maskaxda maamulkeeda si fudud ula wareeegay.

Habeen ayaa waxaa yimiday guriga Ahlam ninka ay saaxiibada yahiin xiriirka ka dhaxeeeyo, Ahlaam ayaan ku iri xabiibti maad ii waydiisay sxb kaaga in uu kasaayo ama garanaayo ninka aan raadinaayo, Ahlaam ayaa igu dhahday markii aan kala dhameesano sheekada  uu bixi rabo aniga ayaa ku soo wacaayo waan kula kulan siinaa inshaAllah, Ahlaam iyo  sxb keeda in kabadan 4 saac ayee sheekeesanayaan aniguna waa dhararayay goormee ayee kuu wici doontaa ayaan islahaa, markii dambe  anigoo indhaha isgalinaayo fikir igu jiro ayee isoo wacday, waxay igu tiri macaanto ma inoo imaan kartaa iminka ayaan firaaqo kuu heeynaa.

Waan la kulmay Ahlaam sxb keeda, intii aan su’aalo waydiin, xaalada qolka ay ku sheekeesanayeen wuxuu ahaa mid udgoon badan nalal kala duwan ka shidanyihiin taas oo u saamixi karta dadka xiriirka wacan ka dhaxeeyo mid sare uqaadi karto marka loo fiiriyo jawigaas aadka uwacan.


Waxaan usoo daadagay su’aashaydii aheed in uu garanayo ninka aan doonoyo, wuxuu igu yiri waxaan kasaa laba nin oo magacaa aad sheegeeso sidata laakiin waxaa lagu kala gartaa naanees ee miyaad  utaqaan naanees?.




Waxaan ku dhahay maya magacaas uun baan u aqaanaa, wuxuu yiri hadaba  ninka ii tilmaaam sida muuqaal ahaan ama jismi ahaan uu kala ahaa Waan u sheegay in uu yahay nin dhoor iyo sodon jir ah muuqaal nuucaa iyo nuucaa ah leh, wuxuu yiri waaan garanayaa waa ganacsatada waa wayn kuwa wax ugu dhoofiska badan ayuu ku jiraa waan sxb keyga isoo galiyay in aan kamid noqdo ganacsata Dubai , aad baan ufarxay  hal mar ayaan sare ukacay waxaan ku iri alxamdulilah aad baad umahadsantahay. Wuxuu  isiiyay 2 card oo ay ku kala qoran yihiin Name, telefon, e-mail iyo Address.



Waxaan wacay kii aan aniga udan lahaa in aan lahadlo laakiin teleefonkiisa wuu iska dhacaa qof qabaneeso malahan, maalinkii oo dhan baan ku celceliyay ilaa aan heer qalbiga iska dhaho kan ma doonayo in uu kaa qabto telka.


Ma aanan quusan waxaan udiray E-mail



waxaan ku iri waa Sahra Ahmed waan kuu baahnaa isoo wac, waxaa ii sii dheeraa in aan teleefonka ka wac, xiliyada qaar waan furaa inbox ka cinwaankeyga waxaan is dhahaa amuu e-mail ahaan kuugu soo jawaabaa.

Xili magaalada Dubai 8 PM tahay ayaan furay cinwaan keyga waxaa taalo fariin ka socoto ninkii.

nuxurka fariintiisa ayaa aheed in uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso uuna u joogo xalin arin markab ah oo ay dhaceen burcad badeed Somali ah ilaa uu arinka uu soo xaliyo uusan ku soo laaban garin magaalada Dubai , wuxuuna ii reebay teleefon ka gurigiisa.

Waan wacay teleefoonka gurigiisa waxaa iga qabatay qof dumar ah agagaarkeeda ka qeelinayaan caruur, waxay igu tiri waa ayo, waxaan ku iri waa gabar dan kaleh Hebel Hebel ee waa tuma adiga? Waxay iigu jawaabtay ninka aad raadineeso caruurtiisa ayaan hooyo u ahay, aniga qaracan madax xanuun, hal mar ayaan teleefonka isi saaray qaracan dartiisa xitaa ma macsalaameen.



Maxaa xigo doono mar hadii aan is dhahay nin naag qaba ayaad ka daba ordeesay? Ma maseerka ayaa igu badan doono mase wax kale ayaa xigo doono la soco qeebta 4aad. Axad kasta


Waxaa idiin soo diyaariyay: Daalac Daahir Shoot


 

 

 

 

 

 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 


 

Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks