Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 7aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Sunday, July 31, 20110 comments

                     Talada markii ay gacanta kabaxday, wax kasta ay noqotay kuwa aan la saadaalin karin halka ay ku biyo shuban doonto, waxaa safar dagdag ah  oo aan hore loo sii cayimin ama aan qorsheesneen ku amabaxay aabe kuna gaaray maagalada Dubai.

wuxuu kulan fool ka fool ah la qaatay hooyo, kulankaasi oo saacado badan soconayay,mirihii ka soo baxay kulankaasi ayaa ahaa sadax qodob, qodobka ugu horeeya ayaa ahaa in si dagdag ah looga siidaayo wiilashada xabsiga ku jiro, awoodane la iskuugu geen doono sidii loo furdaamin lahaa, lana adeegsan doono awood kasta oo suurta gal ka dhigi karta sii deentooda, aynan dhicin wax ciqaab ama xabsi kuwaarid ah, qodobka labaad ayaa ah in lagudo lacagta ay tabanayaan  faamilka ku sugan UK,  qodobka sadaxaad ayaa ahaa in aan aniga aan ku soo laaban karin Dubai wax kasta oo dhaca,  dhanka hooyo aad baan uga fogaaday, in ay naceeb ii qaado hooyo ayaan gaaray, markasta waxaan ku seexan jiray in xaalada ay noqon doonto mid dagan.

Waxaa laguda galay sidii loo hormarin lahaa wada hadalka aaabe iyo hooyo dhaxmaray si wada jir ah looga qeeb qaadan lahaaa maadaama waxa dhiban oo xabsiyada ku jira ay yihiin wiilashooda, muhiimada iyo awooda waxaa la iskuugu geeyay sidii xabsiga looga soo deen lahaa, maalinba waxaa soo iftiimsay caqabado hor leh, taas oo keentay in sheekada ay inbadan sii socoto, wax kasta oo dadaal lagaliyo miro dhal ayuu yeeshtaa, ugu dambeen waxaa lagu guuleestay in wiilasha xabsiga laga soo daayo iyada oo la adeegsanaayo duplamsiyiin iyo ganacsato Somali ah ku sugnaa Dubai, mid kamid ah ganasatadaas dadaalka ka qeeb qaatay wuxuu ahaa ninkii aan aniga jeceelka uqaaday,  Dubai wuxuu ku soo laabtay inta aan aniga ku guda jiray usoo baxsashadayda Yemen,  sababaha uu uga qeebtay kasii deenta wiilasha xabsiga ayaa aheed kadib markii ay wacday saaxiibtayda Ahlam kuna wargalisan in waxa dhacay dhan in ay ahaayeen kuwa dartiisa u dhacay,  alhamdulillah qodob muhiimadiisa leh ayaa si nabad ah kusoo af jarmay.

Waxaa loo tafa xeetay qodobkii labaad oo ahaa sidii loo gudi lahaa lacagta, reerkayga waxay ubaahan yihiin mudo siin , si fudud ma aheen kuwa ku gudi kara lacagtaa faraha badan, hooyo iyo aabe ayaa go’aan saday in lacagta la gudo mudo 7 bil gudaheeda,  lana waco reerka wiilka lagana codsado in mudadaa la siiyo, waxaa dhacday wax lama filaan oo ah halmar in uu isbadal ku imaado mowqifka  reerka laga qabay lacagta,  wiilka aabahiisa oo ku sugnaa xiligaas dalka Canada  ayaa la soo xariiray aaabe wuxuuna ku war galiyay in lacagtaas baxday ay tahay mid cafis ah, ayna qaateen soo jeedinta taladii qaraabada ay hore ugu gacan seereeen oo aheed in la cafiyo lacagtaas, sidoo kale wuxuu sii raaciyay hadalkiisa waa wiilka aabihiis in aysan ka wayneen talada qaraabada,  dhaxdana ugu jiraan qaraabadooda, iyo in la isku faataxeeyo wixii kala gaaray labada reer,  in la iska wada naaro sheydaanka sababta u ahaa xurgufta yar ee na soo kala dhaxgalay, in la adkeeyo xiriirka walaalnimo.



Aabe wuxuu ku soo laabtay Sanca, wuxuu iigaga sheekeeyay xaaladaha iyo wax yaabaha uu soo xaliyay ama usoo qabsoomay, wuxuuna igu dhahay qodobka harsan waa mid aad adiga ka adagtahay, inkastoo hooyadaa ay aad kuugu xanaaqsaneed adiga ayaa ka baabi’in karo xanaaqaas ayuu igu dhahay aabe, aabe wuxuu isiiyay tilmaamo aan ku kasban karo hooyo cafisna aan ugu heli karo,



Taladii aabe ayaa macquul ila noqotay waxaan noqday mid ku dhaqanta ama hirgalisa talada aabe,  waan u calaacalay hooyo intii aan calaacali karo,

maalinkasta aniga oo ilin iga socoto ayaan wici jiray, markastane waxaan dhihi jiray gabadhaadii ayaan ahay hooyo,   hooyo kala maheesto, waxaan sameeyo juhdi,  wax ka beerjilicsan malahan hooyo,

sidii aan marba usasabanaayay hooyo, iskuugu jilcinaayay ayee hooyo igu tiri waan ku cafiyay, aad baan ugu farxay cafiska hooyo.
Aabe ayaan uga sheekeen jiray xaalada halka ay nookala mareeso aniga iyo maamada, markasta caqabad ka timaada dhanka hooyo wuxuu ii tilmaami jiray wadadii loo qaadi lahaa caqabadaas,
Markii ay soo dhamaatay arimihii, xaalada ay noqotay mid dagan,  jawiga wuxuu noqday jawi la isku haleen karo, dadaaladii lasameeyay ay wada noqdeen kuwa muuqda oo wax ku ool ah, ayaan Yemen ku caajisay, laqabsigeeda way   igu adkaatay,  ayaan aabe ku iri  waxaan doonayaa in aan kulaabto  Dubai, waxaan doonayaa in aan la noolaado hooyo, si diiran iyo qalbi furnaan leh ayuu aabe ku soo dhaweeyay codsigaygii.

Waxaa bilaabatay in tikit la ii soo jaro aan ka soo duulo garoonka Sanca,

markii aan cagaha soo dhigay garoonka Dubai, waxaan gudaha garoonka ku arkay ninkii aan aniga jeclaa oo la taagan gabar, iigula muuqatay markaas mid ka sii duuleesay garoonka,  waan istaagay jirkane aad ayuu ii ololay, waxaad moodaa in qodox la igu mudayo, wax i istaajiyay man garaneen, malaha dareen buu ahaa, aniga oo istaagsan  oo iyaga fiirinaayo ayee isha qac igu siiyay gabadha uula taagnaa isaga, waxay ku tiri gadaashaada gabar baa taagan na soo fiirneso, sidaan markii uu usoo jeestay, wuxuu arkay in aan Sahra ahay, dhankeyga ayuu soo aaday inta uu ka soo dhaqaaqay gabadhii

Ma noqon doonaa gabar ku daadisa isaga? Gabadha uula taagnaay ma is dagaali doonaa? Ma noqon doonaa gabar meel cidla ah ka didida? Ma noqon doonaa gabar ku adkeesata go’aankeeda ahaa in ay iska iloowdo ninkaan? Ma aragtidiisa ayaa ii noqon doonto mid ifarxad galiso? Miyaan waydiin doonaa in uu xaas leeyahay? Maxaa na dhax mari doono? Ma caqabad kale ayaan gali doonaa ? waxaas oo idil waxaad ka bogon doontaa adiga oo la socda qeebta 8aad oo ah qeebta waxbadan kukula cadaan doonaan. la soco qeebta 8aad. Axad kasta


W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks