Sida aad u barbaarinaysid ubadkaaga | u gaar hooyooyinka

Friday, July 15, 20110 comments

     Markan Aragnay In Dhibaatooyin Badani Hooyooyinka somaliyeed haaystaan sida habkeey ubarbaarin lahaayeen ubadkooda iyo waalidiinta qurbaha oo maar uwaayay in ubadkooda aay tarbiyeeyaan maadaama dhulqurba ah uu ubadkii kudhashay haddane aay sahal tahay inuu laqabsado halka uu joogo uu kubarbaarayo ubadka.

Markaanu aragnay dhibaatooyinkaas ayaanu isa saarnay xil iyo sidaan ugu soo gudbin laheyn dadkeena qodobo aad u anfaci doono waa hadey kudhaqmaaneee.

Sideen ugu hortagi karnaa in ubadkeena uu laqabsado dhaqamada wadamanka aan  joogno?

Sideena uheli karnaa ubad diintiisii iyo dhaqankiisii wanaagsana si wacan uhaaysto marnaba aan raacin dhaqamada wadamada qurbaha uu kusoo barbaaray?

Maxaa sabab u ah in ubadku dintiisii iloobo oo uu qabsado dhaqamada qurbaha?

Hadaba Hooyo Iyo aabo walboow maqaalkaan aan idiin diyaarinay siwanaagsan u eega qodobada uu ka koobanyahay kadib adiga ayaa garsoori doono inuu muhiim kuu yahay iyo inkale hadaba kabogo maqaalkan aan diyaarinay markaan aragnay dhibaatada qoysaska somaliyed kahaaysato barbaarinta ubadka.

1: XIL ISKA SAAR LUQADA UBADKAAGA,

Hasahalsanin Qodobkaan Koowaad Waa dhibka Noogu Weyn Ee nahaaysta maxaa yeelay ubadkeena markuu hadal barad gaaro kuma dadaalno inuu barto luqadeena hooyo waxaan xooga saarnaaa siduu kubaran lahaa wadaankaan joogno luqadiisa taasna waa dhibka kooowaad waalidoow ha isdhihin wiilkaaga wuxuu luqad ajaanib kayahay luqada looga hadlo wadankaad joogto runtii kama ahan xiligaas wuxuu ajaanib kayahay luqadiisii Hooyo. Ubadka asagaa baran doono luqada wadanka uu joogo adi taa masuuliyad ha iska saarin luqadiisa kudadaal oo markaad shey iisoo qabo leedahay waxaa jiro hooyooyin badan ooo adeegsada erayada wadankey joogaan fadlan taa kafogoow luqadaada hooyo  kula hadal.

2: JALBAABKA BAR UBADKAAGA,

Hadii Gabadhi Yari Inta aay yartahay jalbaabo yar yar aad usoo tosho aad barto xili walbo aad ulabiseyso aad labiska koowaad ugu dhigto xijaab runtii taa waxey sahal noqon doontaa Markey weeeynaato jalbaabka ineysan dhigin aay caado kadhigato, waxaa dhici doonto intey yartahay hadaadan jalbaabka barin berina iney kudhihi doonto hooyo maxaad iiga daba wadaa geedkaan culeyska badan ardayda aan isku iskuulka nahay waxaan maqaataanee taana waxaa usabab unoqon doono adiga xiligaas shalaayga taagan.

3: SAAXIIB KADHIGO ILMAHAADA,

Waxaa lama huraan ah inaad ilmahaada sxb kadhigato waqti walbo aadan mashqul ka ahaanin haduuu iskul kayimid eeg homework wuxuu wato waxqabadkiisa haduu liito waqtiyada uu Teleefishinka daawado kayaree boori inuu waxbarto iney lama huraan tahay waqti walbana sxb kadhigo lasheekeyso maantay wuxuu lasoo kulmay wuxuu kusoo farxay wuxuu kazoo xumaaday.

4: QIIMEYN SII ILMAHAADA AABAHOOD,

Runtii ubadkaagu hadii uu arko adinkoo is xushmeynaya waxaa xaqiiq ah inuu xushmad wanaagsani halkaas kabaranayo Labadii waalid ee isxushmeeya uun baa ubadkoodana diinteena qaaligaa kubarbaarinkaro, intaa kadib marna haku murmina hadii aay dood dhexdiina timaado meel aay ilmuhu joogaan dib udhigta waxaad kahadli laheedeen.

5: XIL WEYN ISA SAAR HANA SAHALSAN,

Waxaa laga maarmaan ah in hooyada xil weyn aay isa saarto mustaqbalka fog ee ubadkeeda laga bilaabo iney dhabta kujiraan caruurta waayo qofkii xil isa saaro ayaa gudan kara waajibaadkaas qaaligaa,

6: BAR HABKA CUNTADA LOO CUNO,

Waalidiinta qurbaha joogo aad bey idiin anfaceysaa inaad ubadkiina bartaan habka cuntada loo cuno ha ugelgelin afka cuntada intuu xaafada joogo siduu doono gogasha ha uhaleeyo asagoo daadinayo cuntada waayo marbuu si wanaagsan ubaran doonaa waxaa dhici karto ardayda qado iney iskulka kuyeeshaan yaa afka ugelgelinayo hadaadan adigu goobta joogin wuxuu ubartay in afka loo gelgeliyo waxaa dhaceyso ardayda kale oo cuneyso inuu asiga cuntadii isku daadaadiyo miiskana wada haleeyo, marka hooyooy kee kuuwanaagsan inuu ado joogo daadaadiyo xaafada adoo hagaajin karo iyo inuu meel arday kale buuxaan inuu keligiis kudaadaadiyo cuntada uu cuni waayo, sidaa awgeed bar inuu keligiis cuntada barto sida loo cungo

Fiiro Gaar ah: maahan  asoo baahan oo cuni Karin inaad dhahdo asaa baranaa hasiinin markaas afka ugelgeli markuu cabaar daadiyo aad aragto inuu cuni Karin gaajana haayso Mahadsanid.

7: UBADKAAGA BAR DHAQAMADA WANAAGSAN.

Dhalaankaaga bar dhaqamada wanaagsan igu sheekee Asxaabtii “Radiyaalahu Canhu” iyo dadka kudayashada mudan intuuu yaryahay ka ilaali shekooyinka quraafaadka ah sida waxaa jidho nin buubuubo waxyaabahaas waayo wuu iska aaminayaaa waxaa dhici karto mararka qaar inuu kuyidhaaahdo hooyo waa maxay calooshaan kuusan ado xiligaas uurleh hadhihin waa cunto been ha usheegin usheeg in walalkiis uukujiro iyo sida uu kudhalanayo waayo intuu been aamini lahaa run maskaxdiisa kaweyn ha aamino. Beena inaad usheegto weliga kafogoow,

Waxaan kusoo gabagabeyneynaa maqaalkeenan maantay sheeko gaaban aabo ubadkisa been usheegi jiray anagoo maqaal kan lamid ah idin soo gudbin doono xiliyo haboon

Nin fanaan caan ahaa wadamada galbeedka Ayaa Asagoo lawareysanayo ladhahay maxaa kugu yaab badnaa intaad shaqadaan kujirtay markaasuu dhahay hadda kahor cunugeyga oo yar ayaan dhihi jiray hadii qof kusoo waco aabo majoogo dheh qofkii soo waco aabo majoogo ayuu dhihi jiray markaasaa maalin anoo fadhiyo lasoo wacay la weeydiiyay meeyay aabahaa wuxuu kudhahay aabahey majoogo qofka uusidaa kudhahayana waa qof arin qaali ah iiwaday waan kashalaayay maxaa ubadkaaga intu yaraa beentan aad ubartay waatan dhibaatada kuugeysatay

Sidaa awgeed kafogoow in ubadkaaga kubarbaariso been waayo weligiis waxaad kubarbaariso ayuu haaysanayaaa.

Dhamaad

Mohamed Abdullahi (Mo.kaayeelimaa)

Mrcasaawiir@hotmail.com
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks