Sida lagu garto ninka aan gabadha mustaqbal ka rabin

Monday, July 11, 20110 comments

         Marka laba kulmaan, iskana helaan ayaa waxa ka dhex dhesha xidhiidh kaas oo ka dhiga in ay noqdaan lamaane. Mararka qaarkood ayaa xidhiidhka ka dhex dhasha labada kulma hore u dhamaadaa kuna danbeeyaa burbur.
Sababaha keena xidhiidhka oo burbura ayaa waxa ka mid ah in labada kulmayaa mid ka mid ahi daacad ahayn, hadaba hadii wiilka aad la socotaa ka aamuso marka aad la soo hadal qaado mustaqbalkiina ayaa waxa ay tahay calaamdaha ku tusinaya halka uu kaa taagan yahay.
Mararka qaar ayaa waliba waxa aad si fudud u arki kartaa in xidhiidhkiinu yahay mid aan meel dheer gaadhsiisnayn, halka mararka qaarna ay kugu adag tahay in aad fahanto in xidhiidhkiinii soo dhamaaday.

1:Mustaqbalka:-
Labada iska helay ee jacaylna isu qaaday ayaa si fudud uga wada hadli kara mustaqbalka, sida waxa aad wada samayndoontaan asbuuca soo socda, fasaxa dambe ama sanadka soo socda. Lama hubo in aad noqon doontaan laba waqti dheer wada soconaya, laakiin marka uu ka maqan yahay qorshe ka hadlaya mustaqbal xidhiidhkiina ayaa waxa ay tahay calaamad lagu garanayo in xidhiidhkiinu uusan fiicnayn.
Marka aad bilaabatid in aad kala hadasho wiilka aad isla socotaan mustaqbalkiina asaguna uu sheekada bedelo ama uu difaac galo ayaa waxa ay tahay calaamad ku tusaysa in aad ka fiirsato xidhiidhka idinka dhexeeya.
2:Qoyskooda:-
Marka uu wiilku kaa rabo guur ayaa haba yaraatee u arkin wax dhib ah in aad la kulanto qoyskiisa ama asxaabtiisa, sababtoo ah waa uu kugu qabwayn yahay oo waxa uu rabaa in ay ku arkaa.Sidaa darteed, bal u fiirso oo iswaydii in aad la kulantay ama aad taqaano wiilka ku raba dadkiisa! Sidoo kale ayaa waxa ayana muhiim ah in uu rabo in uu la kulmo qoyskaaga.
3:Xiriir wanaagsan:-
Marka xiriirka ka dhexeeyaa laba is raba uu aad u adag yahay ayaa waxa ay yaqaanaan xiliyada ay isla soo xidhiidayaan. Marka ay arin khatar ahi dhaco ama arin u baahan in degdeg loo xaliyo, ma tihiin laba iscaawiya oo is garabtaagan? Markaas hadii uu wiilkii ku raajicinayay yiraahdo waxa aan rabaa waqti aan kaligay ahaado, ayaa waxa aad waydiin kartaa ilaa waqti intee ah ayaad u baahan tahay iyo sababta uu ugu baahan yahay.Waana in aad kala saari kartaa waxa aan u baahanahay waqti iyo waxa aan rabaa in aan helo waqti ii gaar ah.
By mohamed Abdullahi Abdirahman (mo kaayeelimaa)
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks