Sidee wajigaaga uga ilaalin laheyd jactadka?

Saturday, July 16, 20110 comments

         www.daalac.com waxu  idiin soo bandhigeyaa hab fiican in aad wajigaada uga ilaalin karto jactadka.
haddaba haddad qodobada qaatadato ayaa dadka ku xeeldheer qurxinta waxa ay leeyihiin waxaa macquul ah inaadan dhaqso ku duqoobin.

Casiirka tufaaxa (Apple juice)

Tufaax ka samee casiir kaligii, kadibna wajiga marso wuxuu siiyaa wajiga nafaqo dabiici ah. Aroortii iyo habeenkii

Avocado

Avocado-da oo aad cunto waxaad ka helaysaa vitamin (A) wajiga oo aad saaro kadib markaad burburiso. Waxaad ka helaysaa faa’iido badan.

Baqduunis (Parsley)

4 xidhmo oo baqduunis ah waxaad ku dartaa 1litir oo biyo ah, kadibna meel haboon dhin qiyaastii 24saacadood. Markaa kadib jidhka marso 2jeer maalintii kadibna ka qubayso.

Saliid saytun iyo mishmish (Olive oil and apricot)

Saliida saytuunku waxay jidhka ka bi’isaa jacdadka, meelaha uu jacdadka ku yeeshay jidhakaagu habeen kasta mari saliidan.

Saliida mishmishku iyaduna aad ayey u fiican tahay. Habeenkasta wajigaaga mari kadib markaad wajiga soo nadiifisay.

Tamaandho xabuub

Tamaandho xabuubtu iyaduna waxay bi’isaa jacdadka jidhka, tamaandho kasamee casiir kadibna marso.

White mask

Isku dar Ukunta inteedacad iyo wax yar oo daqiiq ah, kadibna wajiga marso qiyaastii 20daqiiqo kadibna kaga maydh biyo kulul (diiran) kadibna biyo qabow.

Caano iyo Muus

Isku qas 1xabi oo muusa iyo 3malqacada cuntada oo caano ah, kadibna jidhka marso oo u daa jidhka qiyaastii rubuc saac, kadibna ku maydh biyo diiran.

Mohamed Abdullahi (mokaayeelimaa)
mrcasaawir@hotmail.com
Nairobi kenya
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks