Waqtigaa ugu wanaagsan aduunka, aaqirane camalka

Tuesday, July 5, 20112comments



Waqtigaa ugu wanaagsan aduunka, aaqirane camalka

Sida aan wada ogsoonahay aduunyadu waa imtixaan waxaana looga baahan yahay qofwalba in uu ka so boxo wixi la faray ama lagu waajib yeelay. Lakin maadaama aduunyadu ay tahay waalaley ayna wareer badan tahay ayaa waxay si ilbiriqsi ah nagu dhaafsiisaa waqti inta badan oo aan ka faa’’iidaysan lahayn, sidoo kale mararka qaar ayay nagu so jiidata dhaldhalaalkeeda oo na ilaawsiisa waajibaadkeenii.

Hadaba hadii aan si gaaban oo cilmiyaysan u falanqayno oraahdan oranaysa ‘’waqtiga ayaa ugu muhimsan aduunka aaqirane camalka’’ waxaa shaki ku jirin in qofwalbaa oo aqriyaa uu la dhacayo ama rumaynayo in ay tahay wax sax ah laakin aynaan inta badan ku dhaqmin dadka badi.

Waqtiga dadka qaar ma siinin ahmiyada buuxda ee u leeyhaay marka laga hadlayo nolosha, waqtigu waa shayga laga faa’iidaysan karo kaliya xiliga la taaganyahay maxaa yeelay ma aha wax la so celin karo ama la istaajin karo oo had iyo goor waa mid socda oo dhaqaaqaya, lakin waxaa jira siyaabooyin aanan halka kuso koobi Karin oo looga faa’iidaysankaro.

camalku waa waxa ugu muhimsan aaqira ama maalinta yomul aaqira, waana shayga kaliya aad kala tagayso aduunyada ee kaa aqfacaya aaqiro, si kasto aad maal qabeen u tahay ama aqonyahan waxa kaliya ee ku anficidoona maalintaas waa camalkaaga, camalkaaga oo wanaajiso kana fikirto in u yahay shayga qura ee aad kala tagayso aduunka waa wax aad loogu baahan yahay ahne in qofwalbaa u ku fikiro aritan.


Insha allah waan so gudbin doonaa qaababka ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysto waqtiga iyo sida aad uga taxadiri lahayn sahayda wanaagsan ee aaqira camalka

W/Q Rashid
Share this article :

+ comments + 2 comments

July 5, 2011 at 10:30 AM

maashaalh all of u daalac.com sxbyaal aad bn ugu farxay barnaamij kaaaan iyo arima bulshada aad u wadaan baraarujin ta wxy ka mid thy arima bulshada marka qoraal kaan oo kale badiya waayo waa diini waa ereyo muhiim ah. qofna badali kara hadii uu alle hanuun uga dhigo wxn sugay naa waa siyaaba looga faa,iiday san karo waqti ga jazaa kumu laah mhdsnidiin

July 5, 2011 at 10:30 AM

maashaalh all of u daalac.com sxbyaal aad bn ugu farxay barnaamij kaaaan iyo arima bulshada aad u wadaan baraarujin ta wxy ka mid thy arima bulshada marka qoraal kaan oo kale badiya waayo waa diini waa ereyo muhiim ah. qofna badali kara hadii uu alle hanuun uga dhigo wxn sugay naa waa siyaaba looga faa,iiday san karo waqti ga jazaa kumu laah mhdsnidiin

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks