Wiil Safar dibada usoo galay sida udili lahaa Gabar uu saaxiib la’ ahaaa Hoyadeed

Monday, July 11, 20110 comments

          Wiil Safar dibada usoo galay sida udili lahaa Gabar uu saaxiib la’ ahaaa Hoyadeed (Lama arag lamana maqal Dhacdadaan)

Qof  Aduunyo Joogoow Maxaa Aragti kuu laaban Sidoo kalena Cimrigaa Raagay Geel dhalaa ayuu ku tusaa  Arin la la yaabo yaa waxay ka dhacday degmada Xamar  Jajab ee Gobolka Banaadir waxaana dhacdadaan geystay arday dhawaan waxbarasho kusoo dhameystay dalka Sudaan.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Maxamed C/qaaadir ayaa wuxuu shalay galab uu degmada Xamar Jajab uu ku dillay hooyo dhashay gabar uu jeclaa, isla-markaana dilka hooyadaan ayaa yimid, kadib markii ay gabadheeda ku darsatay wiil ay habaryar u tahay oo ku nool dalka Holland.

Maxamed C/qaadir ayaa wuxuu xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyay Faaduma Cali, waxaana la-sheegay in muddo dhawr sano ah ay wada socdeen, isla-markaana xirirkooda ayaa waxaa la-sheegay inay isku ogeyd Allaha u naxariistee hooyada uu dilli doono.

Falnaxdin leh

Iyadoo uu meel wanaagsan maraayo xiriirka Maxamed C/qaadir iyo Faaduma Cali ayay hooyada dhashay Faaduma Cali ay gabadheeda si qasab ah ugu qasabtay inay guursato, wiil ay habaryar u ahayd oo ku nool dalka Holland, isla-markaana Faaduma ayaa ogalaatay inay guursato wiilkaasi, iyadoo aan guurkeeda ku wargelin wiilkii uu jaceylka kala dhaxeeyay ee Maxamed C/qaadir.

Maxamed C/qaadir oo isagoo joogga Sudaan ogaaday in hooyadaan ay gabadheeda ku dirqisay wiil ay habaryar u ahayd oo ku nool dalka Holland, ayaa wuxuu go’aansaday in uu adduunyada dhaafsiiyo hooyadaan, isla-markaana shalay galab ayaa wuxuu ku dillay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhawr xabadood uu kaga dhuftay madaxa, xilli ay hor fadhisa ilinka hore ee gurigeeda, isla-markaana waxaa la-sheegay in uu u baxsaday dhinacaas iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo ka ag-dhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guul dareystay inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha oo u baxsaday dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isgaoo gaari ka raacay Isgoyska KM4 ee magaaladda Muqdisho.

Dhacdadaan ayaa waxay argagax xoog leh ay ku beertay shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho, iyagoo isweydiiyay xaasidnimada gacan ku dhiig lahaan inta ay gaarsiisan tahay.

Waa dhacdadii ugu horeysay oo noocaanoo kala ah oo lagu arko magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waana dhacdo ku cusub shacabka ku dhaqan qeybaha kala duwan ee magaaladda Muqdisho.
Mohamed Abdullahi
By mo.kaayeelimaa
Nairobi_Kenya
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks