Wiilasha oo aan ka helin gabdhaha sifaatka hoos ku qorn leh

Wednesday, July 6, 20110 comments

Ka helida waa asaaska qanacsanaanta, hadii aysan jirin qanacsanaan ma jiriyo xiriir waara, waxaa jiro gabdho badan hadane leh qurux laakiin aysan wiilasha ka helin, hadaba maanta waxaan idiin wadnaa gabdhaha aan la xiiseen ama wiilasha fiilada ugaabiyaan.

1. Gabdhaha Afka La gala  Wiilkasta (Sitimaankasta nin cusub la socota)

Gabadha sifada nuucaan leh waa mid inta badan qofka xiriirka laleh uu u aheen niyad sidaa ubalaaran waayo wuxuu ogyahay waqti kooban dabadeed in ay ka raaceeso qof kale, gabadha sifadaan leh ayaa ah gabadhaha ugu caansan ay wiilasha isku gubiyaan.

2. Gabdhaha Warka Badan (Ma aamusto)

Gabadha aan kala garaneen xiliga hadalka iyo xiliga kale waa mid xiriirkeeda laga caga jiido, gabadha sifadaan leh ayaan siin qofka kale fursad uu ku dhiibto aragti iyo iyadoo aan garan in ay hadalka joojiso.

3. Gabdhaha Shaxadka Badan

Gabdhaha inta badan ku daya wiilasha kana codsada lacag iyo wax yaaba kale, dhaqan ka dhigtay in ay markasta wax waydiistaan waa mid ka mid ah dooqa aysan raga ka helin.

4. Gabdhaha Daneesiga Badan

Gabdhaha qaar ayaa ku daneesta ragga iyago oo ku meel mara danahooda, gabdhahaan ayaa ah kuwa wiilasha ku adeegta taas oo wax kasta ay u baahata fadhigeeda loogu dhameeyo.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks