Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 18aad)

Tuesday, November 22, 20110 comments

                 Si nabad ah ayee ku gaartay magaalada Adisababa, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay dad ay iyada qaraabo yihiin, aad baan utabay iyada waayo cidlo ayaan dareemay iyo wehel la aan isoo waa jahday, xiriirkeena wuxuu ahaa mid xawaara adag ku socda, way xamili wayday nolosha Adis ababa inkastoo loo helay leen ay ku baxdo markasta waxay aheed mid ka ilmeesiisa teleefonka dhexdiisa aad waxay u jecleed in ay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabato, markasta waxaan ku dhihi jiray iska joog aniga ayaa kuu iimaanaya oo suu dhuumanaya, sidii uu xiriirkeena uu mid ku saleesan bilicsami iyo farxad ayaa waxaa soo kala dhex galay shaki aan marnba lagu baabi’in kari teleefon kadib markii ay hooyo guriga keentay gabar uu dhalay abtigeyga, waxaana jirta sheeko hoose oo ka dhaxeesa hooyo iyo abti oo ah in gabadha uu dhalay abti la raba in la ii guuriyo, gabadha uu dhalay abti inta aan la keenin guriga way la socotay in aan u noqon doono ninka iyada guursan doono,  maalin aniga oo ka maqan xaafada, waxaa teleefoonka guriga soo wacday xaaskeyga joogtay Adis ababa, waxaana teleefoonka ka qabtay gabadha uu dhalay abti, waxayna si lama filaan ah ku tiri waxaan ahay xaaska ninka aad raadineeso ee shaqo yeelo nimanka naagaha qaba maxaa ku daba dhigay, xaaskeyga iyadoo xanaaqsan ayee ku tiri Ilaah baan kuugu dhaarshay ma adiga ayuu ku qabaaa? Gabadha uu dhalay abti si shaki la aan ah ayee utiri haaa waxaan ahay naagtiisa, xaaska aan qabo hal mar ayaa waxaa ku yimid niyad jab, murugo, iyo in aan noqday nin iyada qiyaanay oo buriyay cahdigii ina dhexyaalay, xanuun adag ayaa ku soo booday kadib markii ay istaaga ka dhacday, waan dareemay galabkaas in qof aan jeclahay wax gaareen balsa ma cadeen Karin qofka uu yahay, waxaa iga fara baxsaday bakeeri (koob) aan shaah ku cabayay, waxaana igariiray wadnaha.

Maqribadii markii aan ku soo laabtay guriga, sidada caadada ah aniga ayaa waca bacdal cisho teleefoonka guriga wuxuu ahaa mid dibada iyo gobolada ufuran, sababta aan waco iyada waxed aheed waayo waxaan jeclaan jiray codkeeda, waxaa ii sawir maya muuqaalkeeda, waxaad moodaa in la i horkeenayo, qalbiga ayaan ka dareemaa farxad, markasta waxaan jeclaan jiray inta aan seexan qofka ugu dambeeyo oo aan maqlo ama la sheekeesto in uu noqdo iyada, aad baan u jeclaa, habeenkii teleefonka mala iga qaban, hurdo fiican ma hurdin, aroortii ayaan wacay waa la iga qaban waayay, xili ay magaalada muqdisho tahay 2 PM ayaan ku wacay private number ama unknown number, isla markii way dareentay codkeyga, si arxandaro ah  oo maseer ku jiro aye iigula hadashay, anigane ma dareensani waxa ay ka hadleeso, waxayna iga codsatay in aan furo, naagta aan qabo ay sheegeeso ayaan is waydiiyay, isbuuc camal lama hadlin waxaan islahaa ha yara dagto, laakiin xaalada way ka sii coslaatay isbuucii aaan aamusnaa, waxay u qaadatay in aan iyada ka maarmo, si aan wax sameeyo ayaan garan waayay, markii uu batay muranka isfahamkane uu aad u xumaaday, wax in la iska dhaadhiciyo ay adagtahay ayaan aad u fikiray guriga ayaan teleefoon cusub soo galiyay, kii hore qolkeyga ayaan ku soo xirtay, waxaana wacay gabar dariska waxaana ka codsaday in dhahdo gabadhii maalin dhaweeto kula hadleesay aniga ayee aheed waan kaftamayay, hadii uu hadalkeyga dhibaato idin soo kala dhex galiyay waa idinka raaligalinaa, gabadhii sidii ayee sameesay, xaaskeyga waa lala hadlay, laakiin ma aysan qancin waayo arinta waxay ubandhigatay gabadho kale oo isla dagan yihiin magaalada Adisababa,  waxay aamini wayday hadalada aan dhaho balse waxay u dhago duleeshaa hadalada kaga imaada gabdhaha saaxiibadeed ah, in aan aniga iyo iyada isqabno wuxuu arin qarsoodi oo aan kuwada balanay in uu ahaado mid inta xaalada si ka noqoneeso qorsoon, gabdhaha ay talada waydiisaneeso waa gabdho ay aad qaraabo u yihiin iyada, qof hadii uu maseer hayo ma ceshan karo sirta ku jirta laabtiisa, wax u qorsan malahan qofkaas, mid kamid ah gabdhaha ay qaraabada yihiin waxay soo wacday xaaskeyga aabihiis waxayna u sheegtay in gabadha aan la furin wali qabo, arin halisteeda leh ayee gabadhaas sheektay.

Gabadha aan qabo aabaheed waa mid ad adag naceeb xun ii qaba, isla markiiba wuxuu kansalay leenkii gabadha, gabadhana waxaa la amray in ay Adisababa iska joogto si aysan aniga iigula kulmin, inta leenka laga kansalin waxaan ahaa mid raba in uu dhuunto Adisababa si aan u qanciyo iyada, laakiin markasta aan lahadlo waxay codsan jirtay in aan furo.

Dhanka kale waxaa socdo qorsha ah in la ii guuriyo gabadha uu dhalay abtigeey maadaama aan mar hore ku iri hooyadeey gabadhii ana qabay waxaaa iska soo dhamaaday calafka, gabadha uu dhalatay abti ma daneeyo mana xiiseeyo mana iigu baxdo xitaa ma igu soo dhacdo in aan damac uqaado waayo qalbigeyga waxaa lulanaya xaaskeyga jaceelkeeda, waxaan ku fakiray maadaama naagtaada ay ku dhaheeso ifur, reerkana ay kula rabaan gabadha uu dhalay talow maxaan sameeyaaa la soco qeybta 19aad talaada kasta inshaAllah

W/Q: Daalac Daahir Shoot

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks