Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 19aad)

Tuesday, November 22, 20116comments

                 Waxaa iska badan cadowga jaceylka, mar hadii uu yimaado khilaaf u dhaxeeyo laba is qaba ama laba ka dhexeeso jeceyl dhab ah waxaa gudboon in uu arinkooda iyaga dhexdooda dhameestaan, oo aan fursad la siin dadka loo yaqaano sedeexeye, nasiib daro xaaskeyga waxay u gacan gashay gacan kale oo aan katalin aayaheeda, marnaba ma aysan adeegsan maskaxdii aan ku aqiinay iyo xikmadihii ay ku kasbatay qalbigeyga.

In aan ku dag dago furiin waan ka taxadiri jiray, markasta tilaabada aan qaadanayo waa mid aan meelo badan ka fiirsho, dumarka marmarka qaar way adagtahay in ay kuugu fikir noqdaan, hadane qof aan kula joogin oo kaa dheer way adagtahay, dadka ay talada waydiisatay waa kuwa ka reebay leenka, hadana doonaya in ay dhigaan nin la aan, guri gubtay kama naxo guri kale oo gubtay ayaan maqli jiray.

Reerka aan gabadhao qabo waxay ashtako usoo direen adeerkeyga kuna dhaheen wiilkiina wuxuu qabaa wali gabadheena, waxaan codsan laheen in meel labada reer wada joogaan, arinkii adeer wuxuu usoo gudbiyay hooyo, sheekadii dhankeyga way ka fashilmatay, hooyo way iga aamin baxday waxayna dhehday wiil aan dhalay ma is dhaheen been ayuu kuu sheegayaa laakiin way dhacday, caawa jiif ma jiro ilaa aan ku kala tagno hadal cad oo ah in aad gabadhaas iska furto, wax fursad ah aan ku fikiro ima siin hooyo, suuliga ayaan galayaa ayaan ku iri kadibna waxaan ka booday suuliga, aniga oo diidayo in aan furo gabadha, laakiin si qaldan ayaan ubooday kadib markii uu ila jabay bulikeetiga suuliga ama darbiga, waxaana iga jabtay lugta, burburka darbiga ayaa madaxa iyo dhabarka iiga dhacay, hooyo waxay i dhahday hadii aad rabto in ay lugta kuu caafimaado iga dalbo duco, hadii Allah taqaano iska fur naagtaas, waan iska furay aniga oo raacaya waanada hooyo, waxaan ku furay hal dalaaqo, inta dhiman waxaan balan qaaday markii aan caafimaado in aan ku hor furi doono ehelka gabadha, ducadeyda intaas oo kaliya kuma koobna ayee tiri hooyo waxaan kaloo kaa rabaa in aad la aqal gasho gabadha uu dhalay abti, waan ka ogolaaday hooyo wixii talo dhan ay soo jeedisay.

Si uu xiriirkeena u noqdo mid adag hooyo waxay iiga tagtay gabadhii abti uu dhalay ahna musharaxada mustaqbalka nolosheyda, gabadha aad bay ii wanaajisay naxariiso badan way itustay, laakiin wali maskaxdeyga kama bixin xaaskeyga wanaageeda.

Markii ay dareentay gabadha abti in aan isku dhownahay ey dhankeyga cabsi badan ka qabin aye ii sheegtay in ay tahay gabadhii ka shaqeysay mashaqada haatan ka aloosan aniga iyo xaaskeyga, maadaxa ayaa laba ikala noqday waan xanaaqay xididada ayaan soo baxay, ma aan u jawaabin iyada waxaan la sugtay hooyo arinka, waxaan diiday in aan guursado gabadha abti wax kasta oo dhaca, waayo waa nacay markii ay isoo xasuusisay dhaawaca ay soo gaarsiisay noloshayda iyo burburka ku yimid guriigii ii yagleelnaa.

Mudadii aan ku jiray hospital ka waxaa geeri naxdin leh kutimid hooyadeyda, murugo iyo dhibaato iyo ilin ayaa iska dabkacday noloshayda waan cidlooday hooyo la aan, xaas la aan, nolol mugdi ah ayaan galay oo adag, jawiga magaalada Muqdisho ayaa ila xumaaday, waxaan ku fakiray in aan aado Adisababa, lacagtii aan ka dhexlay hooyo ayaan ku aaday Adisababa.

Aadistayda adis ababa isbadal lixaad leh ayee keentay oo ah isku soo dhawaasha, markii aan arimo badan kala hadlay, waxaan isku dayay in aan ka soo raro dadka markasta dabka damay soo shidaya ay iyada la nooshahay, dadaalkaas wuxuu noqday mid aan ku guul dareesto maadaama Adisababa aan ka dagay xaafad ay ku badanyihiin faamilkeyga waxay dhaheen gabadheena halkaas lama dajinayo, waan yaabay ma iyaga ayaa xaaska ila qaba, markii aan arkay in ay u dhaga nugu shahay dhanka gabdhaha sheekadana ay ka dhigeen mid qabiil ah, aniga waxaan ku iri kala dooro gabdhaha iyo aniga, markii ay aragtay in hadalka meel adag iga marayo ayee aniga idooratay, gabdhaha kale waxay ku hadaaqayeen ma nin bari ku soo furi doono miyaa naga doortay.

Waxaan noqonay family dib markale noloshooda ubilaaba, inkastoo aan taageero ka heesan faamilada aan ka soo wada jeedno balsa nolosheena waxay aheed mid ka soo kabata dhibaatooyinka iyo fitnaha.

Waxaan bilaabay in aan raadiyo leen aniga iyo xaaskeyga oo aan ku baxno maadaamo aan heesto lacagtii dhexelka, iyada waxaan u helay leen isximbaar ah anigane waxaan helay leen dacwa ah Sweden ah, 6 bil kadib waxaan kuwada kulanay Sweden,  alxamdulillah hada waxaa inoo harsan in aan cafis kadalbano gabadha aabaheed uu qoyskeena noqdo qoys dhisan ubad barakeesan, waan ka soo gudubnay caqabado badan, nolosheena maanta waa mid ku dhisan kalsooni jaceyl is qadarin walaalnimo, waxaan nahnay dad isku faraxsan, qofkasta oo dhibane jaceyl ah waxaan u rajeynaa in uu dhibka kabaxo, hana la iska dhaafo qiyaano iyo dano, hadii uu jaceylka dhab kaa yahay waad ka guul gaari kartaa sida uu hada faamilkena ugu dhisanyahay farxad, markasta viva jaceylka. All guul.

---------------------------------Dhamaaaaaaaaaaaaaad----------------------------------


kala soco mardhow qiso jaceyl uu sii deen doono webka www.daalac.com oo ah mid xiiso leh, dhanka kale sheekada qofkii u baahan in uu soo galiyo webkiisa, fadlan yuusan iska qaadan amar la'aan ilaa uu ka helo ogolaasho qofka qoray sheekada oo ah Daalac Daahir Shoot


W/Q: Daalac Daahir Shoot 

Share this article :

+ comments + 6 comments

November 22, 2011 at 2:40 PM

:'( :'( JACAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAYL

November 22, 2011 at 2:40 PM

aboowe daalac thank you so much! wallahi i can't stop crying! wiilka hooyaid geerida ku imaaday aadban uga naxay, misana waxan ku farxay maaadama ay gabadha dooratay wiilka, ayna saas ku dhismeeen
yeaaaaaaah viva jacayl :) :)

November 22, 2011 at 2:40 PM

:'( :'( JACAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAYL

November 22, 2011 at 2:40 PM

aboowe daalac thank you so much! wallahi i can't stop crying! wiilka hooyaid geerida ku imaaday aadban uga naxay, misana waxan ku farxay maaadama ay gabadha dooratay wiilka, ayna saas ku dhismeeen
yeaaaaaaah viva jacayl :) :)

November 23, 2011 at 1:31 AM

Wooooow
waxas ayaa ka jacayl ah murug bdn dabadeb waxe ku dhamatay mel fcn wlhi wn idinka mahad celinena qabka ficna o nogu so gudbisen waxan idin rajenena farxad ina ku dhamesatan noloshina

November 23, 2011 at 1:31 AM

Wooooow
waxas ayaa ka jacayl ah murug bdn dabadeb waxe ku dhamatay mel fcn wlhi wn idinka mahad celinena qabka ficna o nogu so gudbisen waxan idin rajenena farxad ina ku dhamesatan noloshina

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks