Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 17aad)

Monday, November 7, 20114comments

                 Waxaa suurta gashay in ay wada kulmaan labada dhinac, hasa ahaatee dood iyo muran dheer kadib kulankoodii wuxuu noqday hal bucaad lagu lisay waxba kama soo bixin in la isku sii xanaaqa ma ahan, adeeradeyda waxaa looga hanjabay in aan ay soo wareejiyaan gabadha, hadii kale meesha uu ka dhici doono wax aan la filan kar ama aan hore uga dhicin magaalada Muqdishu.

Waxaan ka baqnay guriga aan ka daganeen degmada Xamar Wayne in nalagu soo weeraro gabadha qasab la iiga wato waxaan u guurnay degmada Shibis si aan uga nabad galno cadowga jaceylka, intii aan dagnaa degamada Shibis, gabadha reerka ay ka soo jeedo waxay dileen laba ka mid ah adeeradeyda, xaalada labada reer wuxuu noqday mid dil iyo ismashamid uu ka dhaxeeyo,  ehelkeyga inta badan waxay iga codsadaan in iin iska furo naagto maadaama iyada darteed aan ku waynay adeero qiimo iyo tix galin kuleh reerka dhexdiisa, waxayna ii sheegeen in intaan kabadan aysan i difaaci doonin, masalaxada nabad lagu helo karo ay tahay in  gabadha loo celiyo reerka.

Xaaska aan qaba markasta way ku niyad sameed in uu arinkaan dhamaan doono, waxay aheed mid Allah markasta tala saarta kana barida sidii uu arinkaan u noqon lahaaa mid hagaaga marmarka qaar saaladaha ka bacdi waxay dhihi jirtay:

dunidaan aad arkaysaan waa imtixaan aan dhamaan oo laga wayin dhibaato

jaceylka markuu garay gurasho mirihii bislaadeen hadu waalid yimado gacanto ku dhufto dhibato iyo ayan daro nafatda aday kuu bugtan walidna kama go’o dunida maka hayaamaa

midkaan jeclaaday su’aal layga keenay labadii walid haday sixun iigu sifeeyeen samaan badanahii naftayda allow sahal iga dhig sinama uguma marmo labada daran mid doraa ihaysato allahayow ii sahal.

Waxaa ka soo baxay uur mar 3aad, waxay noqotay gabadhii mid nolosha ku silicda xiliga dhalmada, caloosha ayaa iska buuran, xanuunka kama dago 24 ka saac, dhaqtar kasta waan ugeenay, daawooyin culus hadii la soo qoro waxaa wax yeeloobaya caruurta, xaaskeyga ma ogolo in caruurta wax yeeloobaan, dhalmadaii ayaa ku adkaatay, qof usoo gurmanaya malahan, ehelkeeda ayaa habaaray siiba aabaheed oo yiri ku silac foosha, markii ay xaalada adkaatay ayaan waxaan geeyay hospitalka xayaat, waxaan wacay reerka gabadha waxaan dhahay gabadha way xanuunsaneesaa mudo laba bil ah xaaladeeda sidaas waaye, gabadha aabaheed ayaa yiri ha dhimato waliba si silac ha u dhimato ilaah ayaan kaga baryay aniga oo aabaheed ah dhalay ayee iga raaacday nin aan aniga u rabin, taas ubadkeyga ma ahan, mana soo booqanayo, cadaawada aabaha waa mid banaanka taala, balse hooyada gabadha ayaa gurmad lama ilaawaan ah ka qaadatay u gargaarista gabadha, aniga iyo gabadha hooyadeed (sodohdeyda), waxaa nalaga saxiixay in hadii qaliin la ga sameeyo ay ku dhimato operation kaas lawada in ay gabadha cafis tahay diyo iyo wax kale la waydiin doon, xaalada adag ay ku jirto gabadha waa dhimasho iyo nolol la aan, hishiiskii ayaan saxiixnay inaga oo eegeena xaalada caafimaad, qaliin dhanka caloosha ah ayaa lagu sameeyay, caruurta mataano ayaa ahaayeen waa kuwa mar hore dhintay, alxamdulillah iyada way ka bad baaday xaalada adag, marba marka ka dambeeso xaalkeeda wuu soo hagaagayay inkastoo aysan jirin qof qaraabadeeda ah oo gacan qabtay.

Markii ay caafimaad heshay, anigane ay igu naceen reerkayga gabadhaas darteeda iyada ahelkeeda ay u naceen aniga dartayda, markii dambe ayaan ku iri suuqa waxaan galineenaa waan is furnay, adiga cidaada ku laabo ku dheh maadaama aad ii diideen ninkii waxaan ka codsaday in uu ifuro si aan u helo ducadiina, aniga hadii aan dhaho waan furay way iga furmanee balse waxaan ku dhahaa dadka calafkii ayaa iska soo dhamaaday.

Markii ay reer keeda ku laabtay ay arinkii u sheegtay, aad bay usoo dhaweeyeen, cunu qabteenta iyo midab takoorka lagu hayay way ka qaadeen, waxaana la soo jeediyay gabadha in ay Muqdisho laga wado loona wado Adisababa Ethiopia  si ay leen dacwa looga bilaabo halkaas, ujeedka sidaa loo sameenayo ayaa ah in la kala qariyo nolosheena, tilaaba kasta oo nolosheeda ku soo biirta waa mid i war galiso,  waan u ogaaladay safarka in ay baxdo, waxayna soo jeedisay in aan kala harin oo aan Adisababa isku raacna ama aan ka daba imaado, waxaan ku iri waan kaa daba imaanayaa anigana faamilkeyga ayaan ka codsanaa in leen la ii raadiyo hadii aan waayane in aan Xamar iska sii joogo, waxay tiri hadii laguu diido lacagta aniga la ii soo diray ayaad iigula noolaanee dhib malahan noloshaada waxaad cuni laheed, muhiimada waa in aan xagga isla wada joognaa, waxaan ku iri inshaAllah arinka kheyr ayuu ka dhumaan doonaa, waxayna iga codsatay mududa aan sii joogo Xamar in aan naago kale xiriir la sameen iska daaa in aan guur sado naag kale, balantii waan u qaaday in aan qof aan iyada aheen aan damac u qaadi doonin, inkastoo aan jeclaa subixii ay duuleesay in aan sagootiyo, hadane ma aan sagootin diyaarada kuma wehlin sababa jiro aawadeeeda, markii ay duushay aad baan utabay naxariisteedii, waxaa noqday mid markasta taba, waxaan caraf san jiray dharka ay gurigeena uga tagtay, habeenkasta laabta ayaan gashan jiray dharka iyada ay leedahay, anigane waxaan codsaday in leen la ii raadiyo aan Adisababa tago, hooyo way diiday dalabkeygii ahaa Adisababa, hadii aad leen rabtid Kenya ayaan kuu dirayaa ayee dhahday. La soco qeebata 18 aad, qeebaha ka harsan waa gababo muhiimad gaar ah ayee xambaarsanyihiin, la soco sheekada maalinkasta oo talaada ah inshaAllah. Mahadnaad aad ubalaaran waxaan umarinayaa Shacni Daahir

 W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 4 comments

November 8, 2011 at 12:31 PM

THANKS DAALAC sheekada hadee soo dagtay xoogaaa good luck to gabadha

November 8, 2011 at 12:31 PM

THANK DAALAAC <3 U

November 8, 2011 at 12:31 PM

THANKS DAALAC sheekada hadee soo dagtay xoogaaa good luck to gabadha

November 8, 2011 at 12:31 PM

THANK DAALAAC <3 U

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks