Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 16aad)

Monday, October 31, 20114comments

                  Habeenkii ayaan utagay iyado oo caloosheeda salsaaleexsa Allah ka baryeesa in uu cunuga coloosheeda ku jiro uu noqdo mid baari ah oo diinta iyo dhaqanka dhoora, gacantayda ayee soo qobatay caloosheeda ayee dul saartay iyadoo la hadleesa cunuga caloosha ku jiro gacanta aabahaaga kawaran, sida ay u ubad jeceshahay markii aan arkay iyo naxariis darada aniga ii heesato waa laba kala duwan, waan iska ilmeeyay, Allah qof kasta ubad ma ugu hibeeyo, ubadkii Allah uu hibo iiseeyay waa aniga dilay, ilmihii hore aniga ayaa dilay, maantane wax aan sameeyo ma aqaano, guur diyaar uma ihi, waliba ma jecli in ay noqoto naagtayda mustaqbalka, hadafkeyga ayaa ahaa aar goosi, qalbigeyga kama baxo xiqdi iyo xaasidnimo, aniga oo fiirinaya nimacada Allah iigu deeqay waxaan ku iri waan ku gurigeynayaaa bishaan dhexdeeda arintana waxaan u bandhigaa hooyo hada way ka maqantahay dalka sida la rajeynayo waxaa laga yaabaa in ay dib ugu soo laabato bishaan dhexdeeda hadii Allah caafimaad siiyo, hada ka bacdi nolosheena way midoobee, waxaan noqon doontaa dad hal meel kuwada nool, waan ka baxeenaa noloshaan qabyada ah, waxaan ugudbi donaa nololashii dhabta aheed, waxay tiri gabar jecel ma jirto in banaanka lagu uureeyo, gabar kasta sharafteeda waxay ku jirtaa in ehelkeeda laga soo doonto, aniga sidaas og ayaan guur qarsoodi ah kaa ogolaaday, sharaftayda hoos u dhigin, ha iga dhigin gabar aan qiimo laheen.

Maalmo kadib aniga oo qorsheynaya guur iyo halka aan dajin lahaa ayaa subax xili ay tahay aroor hore, waxaa isoo wacay qof ii hanjabaya dhahaya waan ku diliyaa, teleefoonka markii aan fiiriyay waa teleefoonkii xaaskeyga, aad baan u naxay, qofkaan kuu hanjabaya waa maxay maxaa qaldan ayaan is waydiiyay, teleefoonkii ayaan ku celiyay aniga oo isleh kawar doon waxa keenay in uu qof ku soo waco kadibne kuu hanjaba, waxaa waydiiyay in ay joogto xaaskeyga waxaa la igu yiri hospital ayaa loo qaaday saakay, waxaana la geeyay Alhayat Hospital, waxaan si dagdag ah ku gaaray hospitalka, albaabka hospital ka waxaa taagnaa walaalkeeda, markii aan arkay hoos hoos ayaan dhulka u fiiriyay si uu ii garan, guduha hospitalka ayaan galay, gabar ayaan waydiiyay waxa ku dhacay waxayna ii sheegtay saakay iyada oo suuliga sii galeesa in ay simbiri raxatay kadibne suuliga ku dhex kuftay, kadibna uu ka soo daatay uur ay ulaheed nin, waan dareemay in sheekada ay fashilmatay, qolka gabadha ku jirto ayaan galay, markii ay i aragtay ayee isku dayday in ay fadhiisato iyada oo ay ku socdaan faleebooyin, reerkeeda dhan aad bay ii fiirinayaan, waan dul istaagay madaxa ayaan gacanta ka dul saaray, waa ayo ninkaan ayaa lagu yiri iyadii? Waxay ku jawaabtay waa ninka i qabo, meeshii ayuu ka dhashtay buuq iyo qaylo iyo sawaxan, dhamaanteena waxaa noola soo wada baxshay banaanka hospitalka inta aan ka aheen xaaskeyga, reerka gabadha qeylo iyo handadaad ayee ila soo galeen, gabadheena ayaad banaanka ku uureyneesaa miyaa adiga oo sidaan u yaalo, meeshii ayaa dagaal ka dhacay waxaa i bad baadshay waardiyaha hospitalka, waxaan ka soo booday darbiga maadaama walaalkeeda iyada ka wayn uu rabay in uu idilo.

Hanjabaada reerka kuma ekeen aniga oo kaliya sidoo kale waxay u hanjabeen gabadha, waxaana lagu yiri nin ka soo jeeda reerkaas marnaba mana soo galo, mana kuugu xirmado, xidid in aan noqono waa habeen xalay oo tagay, gabadha waxay ka soo jeedaa reer cunsuri (midabtakoor) yaal ah, hore waan u ogaa in ay sidaas yihiin, xitaa gabadha aan qabo ma jaceyleen qoloda aan ahay aad bay u necbaan jirtay.

Waan wacay xaaskeyga waxaan ku iri waxaan doonayaa in aan iska kaafuro, maadaama uu ehelkaaga igu faraxsaneen aniga keyga uusan kuugu faraxsaneen waxaan jecleestay in aan ku furo, awal uur ayaad ii laheed hada wax uur ma iilihid, xiriirkeena in aan so af jaro ayaan doonayaa, way diiday furiin, waxaa iga go’an ayee tiri in aan noqdo xaaskaaga, ha u dhag taagin hadalada iyo naceebka ay kuu qabaan ehelkeyga, qofka ku jecel aniga weeye, qofka kuu baahan aniga weeye, kuma fikiro in aan ku naco, macaanow afkaaga ka ilaali ereyga furiinka ah, ha noqon qof dhaqsi niyad jaba, arinkeena aan u dhabar adeegno, rerkayga aniga ayaa ka soo dhaadhicinaya in ay igu kaa daraan, waxaan rajeynaa in uu guurkeena uu noqdo mid ay ku walaaloobaan labada reer, macaanow please ha i furin.

Marnaba reerka gabadha way ka diideen in aan noqdo ninkeeda, way soo dhuumatay waxayna soo dagtay guriga aan daganahay, waxayna dhahday dib dambe ma ugu laaban doono rerkeyga ilaa ay iiga kaa ogolaadaan, maalmo kadib waxaa soo laabatay hooyo, aadna waxay u necebtahay gabadha aan qabo, markii ay aragtay hooyo waxaa ku dhacay dhiig kar, maxaa soo galiyay naagtaan gurigeyga hada ha ka baxdo, waxaan ku iri waa xaaskeyga shalay hadii aan saaxiibo aheen maanta sodoh uu ilaah kaaga dhigay yuusan hooyo hadal kaa tagin, arintii ayaan uga sheekeeyay hooyo oo aheed arinta gabadha, hooyo waxay tiri hadii uu reerkeeda kula rabaan gabadhaan ma sii heesan doono waa in aad furtaa, naago kale ayaa kabadan oo waalidkooda raali kuu yahay, dad in ay ku dilaan rabaan see uga qabi karnaa gabar maya maya ma dhaceeso naagta waa in aad furtaa hadii aad duco iga rabtid ayee dhahday, ducadaada waan rabaa naagtaydana waan rabaa ayaan ku iri hooyo, waxaan ku iri furiin kuma dag dagayo waayo gabadhii reerkeeda way kasoo tagtay oo waji uma yaalo, waa ceeb in aan dirno hooyo, aan ka war dhoorno xaalka reerka sida uu noqon doono.

Adeer yaal ayaan la kulmay, waxaana ka codsaday in ay wada xaajood lagalaan reerka xaaskeyga, maxaa ka soobixi doono wada hadalkaas? Kala soco qeybta 17aad talaada kasta InshaAllah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 4 comments

November 1, 2011 at 2:19 AM

Asxabta daalac wan idin salamay wadna kumahadsantihin shekada

November 1, 2011 at 2:19 AM

Asxabta daalac wan idin salamay wadna kumahadsantihin shekada

November 1, 2011 at 10:59 PM

Waad slma tihiy dhamaantina aniga runti sheekada hada socodkeda waan ka helay weliba aad baan ugu helay lakin waxaa iifiican laheed asbuucii laba mar inaad soo qortii sheekada maxa yeelay sheekada way nala macaanaaday marka waxaan inika codsan lahaa inikoo sharafka dhowreysin inaad nosoo qudbi sii sheekadaan asbuucii laba jeer waa codsi wacan...,

November 1, 2011 at 10:59 PM

Waad slma tihiy dhamaantina aniga runti sheekada hada socodkeda waan ka helay weliba aad baan ugu helay lakin waxaa iifiican laheed asbuucii laba mar inaad soo qortii sheekada maxa yeelay sheekada way nala macaanaaday marka waxaan inika codsan lahaa inikoo sharafka dhowreysin inaad nosoo qudbi sii sheekadaan asbuucii laba jeer waa codsi wacan...,

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks