Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 12aad)

Tuesday, October 4, 20117comments

   ---Soo bandhigtii arinta gabadha way ii cuntami wayday, waxay ila noqotay khiyaali iyo wax kale, naf wax jecel uma soo jeedo in ay damacdo nafkale, waayo nolosha qofka wax jecel wuxuu xabsi ugu jiraa qofka uu jeceyl yahay suurta gal ma ahan qalbiga bini aadamka in uu isla galo  labo jaceyl, qalbiga ma qaybsamo, si kal iyo laab ah ayaan waxaan ku iri waxaad soo bandhigtay ma awoodo in aan wax ka qabto, hada ayaan ahay dhibane jaceyl, nafsadayda uma soo jeedo naf kale, hami waxaan uleeyahay in aan helo mid aan hada niyada ku hayo oo aan uga soo tagay Xamar, waxay ii soo jeedisay laba arin in aan kala doorto oo kala ah in lacagta leenka ay reerkeyga ka qaadaneeso in markii iyada lagu wareejiyo lacagta aniga isii doonto leenka dacwadane aysan wax lacag iga qaadeen inta ay dacwada socoto aan is guursano, qodobka labaad ayaa ahaa in hadii aan diido qodobka 1aad in dacwada caga jiid aan kala kulmi doono, waxay ii sheegtay baahi aan leen lacag kaga helo in aysan heyn, aniga waxaaba dhibsanayaa nolosho aan ku noolahay Kenya, waxaan ku iri waxaa kaa badan gabdho kale oo ii dacwadooda, mana usoo jeedo naag kale, hadii aadan rabin naag kale ayaa kaa badan, waxaan ku soo kala tagnay khilaaf.

Laba habeen kadib ayee isoo war galisay in ay uu soo galay safar dagdag ah in ay arimo badan ka xayiran yihiin wax yar kadib ay ku soo noqon doonto Kenya, waan dareesanaa bixitaankeeda in ay ka xuntay arinkii aan ka diiday, markii ay gaartay meesha ay katimid ayee igu tiri arima badan ayaa igu soo furmay ma soo laaban karo, hadii aad leen iga fudud heleeso iska raadso ha ii xayirnaan, waxaan ku iri shalay aniga ma ila xaajoon, dadkii kula xaajooday wac una sheek waxa aad hada ii sheegeesid, sidaas ayaan ku kala harnay.

Imeel kama haayo teleefoon kama haayo, warqadaha jaceyl aan u diro Xamar kama helo jawaab xitaa hadii aan ku qoro teleefoonka la iga helo, silaca aduunka ayaan galay, waan caatoobay, farxadii ayaan lumiyay, maqane joogo ayee noqotay noloshayda, waxaan gaar heer in aan fikiro isla hadlo, waan dareen sanahay in ay farxadeyda taalo Muqdisho.

Waxaan galay falkii aan ugu laaban lahaa Somalia, waan is jiri siiyay, maalinkasta waxaan sheegtaa xanuun aan la garan iyo dhibaato, asxaabta aan Kenya ku bartay ayaan dhahaa waca waalidkeyga una sheega in aan xanuunsanahay, waalid waa iska taqaanaa naxariis, hospital xitaa waan tagay, waxaan ku iri maamada hadii aan adiga ku arki lahaa xanuunka wuu ideyn lahaa, hooyo waan kuu hilow maku moogaan karo, inkastoo maamada ay iga diiday bilaawga hadane waxaa la ii ogolaaday in aan Somalia ku soo laabto oo aan cagaha markale soo dhigo Muqdisho, Kenya waxaan ku noolaa mudo 6 bilood ah, dadka ku nool waa dad wada buufis ah, labadii aad meel ku aragto buufis ayee kawada hadlaan, qof aan qamarji aheen maku noolaan karo, aniga waxaan ahaa wiil maamo koris ah nolo naxariis iyo wax waliba la isku dul saaray, waan la qabsan waayay nolosha, Xamar ayaan ku soo laabtay, xili galab ah, hawada macaan ay tahay, ma aadin gurigii aan dagnaa waxaan toos u aaday gabadhii aan jeclaa gurigeyda, aniga oo uwado hadiyad sida barafuum, kareem, cataro, saacad iyo kaamira, intaas dhan waxaan u sameenaa in ay ogaato in aan ka imiday Kenya, waayo markii aan Xamar ka soo tagayay way aamini wayday safarkeyga, sidoo kale waxaan doonayaa in aan u sheego in aan darteed xamar ugu soo laabtay markale, arimihii aaan u baxay aan ugubay iyada darteed, Alhamdulillah waan la kulmay, galabkaa aad bay uga duwaneed galbaha kale, kama dareemin wax dhibsi ah ama karaaheesi, inkastoo arageeda aan u xiiso qabo qurxdeeda ayaa ka dhax ifeeso laabtayda hadane ma isku maleeyo in aan ahay qof safar ah oo daalan, markii aan arkay in ay sifiican iigula hadleeso, taksiilihii ayaan ku dhahay ilaa caawa aniga ayaad ii kireesantahay isug, wuu iga ogolaaday taksiililhii, meeshii ayaan casiriyo kuwada cabnay aniga iyo iyadii, waxay tiri aboowe bixitaankaaga been ayaan u heestay, in aad igu sasabaneeso ayaan u heestay, nimanka beentooda ayaa badatay, bil markii aan ku waayay ayaan teleefonkii gurigiina wacay waan rumeysan waayay ayaa tiri, waan ka shalaayay in aan kuula hadlo six un adiga oo safar, waxay aheed in aan si dhab kuu macsalaameeyo, markii aad iga tagtay ayaan dareemay waxaad aheed, waxaan iri safarka sidaan uga imiday waxaan toos usoo ubaaray gurigiina wali ma aan aadin xaafadeyda waxaan kuugu soo hormaray ayaa ah jaceyl aan kuu qabo, waxaan iri maalin uun waxa aad igu sameesay oo nabsi ah wuu kaa soo bixi doonaa, hada fursad ayaad u heesataa in aad igu ciyaarto oo aad idiido waxaad ogaataa in bini aadamka uu mudan yahay in la qiimeeyo la tixgaliyo xitaa adiga oo aan jecleen adiga intaas waan kaa waayay, dhib malahan noloshayda adiga ayaa hantiyay hadane wax yaabaha aad igu sameeneeso uma arko in ay yihiin wax yaabo dhaawac ku keeni kara dareenka aan kuu qabo, hadii aad ogaan laheed in aan ifka kuu jeclahay qalbigaaga mar hore ayaad ii furi laheed anigane waxaan qaadan lahaa neecaawda jaceylka ayaan iri, waxaan iri in aan ku jeclahay waad ii jeedaa rafaadka aan kuu maray waad aragtaa, miyaan mudneen nin la aqbalo jaceylkiisa, ma silic iyo rafaadkale ayaad ila damacsantahay ilaah baan kuugu dhaar shee, halkee ayuu kaa aaday dareenka, ma naxaariistii ayaa kaa idlaatay maxaa sidaan iigu cadaabee, ilinta iga da’eeso way kayaabtay, anigane waan iska yaabanahay sida aan iyada u jeclahay noloshayda jaceyl kaas ka dhib badan ma isoo marin, naf aan ku jecleen  waa dhib, waxaan ku iri caawa kama baxayo qolkaan eeno wada fadhino ilaa aad iga dhahdo xiriirka jaceyl waan kaa gudoomay, aamusnaan ayaa ka soo hartay iyadii dhan, anigane waxaan u qaatay in ay idiidantahay, cirka ayee eegtaa, bushima furuuryaheeda faraha gacmaheeda ayee ku garaacdaa ama jag jag ku siisaa, mudo markii sidaas aheed ayaan dhahay waan kaa tagayaaa hadiyadaan ayaan kuu keenay, ilaah ayaa kaa wayn oo aan udaayay jaceylkeena, taksiga ayaan iska soo koray darawalka markii uu sii dhaqaajin raba ayadoo ordeyse ayee albaabka ka soo baxday gaariga afkiisa ayee isku aadisay, waan usoo dagay, maxaa daran oo aad gaariga iskuugu dhigeesaa ayaan dhahay, labadeyda gacmood ayee ku kala qabtay gacmaheeda kadib si xishood ku jiro cod nuxuus ah ayee igu tiri aboowe anigane waan ku jeclahay waan ku rabaa, farxad darteed ayaan ayaan hab usiiyay waaba ka fuqi waayay, fresh ayaa noqday, ilinteyda waxay isku badashay ilin farxad ah……………………………..la soco Qeybta 13 Talaada kasta InshaAllah.

 W/Q: Daalac Daahir Shoot.
Share this article :

+ comments + 7 comments

October 5, 2011 at 7:39 AM

in jacayl ku halis yahay lidan ya kulul yahay dhib iya rafad yahay on go ya yahay wale wan qirsanahay e rag iya dumarow dibin dabya ka daya jaceylka byy

October 5, 2011 at 7:39 AM

in jacayl ku halis yahay lidan ya kulul yahay dhib iya rafad yahay on go ya yahay wale wan qirsanahay e rag iya dumarow dibin dabya ka daya jaceylka byy

October 10, 2011 at 12:56 PM

greetings, wonderful blog site, and an excellent understand! at least one for my bookmarking.

October 11, 2011 at 1:26 PM

Had to tweet this. I ride when I can – but will have to do this all next week. More people certainly should.

October 12, 2011 at 8:39 AM

Really like the new appear. I was pleased with the content. Thanks for a nice post.

October 15, 2011 at 10:06 PM

You have showed great perseverance behind the blog. It’s been enriched since the beginning. I love to share to with my friends. Carry on.

October 22, 2011 at 9:14 PM

Magnificent! (As usual. :-P )

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks