Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 13aad)

Monday, October 10, 201112comments

          :- Aniga oo faraxsan hadane qanacsan ayaan taksiga soo raacay, afkeyga ayaan ka qaadi waayay alxamdulillah, alxamdulillah, waayo dhibka ay noloshayda soo martay mid lamid ah ima soo marin, cadaab aduun ayaan ku tilmaami karaa waxa qabsaday noloshayda.

Xilligii la iga filanayay guriga waan ka soo dib dhacay waxaan tagay reerka oo walaacsan, waxaan ku iri hooyo Xamar waan kala garanayaa,  ha iga dhigin ajnabi ama qof magaalada ku cusub, mida kale waxaan waday alaab oo aan uwaday dad la igu yiri Muqdisho ayee daganyihiin dadkas ayaan ku soo daahay,  qof kasta oo aan alaab ugeeyo wuxuu rabaa axwaasha qofka usoo dhiibay alaabta in looga sheekeeyo,  sidaas ayaan ku soo daahay, maamada ayaa i dhahday alla aniga maxaan dhalay wiil daacad ah umudda u adeega danihiisa dib dhiga.

Aniga iyo gabadha aan is jecelnahay noloshayda waxay noqotay nolol heer sara ah, xiriirkeena wuu sii siyaaday dareenada aan isku qabno wuxuu noqday mid sal adag ku taagan, waxaan aheen dad isbuuc kasta 3 mar kulma, waxaan aheen kuwa isla gala sawiro xausuus ah,kalsoonida aan u qabo iyada way igu badatay, hadiyada aan isku hibeeno waa kuwa ka qeeb qaata kobaca jaceyl, waxaan noqonay dad caan ka ah Muqdisho jaceylkooda, waxaa noola baxshay lamaanaha aan kala harin, gabadha waxay aheed mid waxbarashada jecel, anigane fahamka waxbarashada wuu iga xiranyahay sidaas ay tahay wax waan isla bara jirnay, waxay aheed mid iga saacida dhanka waxbarashada, markii uu macalinka wax ii sharxayo wax badan maka fahmo macalinka laakiin markii ay sharaxeeso iyada waxaaba moodaa in aan fahmay xitaa cashirada ay iigu celiso ma hilmaamo.

Waxaa soo galay safar gabadhii aan jeclaa, awoowgeeda oo ku nool gobolada dhexe ayaa aad u xanuunsaday aabaheed ayaa amray in inta xaalka awoowe si ka noqonayo in ay la soo joogto, waxaan isku afgaranay in aan is raaco oo aan kala harin, inkastoo aan ka fikirin halka aan dagaayo iyo nin iyo naag aan is qabin hadane safar isku raacaya, waxaan go’aan saday aniga oo fiirinaya jaceylka aan u qabo iyada in aan raaco, qof hadii aad jeceyl u qabto aragti kasta uu kuula yimaado kama diidi kartid waana astaamaha lagu garto jaceylka.

Waxaa igu adkaatay sidii aan oga heli lahaa ogolaasho waalidkeyga in aan u safro gobolada dhexe, hooyo aad bay iiga diiday in aan aado gobolada dhexe, waxaan ku dhahaa waxaan is raaceenaa wiilal asxaabtayda ah, uma sheego in aan raacayo gabar aan jeclahay, hadalka hooyo waan ka dhaga adeegay, diid ama yeel waan baxayaa ayaan ku iri, waxayne igu tiri hadii aad baxdo aniga oo raali ka aheen waxaan ilaah kaaga baryaa wax aadan jecleen in aad kala kulanto safarkaaga, anigane waxaan ku iri wixii ii qoran ma waynaayo, gabadha aan jeclahay ayaan ku iri waa la ii ogolaaday safarka in aan ku raaco iyada aad bay u jeceshahay in aan kala harin, waxaan soo xaday lacag hooyo meel u tiilay oo igu filan  in aan ku noolaado 3 bil.

Waxaa na  sogootiyay  galabkaas ilaa boosteejada gawaarida gobolada dhexe noo raacay saaxbiibkeyga Saadaq Cade Saadaq iyo gabadha uu xiriirka la leeyahay, waxaan raacnay gaariga safarkii ayaan guda galnay, markii aan siimareeno meel u dhow Beladwayne ayaa waxaa na qabsatay tuugo, waxay ku bilaabeen  gaariga xabado, ilaalada gaariga iyagane waxay bilaabeen in ay iska caabiyaan, waxaa badatay xabada la isku ridaayo, tuugadii gaariga aye saban qabad siiyeen, aniga iyo gabadhii aan jeclaa waxaa na soo gaaray dhaawac halis, aniga firirka wuxuu iga galay dhanka maskaxda, dadkii gaariga saarnaa wuxuu noqday mid dhinta mid dhaawac iyo mid gubta, gabadha aan jeclaa dhaawaca soo gaaray coloosheeda ayaa banaanka usoo baxday, aadna way u dhiig baxeesaa, anigane waan miir doorsoomay, dhaawaca ayaa lookala qaaday Guriceyl, Ceel Buur iyo Muqdisho, aniga waxaa la isoo qaaday Muqdisho, gabadhii aan jeclaa waxaa dhaawaceeda loo qaaaday Guriceel, waan dareemay dhibka igu nacay in uu yahay in aan diiday hadalka hooyo.

Markii la ikeenay hospital Madiina ee magaalada Muqdisho dhaawaceyga halis ayuu noqday, geerida ayaa ii dhaantay xanuunka dhaawaca, waxaa maskaxdeda laga saaray firirkii iga soo gaaray sabanka, nasiib daro midii ugu xumeed ayaa igu habsatay oo ah in ay iga dhimatay qeybta xasuusta, wax aan xasuusto malahan, dadkii oo dhan makala aqaano marka laga reebo hooyo iyo walaalaheyga, inta kale waxay ii noqdeen dad igu cusub, wax ma xasuusto, maskaxdeyda waxba ma soo qaban karto, xitaa waxaan xasuusan waayay in uu ihaayo jeceyl, xitaa ma xasuusto in gaariga aan saarneen la qabad siiyay saban, jismi ahaan waan u caafimaad qabaa, laakiin waxaan heyn maskax aan wax ku  kula sooco, jugta soo gaartay maskaxdeyda waxay noqotay mid aan ku ilaawo gabadhii aan jeclaa, ma umaleeyo in noloshayda xitaa aan iyada bartay, ilaah nama dhigo xasuus la aan.

Maalin duhur ah ayaa waxaa yimid wiil guriga dhahaya Taar ayaa kuu yaalo waxaa lagaa soo wacayaa Guri Ceel gabar ayaa halkaas kaa soo waceeso laba saac kadib ayee ku soo celineesaa taarka, waan is waydiiyaa qofka ay tahay gabadhaas, hooyo ayaa igu dartay wiilka iga yar si aan ulumin qofka soo hadlaya si loo ogaado, goobta taarka markii aan tagay aniga gabadha waan garan waayay qofka ay tahay,  waan isku wareernay aniga iyo iyada, si kasto ay wax iigu sheegto waan garan waayay, walaalkeyga iga yar ayaa gabadhii la hadlay kuna dhahay wiilka dhaawac soo gaaray dartiis ayuu u xusuus beelay, wixii aad ka rabto walaalkeyga aniga ii sheego, gabadhii ayaa sidii ugu warantay dhacadada, walaalkeyga wuxuu sidaa ku soo ogaaday in safarka aan  galay uu ah mid aan raacay gabar, halka aan hooyo hada ka hor kaga dhahay waxaan raacayaa wiilal, la ima canaanan karo waxaan ahay qof aan waxba kala ogeen.

Waxaa badatay in gabadhii ay markasta iga soo wacdo taarka, dadaalkasta way bixisay oo ah in ay iga dhaadhiciso in aan nahay lamaamo isjecel, anigane waxaas oo idil waxaan ka ahay xasuus la aan, gabadhii ayaa markii dambe waxay go’aan satay in ay Xamar ku soo laabato maadaama aan isku fahmi waynay cod, waxayna ka soo tagtay awoogeeda wali xanuunsan aan wali caafimaadin. La soco qeybta 14aad, talaada kasta InshaAllah.

Kala soco qeebaha haray waa qeebaha ay gabadha ay mari doonto silica iyo nolol xumidi.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 12 comments

October 11, 2011 at 2:08 AM

wwwwwwwww

October 11, 2011 at 2:08 AM

waaaaaaaaaaaaaw

October 11, 2011 at 2:08 AM

waaaaaaaaaaaaaw

October 11, 2011 at 2:08 AM

wwwwwwwww

October 11, 2011 at 7:00 AM

waad mahadsantihin

October 11, 2011 at 7:00 AM

waad mahadsantihin

October 11, 2011 at 9:11 AM

oooooooooh waaka xumahay :( forgive me hooyo

October 11, 2011 at 9:11 AM

oooooooooh waaka xumahay :( forgive me hooyo

NasrAli
October 11, 2011 at 9:55 AM

yaaqe beenta maxa ku watay awal,duqa qofta wax ka xadeysid wa hooyo mcn habaarkeda wa ogtahay

NasrAli
October 11, 2011 at 9:55 AM

yaaqe beenta maxa ku watay awal,duqa qofta wax ka xadeysid wa hooyo mcn habaarkeda wa ogtahay

October 13, 2011 at 9:36 AM

It can be rare to find competent individuals for this matter, but you seem like you understand what you are preaching about! Cheers

October 14, 2011 at 8:52 AM

Great follower of the website, loads of your posts have really helped me out. Awaiting news!

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks