Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 15aad)

Tuesday, October 25, 201117comments

       Markii aan banaanka usoo baxay oo ay igu soo dhacday in aan iska soo tiro liiska nikaaxa ama meherka, gabadhii ayaan ku iri isug wadaadka ayaan ka codsanaa warqad cadeen ah in aan is qabno, gabadhii ayaa igu tiri hadii labadeena raali iska nahay maloo baahno cadeen, xitaa bari markii aan isi sheegano dhib kama imaanayo waayo wixii aan sheegano ayuu noqonayaa xukunkeeda, iska dhaaf oo nakeen, hadii aan daahno waa nala fahmayaa, waxaan ku iri warqad waa muhiim mana ka soo tagayo halkaan igu sug wadaadkii gabadha igu mehriyay ayaan ka codsaday in uu liiska iga tiro, waxaan u balan qaaday lacag badan uusan maleesan karin, wadaaadka wuu iga diiday, wuxuuna yiri waxaas wax socon kara ma ahan, shareecada islaamka ayaa wali shaki galineeso masaafada adigane waxaad rabtaa in aad liiska lagaa saaro, hadii aad rabtid xaaran maxaad u mehersatay, gacan yarayaasha wadaadka ayaan la kulmay waxayna dhaheen anaga na habee wax nasii inaga ayaa liiska kaa tiri karno waayo wadaadka dadka gacanta ku hayo liiska waa inaga, sidii ayaan liiska uga soo tiray gabadhii, waxaan ahay qof aan waligiis imaan goobta, gabadhii ayaan ku iri wadaadka wuxuu dhahay warqad ma awoodi xiligaan shaqada ayaa igu badan, macaane iska dhaaf ayee tiri mahad  Allah ayaa iskaleh maanta naga dhigay dad is qaba, riyadeeydii ayaa ii hirgashay, waxaan kaa codsan lahaa in uu arinka labadeena dhaafin, markii aan ku tala galno in aan guur dhigano ayaan shaacin doonaa in aan is qabno ayee igu tiri, waxaan ku iri xabiibti xili kasta oo aad rabtid in aan ku guri geesto diyaar ayaan u ahay, gaariga ayaan isi soo raacnay awal kala kursi ayaan aheen, waayo waxay aaminsaneed in aan ajnabi kala nahay balsa hada laba kursi isku dhagan ayaan fadhinaa, intii jidka la soo marayay gabadha waxay ka hadleesay mustaqbal iyo aragti dheer oo ku aadan nolosha sida ay ku noqon laheed mid macaan, anigane waxaan ka fikirayaa waxaan ku sameen lahaa oo xiga.


Muddo markii aan is qabnay, guurkeena uu ahaa qarsoodi, gabadhii waxaa ka soo baxay uur aan wali gaarsiisaneen 3 bil, waxay iga codsatay in aan guri geeyo oo aan guursado, aniga guri iyo aroos ma iiga dhagna sidaan ayaan ku heestaa nolosha, hadii uu uurka usii gudbo bisha 4aad, waxaan ka baqay in  uurka sii waynaado, waxaan qorsheeyay in aan ilmaha dilo, waxaan soo iibsaday daawo soo rida caruurta, guriga ayaan ku casuumay iyada maadaama hooyo ay ka maqantahay dalka sababo caafimaad, gurigane uu iiyahay free, waxaan isku soo dardaray daawooyiinkii, habeenakaa waxaan ku dhahay u sheeg cidiina in aad caawa soo dhaxeeso oo aad la joogtid gabar saaxiibtaa, cuntooyinkii markii ay cuntay, habeenkii xanuun adag ayaa ku soo booday gabadhii, way silicday, waliba dhimasho ayee qarka usaarneed waan ogahay waxa gabadha sidaan u galaya in ay yihiin daawooyinka aan siiyay, xili saq dhexe ah ayaa gabadhii  waxaa ka soo daatay dhiig, waa habeen meel loo qaado malaha, farmashiye furan malahan, waaga markii uu baryay ayaan u wacay umulisda xaafada, waxaa laga soo xaaqay ilmaha, 3 maalin ayee aheed dhibane, daawooyin la siinayay, waxay ka naxsantahay caruurta laga soo xaaqay, way ubad jecleeday, markasta way ilmeen jirtay, habeenkiina waxay ku qarwi jirtay ilmaheyga caruurtayda alla ilmaheyga, waan ku kala duwanahay bini aadamnimada, ficilada aan sameeyo kama naxo, waxaaba iska waayay wax naxariis la dhaho, iyadane maalinkii aan mehersaday naxariista iyo wanaaga ay ii heeso waa mid aysan qof bini aadam ah noloshayda ii sameen.


Sheydaanka camalka xun wuxuu kaaga dhigaa wax wanaagsan wuxuuna kuugu dhiiri galiyaa xumaan kale in aad sameeso, hadii aadan imaan iyo Allah ka cabsi uusan jirin hadane uusan jirin damiir ka damqanaya xumaanta wax kasta waad ku dhaqaaqee, laakiin qof kasta xumaan geesta marbuu helayaa abaalkeeda waa hubaal.


Sanad iyo xoogaa nolosheena banaanka ayaan ku qaadanay, markasta waxaan ka ilaalshaa in ay dhahdo iguri geeso, marba marxalad ayaan galiyaa, dhanka kalane waxaan xiriir la leeyahay gabdho badan, kama caajiso shukaansiga gabdhaha, marmarka qaar ayaan ku firaa mid aad adiga rabtid oo aad ku qanacsantahay iska guurso, midaan iska buri oo bax dheh, intii uu fikirkaas igu jiray, gabadhii waxaa ku soo baxay uur kale,  subax aroor hore ay tahay ayee isoo wacday hambalyo hambalyo uur ayaan kuuleeyahay ayee itiri, aniga maba farxin qaracan, fikir iyo wax aan sameeyo ayaan garan waayay, waxaan ku iri arinkaan waan ka wada hadleenaa caawa ayaan kuu imaanaa……………………


la soco Qeybta 16aad, Talaada kasta InshaAllah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 17 comments

NasrAli
October 25, 2011 at 12:53 AM

ar ninaa?ilaheyow kan cml gacanta ha igalin iyo inti gabar muslim ah

NasrAli
October 25, 2011 at 12:53 AM

ar ninaa?ilaheyow kan cml gacanta ha igalin iyo inti gabar muslim ah

asad yare A
October 25, 2011 at 1:21 AM

Subxaana allah war kan bini adam ma'aha xayawanka dhaamo war muxu kasameysanyahay naf illah uumay oo cunug uu isaga xalaal kudhalay ah ayu soriday subxaana allah

asad yare A
October 25, 2011 at 1:21 AM

Subxaana allah war kan bini adam ma'aha xayawanka dhaamo war muxu kasameysanyahay naf illah uumay oo cunug uu isaga xalaal kudhalay ah ayu soriday subxaana allah

asad yare A
October 25, 2011 at 1:24 AM

sxb daalac sheekada hadey qaraaraatay yaa rabi yaa raxmaan

asad yare A
October 25, 2011 at 1:24 AM

sxb daalac sheekada hadey qaraaraatay yaa rabi yaa raxmaan

October 25, 2011 at 3:39 AM

Kkk ninka way ku kaadatay wuxu isku malayaa inuu aarsaday ilmo ayaan dilay oo ilmaha yaa dhalay adigale ilmahaaga waad dili karta balse inaad ka aarsaday ayada weli ha u moodin noqon ayaad tahay weli maxa yeelay naagta uurkeda cideyda ha fahanto marki la fahamo waad furantahay ku dheh markas ayaa wngsn waxa la arkaa ayadoo isku darsan welwel iyo maseyr ku dhex jirto sey kuu gashay way soo xasusan doontaa

October 25, 2011 at 3:39 AM

Kkk ninka way ku kaadatay wuxu isku malayaa inuu aarsaday ilmo ayaan dilay oo ilmaha yaa dhalay adigale ilmahaaga waad dili karta balse inaad ka aarsaday ayada weli ha u moodin noqon ayaad tahay weli maxa yeelay naagta uurkeda cideyda ha fahanto marki la fahamo waad furantahay ku dheh markas ayaa wngsn waxa la arkaa ayadoo isku darsan welwel iyo maseyr ku dhex jirto sey kuu gashay way soo xasusan doontaa

Hussein uurdoox
October 25, 2011 at 3:57 AM

Kan danbiga sida biyuhuu uguqabaystaa.
Daalac adigana waxan kacodsanaynaa hadaanu nahay bahda kutaxan shekadan inad noga dhigto isbucii 2 jeer ama 3 jeer noona tixgali codsiganaga plz thnks

Hussein uurdoox
October 25, 2011 at 3:57 AM

Kan danbiga sida biyuhuu uguqabaystaa.
Daalac adigana waxan kacodsanaynaa hadaanu nahay bahda kutaxan shekadan inad noga dhigto isbucii 2 jeer ama 3 jeer noona tixgali codsiganaga plz thnks

October 25, 2011 at 11:45 AM

Greetings! Really beneficial assistance on this short article! It really is the small adjustments that make the most important modifications. Many thanks a great deal for sharing!

October 26, 2011 at 1:57 PM

Bisinka kan naxaris maba laha cunug u dhalay ayu aarsi u dilaya ilahey hakaga mel bixiyo dambiga samesay shekadanah dib aye ka xumaatay

October 26, 2011 at 1:57 PM

Bisinka kan naxaris maba laha cunug u dhalay ayu aarsi u dilaya ilahey hakaga mel bixiyo dambiga samesay shekadanah dib aye ka xumaatay

October 29, 2011 at 8:02 AM

asad yare! qaraaaar waa dhaaftay DACAR bay maraysaaaa OMG! ya allah aniga sheekada part part baanla sugaa forexmpl: mondayda aan aqriyaaa kaliya talaadadana mida cusub aan aqriya musasal everyday so gala cml kabax! wiiilkan waxa ku dhacaya aan sugi akri la.ahayba!

October 29, 2011 at 8:02 AM

asad yare! qaraaaar waa dhaaftay DACAR bay maraysaaaa OMG! ya allah aniga sheekada part part baanla sugaa forexmpl: mondayda aan aqriyaaa kaliya talaadadana mida cusub aan aqriya musasal everyday so gala cml kabax! wiiilkan waxa ku dhacaya aan sugi akri la.ahayba!

October 31, 2011 at 9:44 AM

tremendous issues here. I?
My site is Family vacation destinations.

June 1, 2015 at 11:19 AM

wan ka xumahay ani masakin

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks