Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 14aad)

Tuesday, October 18, 20112comments

       :-Xamar ayee soo caga dhigatay, aniga imaashaheeda wax muhiimad iima lahan, markasta ay magaalooyinka qaar ama tuulooyinka ay soo mareeso waxay aheed mid igu soo wargalisa halka ay soo mareeso, aniga waxaan u arkaa qof iska hadlaya, marmarka qaar waan diidaa in aan tago goobta Taarka waayo waxaan u arkaa maalaayacni xitaa ma kala garanayo dagmooyinka Xamar uu ka koobanyahay iska daa in aan xasuusto gobolada dalka. Dhib iyo daal iyo dhaawac aysan ka bogsan ayaa ka muuqdo iyo diif awal inta badan isbalansiga aniga ayaa codsan jiray, wuu adkaa in afkeeda uu ka soo baxo aan kulano, balsa markaan aniga oo aan ka warheyn ayee guriga timiday, aniga xasuus uma hayo halka ay ka filaneesay soo dhaweeen iyo marxabees waxay kala kulantay in la is waydiiyo qofka ay tahay iyada, aniga markaas wali waxaan ku jiraa xaalada xasuus la aanta, waan inkiray waayo waxay iigula muuqatay qof aan hore u arkin ama aan wali baran, waxay la kulantay hooyo iyo wiilka aniga ila dhashtay way uga sheekeesay heerka uu gaarsiisanaa xiriirkeena, hooyo markii ay ogaatay in wiilkeeda gabadha uu raacay in ay tahay iyada, guriga ayee ka ceerisay, maalinkaa hooyo way ilowday xushmada martinimada, hooyo waxay aaminsaneed dhibka ku dhacay wiilkeeda in ay iyada mas’uul ka aheed, gabadhii way iska ilmeesay laakiin looma jixin jixin anigane waxaan ku qoslayay qof wayn ooynaya hadane i nabasanaya dhahaya waan is jeclaan jiray. Dhanka kale waxaa socday dadaal ah in qur’aan la isaaro la ii duceeyo si xasuustayda u soo laabato, maqrib kasta wadaadada xaafada iyo kuwa qaraabada ah waa kuwa qur’aan isaara, Allah ayee ii baryaan in xasuustayda dib usoo laabta, waxaan bilaabay in aan dib usoo xasuusto waxyaabaha qaar, inkastoo markii aan isku dayo in aan waxbadan xasuusto maskaxda i xanuuni jirtay, alxamdulillah marba marka ka sii dambeeso xaaladeyda way soo wanaagsanaan jirtay. Waxaa batay wicida ay isoo wacdo gabadha, xaalkeeda wuxuu noqday mid waali ah ama ka badbadis, waxaa la arki jiray dumar hadii uu ninka jiroole ama bukaan ka noqda naca midani way ka duwantahay waxay jeceshahay nin xasuus dhan laheen ma niyad jabto, xaalad kasto aan ahay way igu rabtaa, markii wicdeeda iyo calaacalkeeda batay ay gala garan wayday xiliga hurdada xiliga shaqada xiliga firaaqad, hooyo waxay go’aansatay in ay teleefoonka guriga badasho si aniga iyo gabadha xiriirkeena ukala haro. Naf jaceyl hayo kuma harto teleefoon la badalay iyo wax yaabo kale, taargedka gabadha ay hiiganeeso waa aniga sidii ay igu hali laheed, waxaa dhacday in galab galbaha kamid ah in ay gabadha guriga timaado iyada oo gacanta ku sida sawiradii aan hore uwada galnay ee xusuusto noo ahaa, si ay u muujiso in aan aheen dad wanaag iyo jaceyl kawada dhaxeeyay, waan xasuustay in uu gabadhaan xariir na dhex maray, maskaxdeyda way soo qabatay, laakiin dareenkii jaceylka aan u qabi jiray iyada daaqada ayuu ka baxay, waxaan soo xasuustay rafaadkii aan u maray iyo silicii ay imarsiisay iyo sida ay ii galeen ehelkeeda iyo dhaawicii ay hada ka hor i dhaawaceen, waxaan u arkay fursad ah in aan ku aar goosan karo, waliba si xaasinimo leh, qalbiga dhan waxaaba ku soo laalaabta wixii ay igu sameen jirtay kibirkeeda iyo santaag geeda, waxaan ku iri inkirmaad ma iga aheen, waxa maskaxdeda ku dhacay waa musiibo rabaani ah, hadane waan ka fiicnaaday cudurkaas, intii aan xanuunsanaa ima aadan nicin, bini aadamka jirada wuu isku nacaa, waxaad ii muujisay rabitaan waliba aniga oo xanuunsan, qof waxaa tahay xaalad adag ay dadka isku nacaan igu sii jeclaaday, waxaan kuu balan qaadayaa in xiriirkeena uu ahaan doono mid ka wanaagsan kan iminka jira, jirada igu dhacday igama baabi’in jaceylka aan kuu qabo, hada laga bilaabo waxaa tahay qof qalbigeyga u xisaabsan kuna qoran dusha sare ee wadnaha, mudnaanta koowaad ee noloshayda adiga ayaa leh macaan badaneey, intaa markii aan dhahay iyadii waxay tiri Guulow adigaa mahadaa leh gacaliyheyga xasuusta usoo celshay Guri Ceeyl waxa iga soo waday gurigaaga ikeenay waa jeceyl Garab in aan kaa helo aayaha nolosheyda noqotaan kuugu soo socdaalay Gaargaar ii fidi ha igu cidleen nolosha waxaa tahay nuurkii qalbiga Geeri baan ka xigaa iyo xabsi in aan galo hadaan noqon xilashadaada Gogoshaan fadhino Rabbi baa iiga marqaati ah in uu ihayo jaceyl Waxaan ku iri Qaaliyeey qalbigaaga khery u sheeg, adiga ayaan kuu joogaa, niyada ayaan udajiyay, maskax dagan ayaan la ciyaaray galabkaa, waxay iga codsatay in aan siiyo numberka guriga maadaama la badalay, waxaan ku iri aniga wali ma xifidin oo dusha kama haayo, kadib waxay miscall ku sameesatay teleefoonka gurigeeda, waxay dhahday shaashada teleefoonkeeyga ayaan ka arkayaa markii aan xaga tago, dadaal keeda iyo sida uu maskaxdeeda u shaqeynayo waa mid aan ka yaabay, galabkaa sidaas ayaan ku diray iyada oo faraxsan. Walaalkeyga ayaan uga sheekeeyay taariikhda gabadha iyo sidii ay iigashay, walaalkeyga tala fiican ima siin, wuxuu yiri intaas oo cadownima ah naag kuugu sameesay waxaad uga aar goosan kartaa adiga oo mustaqbal keeda ku ciyaara, waxaan waydiiyay wuxuu ula jeedo, wuxuu igu yiri waxaan kaa codsan lahaa in aad khudba sariireeso guur hoose oo qorsoodi ah kadibna aad iska furto, waan awoodaa in aan sidaa sameeyo ayaan ku iri. Aniga gabadhii waxaan isla daadihinay jaceyl, inkastoo jaceylka aan sheegto uu yahay mid afka aan dhaafsiisneen, laakiin qofka i arka habka aan ujilo jaceylka wuxuu ii qaadanayaa in aan ahay qof uu jeceyl hayo, waliba jaceyl aad u xun, waxaan ku dadaalay sidii aan ku sii kasban lahaa qalbigeeda, waxaan ka ilaalshay in dhexdeeno uu ku yimaado qilaaf inta ay shabaqa ku soo dhici doonto, waxkasta oo kalsooni saamaxaya waan sameeyay, markii aan isleeyahay xiligaan waa xiligii aad ku qalqaalin laheed guur hoose ayaan ka codsaday in aan is guursano, bilaawgii hore way diiday aragtidaa, waxaan uqoray warqad ah in aan kala harno maadaama waxa aan wada noolnahay ay tahay guur, guurkiina ay diiday, waxaan u sheegay hadii aad guurka diiday waxaad ogaataa in Xamar laga wayneen gabdho aragtideyda igu raaca, waa nasiib xumo in aan kaa doorto gabar kale ayaan ku iri, waxay doorbitay halka ay ka wayn laheed jaceylkeeda ama uu guursan lahaa gabar kale in ay ogolaato guur khudbo siro ah, waxaan isku af garanay guurkii, iyada waxay aamisantahay in ay heshay jaceylkeeda, nasiibkeeda uu u hirgalay, anigane waxaan ku faraxsanahay dhagartayda in ay noqoto mid meel marto, wixii hada ka sii dambeeya ay noqoto nolosha gabadha mid aan marnaba arkin dhadhanka raaxada. Waxaan isku raacnay Wallawayn (Daafeed) ama dadka qaar u yaqanaan Cagaaran, waxaa dhacay meherkii, aad bay iigu naxariistay meherkeeda ma badneen, waxay iigu tiri meherka adiga ayaa iiga qiima badan, waan ogahay hadii uu Allah gacantaada soo galiyo hanti in aad iga dhigeeso naagaha Soomaaliya ku nool mida ugu magac dheer, iyadane wanaag ayee ka fikirtaa anigane xumaan, waxaan go’aan saday maadaama waxa aan sameenayo ay xaasinimo yihiin, in aan wadaadda wax igu mehriyay aan ka codsado in liiska meherka la iga tiro, oo nalaga dhigo dad aan waligeed imaan halkaan ama laga heen wax cadeen…………….. la soco Qeybta 15aad talaada kasta inshaAllah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 2 comments

October 25, 2011 at 7:55 PM

Wlhi waa qiso aad u xanun badan ee marunbaa mase waa ?

October 25, 2011 at 7:55 PM

Wlhi waa qiso aad u xanun badan ee marunbaa mase waa ?

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks