Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 8aad)

Tuesday, September 6, 20114comments

              Dhanka wiilka dirdiraala ah cabsi iyo shook ayaan ka qaaday, ifka isaga ayaan nacay, aragtidiisa waxaan ka qaadaa caro iyo xanaaq, xitaa ma tago meelaha uu ku suganyahay, dagaalkeena ma dhamaado, xafiltan keeno ma dhamaado, waa nin ila jecel qofta aan jeclahay, marmarka qaar ayaan ku fikiraa amee gabadha ka heshaa isaga, walwal iyo walbahaar socdo ayaa noqday, waxaan go’aan saday in aan wiilka utago aan raali galiyo oo aan ku iraahdo nabad iyo maslaxa diyaar u ahay fadlan ii dhaaf gabadha, dadka qaar markii aad udan sheegato waxayba iska dhigaan boqoro, way ismahdiyaan, wuxuuna igu war galiyay in uu naga dhaxeeyo loolan aan iska daayo jil jileeca.


Xaafadii aan dagneen ee Buula Xuubeey waan ka guurnay, waxaan u guurnay degmada Xamar Wayne, wadada Via Roma agagaarka ajabka ayaan dagnay, dhalinyaradii i caawin jirtay waan ka soo guuray, qalbigeyga waa mid jecel xaafada Buula Xuubeey, dhalinyarada xamar wayne wali mala qabsan, maalin ayaan wacay gabadhii aan jeclaaday waxaan islahaa ku dheh waan guuray, balse waxaan kala soo kulmay daadis, waa yeelkadaa hadii aad guurtay maxaa iga galay ayee igu tiri, dadka guuray ma xisaabiyo kadibna teleefoonka isi saartay, naf wax jecel dhib badanaa kama baxdo rafaadka iyo silica.

Mudo dhan waxaan sameeyo ayaan garan waayay, iyo sidii aan ku heli lahaa markale, naf caashaq haya kama harsato fikir, marba maskaxdeyda waxay soo qabataa fikir, waxaan noqday maqane jooge, fikir waxaa igu dhashtay in aan dhigto schoolka ay iyada dhigato, Shcoolka ay dhigato wuxuu ahaa Usaama ee xaafada taleex agagaarka carwada Muqdisho, aniga ma aheen mid waxbarashada jecel, waxaan ahaa saaqid mar hore diiday waxbarashada, waxaan go’aan saday in aan schoolka ay dhigato aan anigane galo, waxaa la igu xiray shuruud in aan heesto shahaado dugsi dhexe ama aan imtixaan galo, aqoon malihi imtixaan hadii aan galo waan hubaa in aan ku dhacayo, maalinkii balanta imtixaanka ayaan wiil aan is naqaano isagane wax barto ayaan ku iri iigal imtixaanka, magaceyga iigu qor warqada imtixaanka, waayo ma dareemayaan qofka galay imtixaanka, taa waxaa usii dheer schoolaadka magaalada Muqdisho muhiimada 1aad ayaa ah u ah lacag, imtixaanaadkii ayaa la qaaday, waxaan noqday ardayda safka hore ka galay kaalimaha hore, farxad ayaa iga badatay, buukaag iyo qalin iyo dharkii schoolka ayaan soo iibsaday, waxaan noqday arday.

Nasiib daro gabadhii waxay noqotay galableey,  anigane subaxleey, aniga dugsiga sare ayaa la ii qaatay halka iyadane ay wali katahay dugsiga dhexe, qof ma ihi nidmaayada waxbarasho la soco, waan ogaa in ay iyada dhigato shoolka, laakiin in ay dugsi dhexe tahay lama socon, maamulka schoolka ayaan warqad u qortay uga codsanaya in galab la ii badalo, maamulayaasha schoolka oo kala ahaa Daqare iyo Suudaane waxay igu war galiyeen natiijada aan ka keenay imtixaanka in ay u qalmato dugsi sare, aan ka garaad waynahay dugsiga dhexe, aysan macquul aheen in aan dib isku celsh, jaha wareer ayaan galay, waxaan noqday in aan albaabka schoolka ku sugto ilaa duhurkii, xitaa hadii ay ardayda subixii baxaan, waxaan sugtaa in aan arko iyada, aragtideeda ayaan u oomanahay, maalinkii 1aad dadka ayaan ka dhex garan waayay, waayo waxay soo qaadatay indho shareer, waan ka dhex garan waayay gabdhaha, waxaa jiro gabdho markii ay schoola soo aadayaan in ay hore usoo qaataan indho shareer markii ay xaafadaha dhex joogaan aan qaadan indho shareer, aniga kuma fikireen in ay iyada soo qaadan doonto indho shareer, galabkii waxaan uqaatay in ay baaqatay aysan soo xaadirin waxbarashada.

Maalinkii 2aad ee waxbarashada ayaan duhurkii waxaan bilaabay gabar kasta in aan dhaho magaranee gabar sidaa iyo sidaa lagu magacaabo, dadkii aan waydiinayay waxaa ka mid ahaa gabadhii aan jeclaa, waxayna igu tiri waxaan filaa gabar magacaas sidata in ay dhigan schoolka, maadaama gabadhaha dhan aan wada garanayo, gabdhaha qaar markii aad waydiiso waxay ku moodaan in aad dooneeso la qabsi, dadka qaar ayee wali ku dmabeesaa bini aadam nimada iyo saacidaada gabar ayaa i caawisay itustay fasalka ay dhigto iyo in ay indho shareer wadato, gabadhii ayaan warqad ugu qoray waxayna aheed sidata:

Sidaan kuu bartay hurdo Kama bogtoo adaan kuu bukaayoo ma ii soo bixi kartaa?

Jirkee i damqanayee beerka iyo wadnaha i ololayee ma ii soo bixi kartaa?

Naf ku jecel lama silciyee qalad la is kama galee ma ii soo bixi kartaaa?

Berigaynu joogno iyo buuraha korkoodaba kaa baadi gooboo ma ii soo bixi kartaa?

Kuleelka quraxdo banaanka schoolka baan taaganahay ma ii soo bixi kartaa?

Warqadii ayaa loo geeyay, markii ay aqrisay way jeex jeexday, anigana waxaan ahaa nin banaanka ku sugta iyada, ma dhararo sugashadeeda dulqaad ayaan uleeyahay, marmarka qaar waxaan is dhahaa macalinka ayee ka cabsatay, marna waxaan is dhahaa xisada ay ku jirto waa xisdo adag iska suga, sidii aan sugayay waxaa dhacay gambaleelka maamulaha iskuulka wuxuu galabkii Siicow, ardaydii ayaa soo wada yaacay, ma aanan la kulmin galabkaa, meel ay kabaxday ayaan garan waayay, naf wax jecel iyada quusasho ka dheer, maalinkii 3aad ayaan hadane warqad kale u qoray ugana dhiibay isla gabadhii waxayna u qorneed sidatan:


Waxaan ahay ruux bad qaba  Hadana buka oo ladneyn

Waxaan ahay ruux  aan  bogsan Habeenkii aan badin hurdada

Waxaan ahay beer wax jacel Intuu adiga ku gaclooday

Barashadaadi bahalyooga caashaqa waan mid aan la ildaranahay

Naftaydaan biimiyoo U nugul balada caashaqa

nacasnimo iga ma ahan warqdaha aan iska soo daba dirayo

Adaa lahashada ibaday, wadnaha baxsaneey adigaa hantiyay

Waxbarasho in aan ugalo Usaama adigaa ibaday

markii ay heshay fariinta, banaanka ayee usoo baxday, gacanta ayee iga qabatay iyada oo xanaaqsan, waxaan isla tagnay daarada hore ee schoolka ............................................................... la soco qeybta 9aaaad talaada kasta
Share this article :

+ comments + 4 comments

Mohamed
September 6, 2011 at 6:15 AM

Qoraayga sheekada wabkan soo galiyo xaasi sanaa markasto meesha ugu mcn ayoow ku goooynaaa xaaaaaaaaaax jcl ka xanuun badanaaa

Mohamed
September 6, 2011 at 6:15 AM

Qoraayga sheekada wabkan soo galiyo xaasi sanaa markasto meesha ugu mcn ayoow ku goooynaaa xaaaaaaaaaax jcl ka xanuun badanaaa

ubax ali
September 8, 2011 at 1:30 AM

cadimahan shekada wan kahelay meshas kasiiwad wad ku mahasan tahey

ubax ali
September 8, 2011 at 1:30 AM

cadimahan shekada wan kahelay meshas kasiiwad wad ku mahasan tahey

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks