Waxaa dhacday in uu iguur sado, aroos aan gabar Somali loo dhigin ayaa la ii dhigay, waxaa la iskuugu wacay intii dad magac leh xitaa arooskaas waxaa ka soo qeeb galay fanaaniin caanka ah dalka Somalia, jirkeyga waa harqiyay dahab, guriga la idajiya wuxuu ahaa guri quruxbadan, alaabta taalo waa mid aan la xisaabi karin, wuu ii hagar baxay, habeenkii waxaan aheeyn kuwa farxad ku seexdo iyo barwaaqo, waxaan galay nolo aan waligeyga galin, waxaan moodaa in aan ku jiro jano, nolo raaxo leh, buuq la aan.
3 maalin kadib markii aan is qabnay ayaa waxaa isoo booqday ehelka ninka, gabar ay ninka qaraabo yihiin ayaa igu tiri waxaa tahay naagaha uu qabo adeerkeyga mida ugu quruxda badan, hadalkaas ayaa shaki igaliyay, waan maseer badanahay, sheekadii ayaan daba galay, waxaan soo ogaaday in naag la igula qabo Dubai, cirka ayaa ila wareeray, ninka gurigiisa waan ka soocararay, waxaan imaaday guriga hooyo, sheekadii ayaan hooyo uga sheekeeyay, hooyo ninkii ayee wacday, waa la waydiiyay in uu naag qabo, wuu qirtay in uu naag ila qabo, waxaan soo jeediyay in naagta iska fasaxo ama ani i fasaxo, murun dheer kadib ninka wuxuu yiri gabadhaas aan qabo waa mid uu isoo siiyay tolkeyga mana ahan mid iga mudan furiin balse adiga ayaan ku furaaa, waxaan noqday gabar la furay, xitaa aan dhameesan todobada, waxaan noqday gabar waalan, ilaa hada waan jeclahay hadii aan kala tagnay xitaa, wuxuu ahaa jaceylkii iigu horeeyay oo aan qof jeclaado, wuxuu noqday mid ku soo dhamaado guul daro, waxaan ku waayay gabarnimadeyda.
-------------------------------------------------------------Dhamaaaaaaaaaaaaaad-------------------------------------------------------------------------
Mu'alifka sheekada waa Daalac Daahir Shoot (C/risaaq), website kasta ama qofkasta oo doonaya sheekadaan wuu qaadan karaa hadii uu ilaalinayo copyright
NB: Qisadii Jaceyl ee la magac baxday Alla Qalbiga ayuu iga xaday way soo afjarmatay inshaAllah maalmaha soo socdo ayaan qiso kale idiin soo gudbin doonaa, hadii aad tahay qof doona in aad talo ama aragti ku darsato fadlan iigu soo dir fariin daalac9@hotmail.com. mahadsanid.
+ comments + 2 comments
The Casino in Las Vegas - Mapyro
The 안성 출장샵 Casino in Las Vegas, 영천 출장샵 Nevada. 양산 출장샵 1291 Highway 50, Las Vegas, NV 89109, 문경 출장샵 United States. Location: 3.5 km. Distance 경상북도 출장샵 from airport to airport
raft titanium - TITanium Art Studio
This acrylic craft is made using TITanium titanium exhaust tubing and is the result nano titanium by babyliss pro of a popular hobby by the award winning glass artist. The project began anodizing titanium as $14.95 · thunder titanium lights Out of titanium wood stove stock
Post a Comment