Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 11aad)

Monday, September 26, 20113comments

              Waxaan soo gaaray xaafada gabadha, markii aan waydiiyay in ay joogto iyo inkale, waxaa la igu war galiyay in ay galabta aroos aaday, walina aysan soo laaban, laakiin xiliyadaan oo kale la filayo in ay soo laabato, inkastoo aysan cadeen xiliga ay guriga imaaneeso ama saacada ay ku soo beegantahay, waxaan fariistay goob ay iskuugu imaadaan dhalinyarada oo u dhow guriga gabadha, inkastoo habeen kaas dhalinyarada inta badan kawada maqnaayeen goobtaas waxaan isku baranay wiil aad u wanaagsan magaciisa la dhaho Saadaq Cade Saadaq, aad buu ii soo dhaweeyay, wuxuu ahaa wiil dagan hadane inbadan ka warhaya axwaasha gabadha, cabaar ayaan meesha ku kaftanay, xili aan isleeyahay saacan way timid gabadhii aan jeclaa ayaan waxaan soo aaday dhankaa iyo guriga ay daganeed, walaasheed iyada kayar ayaan waydiiyay waxayna ii sheegtay in ay abaayo caawa imaan Karin xaafada maadaama goobta arooska uu ka dhacay dagaal kadib markii arooska la isku dagaalay iyadane ay qeyb ka aheed  dagaalkaas, waxayna caawa soo seexanaa xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilwaa ee magaalada Mugdisho.

Madaxa ayaan gacanta saartay, dhulka ayaa ila wareeray, waan aamini waayay hadalka gabadha, waxaan waydiiyay hadii uu jiro guriga ay caawa seexaneeso in uu ku jiro teleefon ama meel kale u dhow lagala xariiri karo, ma aqaano aye hadalkii iigu soo koobtay, waxaan dib ugu soo laabtay goobtii dhalinyarada fariistaan wali waxaa fadhiya Saadaq Cade Saadaq, wuxuu la yaabay isbadalka iyo neef tuurka iga muuqdo, waan u sheegay in aan bari safar ahay, gabadhaan la aan teeda aan bixin karin, wuxuu iyiri waan kuu soo ogaanaa in uu hadalka gabadha yahay run iyo been, waxaa cadaatay in ay maqantahay uu hadalka gabadha yar uu run yahay.

Dhanka kale intii aan ka maqnaa guriga waxaa jiray dad badan iyagane doonaya in ay ii dhiibtaan alaabo sida bashqado sawiro iyo wax yaabo badan, sidoo kale waxaa jiray dad badan iyagane iga soo wacayay Kenya oo iga codsaday in aan alaabo badan hore ugu soo qaado, teleefoonka guriga habeenkaa wuxuu ahaa mashquul mid iska soo daba dhaca dhicitaankiisa, inta badan asxaabtayda waxay doonayaan in ay imacsalaameeyeen qaar kalane waxay doonayaan in ay igu odkeeyay aalabaha aan qaadi doono qofka loo dhiibayo, teleefoonka guriga waxaa qabata hooyo, dadkii ayee ku dhahdaa wiilkii ayaan heynin wuu iga maqanyahay, sidoo kale waxaa jiray dhalinyaro habeenkaa aan isla qaadan laheen casho sharaf xitaa uma imaan, xaalada guriga way qasantahay, gacan la iguma haayo, dadkii way igu lug go’een, anigane masuuliyadaa iyo tixgalin ma siisiin arimaha dadkaas, qofba waxaa daran, iyaga waxaa udaran in aan alaab u qaado, anigane waxaa ii daran naf aan jeclahay in aan katago.

Laba daran mid dooro ayaa i hortaagan in aan baxo bari iyo i aan u baaqdo iyada darteed sidii aan ku heli lahaa, waan fikiray waxbadan ayaan fikiray, waxaa ii soo baxday in wax kasta ay ka muhiimsantahay in aan iyada helo, hadii aan safro xitaa oo aan aado Kenya ma moogaan doono iyada qalbigeyga wuxuu jiraa dhankeeda, waan ogahay hadii aan Kenya tago in uu dhibkeyga sii laba laab mayo, waxaaba ii roon in aan ka baaqdo safarka, magaalada Nairobi waxaa timid gabadhii ii dacwoon laheed, waa in uu dhacaa meher, bil kabadan ma joogi karto Kenya iyada, xaalad adag ayaan galay, go’aamada aan qaadan lahaa dhan ayaan ku wareeray, ma oga gabadhii aan jeclaa in aan sidaan u dhibanahay, xitaa iima quurto in aan la kulmo, kuma heesto qadarin walaalnimo, naf aan ku rabin mala isku qasbo, qalbi kaa sii jeedo waa dhib sidii aad markale ku kasban laheed, aniga oo og in aysan i jecleen ayaan hadane nafsadeyda ku qanciyaa mar uun waad heli doontaa, niyada iskama xumeeyo, waxaan go’aan saday in aan ka dhabeeyo hadafkeyga jaceylka, in aan dhinto aniga oo daba ordaya jaceylkeyga, habeenkii ma aanan aadin xaafadeyda Xamar Wayne, wxaan seexday Hotel Salaama oo u dhexeeya is gooska Baar Ubax iyo Black Sea, hadii aan aado xaafada buuq iyo qeylo ayaan ka baqayaa, mida kale waxaan rabaa in aan ka baaqdo safarka, hotelka ayaan seexday, ma hurdin habeenkaa inkastoo aan dhex jiifo hotel laakiin ma aan dareemin macaanida uu leeyahay jiif hotel, waagu markii uu baryay aan ogaaday in xiligaan diyaarada ay duushay ayaan banaanka usoo baxay, waxaan tagay gurigii gabadha xil barqa ay tahay, Alhamdulillah way joogtay markii ayee soo gashay guriga, ma aysan ku faraxsaneen aragtideyda, wajigeeda waxaa ka muuqday in ay dhibsaneeso, anigane arageeda ayaa ii ah farxad iyo bishaaro, ma isku maleeyo in aan ahay dhibane markii aan iyada arkayo, waxaan ku iri abaayo waxay aheed in aan maanta duulo oo aan aado Kenya, leen ayaa la ii xareenayay, waan ka baaqday adiga dartaa ayaan u baaqday, macaanto makaa tagi karo, sababaha iga reebay safarkeyga waa jaceyl aan adiga kuu qabo, waan ku baryayaa iga gudoon jaceylka oo wax ila qabo, qosol ayee la dhacday waxayna tiri walaalo cid aad sasabato Allah hakuu sahlo, ma umaleenayi wiil Muqdisho ku nool in uu safar u baajin karo qof uu jecelyahay, walaalo iga daa caqli caqliga aad igu wado, waan u dhaartay si kasta wax waan ugu sheegay laakiin qalbigeeda waa dhagax, wax magalaan, raxmad dhan malahan, laba qasaaro ayaan galay mid ah in aan baaqdo oo waliba dadkii wax ii dhiiban laahaayeen aan lug gooyo,  mida kale oo ah in in aan helin jaceylkeyga, alla dumarka qaar xaasinimo badanaa oo cadibi ogaa nafta aysan rabin iyaga.

Talo gacan kuma haayo, aniga fara maran ayaan ku laabtay xaafadeydii Xamar weyne, waxaan tagay guriga laga wada maqanyahay, yar iyo wayn aniga ayaa la ibaadi goobay la igama war hayo halka aan jiray xalay, dadka qaar dhimasho ayee ii saadaalinayeen, waa la iwaydiiyay halka aan xalay ku soo dhaxay iyo sababaha aan uga baaqday safarka, waxaan iri waa la i afduubay niman qoryaaleey ah ayaa i af duubay, waxay ii heesteen in aan yurub usocdo, waxayna iga codsadeen baad, anigane waan u sheegay in aan usocdo Kenya sababo caafimaad, waliba safarkeyga uu yahay safar dhulka ah, kuwii af duubay waxay igu dhaheen waxaan kuu heesan qof sidaa ah oo lacag leh waqti iyo waardiyo ayaad naga lumisay saakay ayee isoo fasaxeen xili barqankii ah, marmar siyada waa la iga aqbalay, waxaana la i dhahay maalinka axada ah ayaa laguugu qorayaa diyaarada, guriga haka bixin.

Aniga oo raba wali in aan xamar joogyo ayaa si qasab ah la igu soo saaray diyaaradii waxaan imaaday Kenya, waxaa la kulmay gabadhii ii dacwooneesay, waaba gabar aad u qurux badan aadna ii cajabisay quruxdeeda, niyadeyda waxay soo jirtaa Xamar, damac aan ku damco naag kale malihi, naagtii aan isbarano jaceylka i haayo waan uga sheekeeyaa, gabadha ii dacwooneeso waxay ka yaabtay sida aan salaadaha udukado, subax kasta aan aqriyo qur’aanka kariimka, balwad la’aantayda iyo la macaamilka bulshada, waxay tiri kawaran hadii aan habeen dambe casho isla wada qaadano arimo badan ayaan kahadli rabnaa oo ay igu hureeso qaabka meherka iyo formka loo xareenaya iyo wax yaabo badan oo ku saabsan interview ga, aniga wax yaabahaas caajis ayaa iga saaran, niyada iima xasilna, gabadhii aan jeclaa kama warhaayo xaaladeeda, iimeel makala heesano, dhib badanaa jaceylka, ha jeclaan naf aan ku jecleen.

Gabadhii ii dacwooneesay balantii aan lalahaa ayaa la gaaray habeenkii meeshii laga rabay in aan isla gorfeeno arimaha leenka waxaan isla gorfeen arima kale oo ay iyada iila timid oo ah in ay idooneeso oo ay iga heshay, waxayna ii sheegtay in nimanka joogo yurub sidaada oo kale aysan ku aheen salaadaha iyo qur’aan aqriska, waxayna ii sheegtay in ay dooneeso in ay hesho nin wanaagsan……………………………. La soco Qeyta 12aad Talaada kasta InshaAllah.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
 

?

 
Detect language » Hungarian



?


Detect language » Hungarian


?


Detect language » Hungarian



?


Detect language » Hungarian


?


Detect language » Hungarian



?

Detect language » Hungarian



?
Detect language » Hungarian

Share this article :

+ comments + 3 comments

Mohamed
September 28, 2011 at 4:55 AM

Sheekada marax ayeeey gadaaal kanoqo nooysaaaa kan war badnaaa asi malaaa yacni ayooow ka badshay qoraaga waxanu ka codsanenaa nuxuka shekada inow ilalsho sheka ciyalka kadaaayo

Mohamed
September 28, 2011 at 4:55 AM

Sheekada marax ayeeey gadaaal kanoqo nooysaaaa kan war badnaaa asi malaaa yacni ayooow ka badshay qoraaga waxanu ka codsanenaa nuxuka shekada inow ilalsho sheka ciyalka kadaaayo

October 1, 2011 at 9:14 AM

Hi and thanks for taking the time to describe the terminlogy for the learners!

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks