Xaafadii aan ka soo guuray ee Buula Xuubeey ayaan maalin booqasha ku tagay, waxaan booqday asxaabtaydii hore, way iga yaabeen waxa sidaan caato iiga dhigay, waxaan ka soo maqlay iyaga hadal aad u naxtin badan oo mudan in laga murugooda, waxayna ii sheegeen qofta aan jeclahay in ay xiriir laleedahay wiilkii aan is necbeen ee gabadha igu diray, waan naxay cagaha ayaa jareeyay hadaladii ayaan gafay, qaqaryo iyo dhaxan ayaa iqabatay, waali ayaan halis u noqday, waxaana la iisii raaciyay in ay galabta halkaan imaan doonto oo la balamiyay, waxaan bilaabay in aan matago, sababta aan umatagayo ma aqaano, saacadba saacada ka dambeesa jirka wuu isii ololayaa, noloshan ayaa iisoo urtay, six un waan u maseeray, dhidid ayaa iga socdo, madaxa xunuun qandho ayaa iqabatay aan garaneen meel ay iiga timid
Galabkii markii la gaaray waxaan indhaha ku dhuftay wiilkii aan is necbeen misana gabadha aan jeclahay xiriirka laleh aad ulabisan, udiyaar garowbay soo dhaweenta, mar ayaan damcay in aan dilo kow kasiiyo, ciilka aan u qabo, waxaan is waydiiyay makan sidaan u yaalo ayaa qof aad jecesahay kuugu hor wadan karo, markii maseer ku hayo wax kasta waxaad ka eegeesaa dhanka xumaanta ah, ma ku baraarugsane wax kasta in ay ku xirantahay rabitaanka gabadha, waxaan xausuustay balantii aan ka qaaday gabadha ma aan la dagaalin, wuxuu bilaabay dhago hadal, wuxuu iska dhigay in uu yahay aabaha shukaansiga, wuxuu iska dhigay mid hadii uu gabar damco gabadhaas gacanta ku soo dhigaya, aniga wuxuu iga dhigay mid aan waxba galin, cardeyda ayaan iska qarsaday, salaan been ah ayaan utaagay waxaan ku iri waan qirsanahay in aad tahay macalinka shukaansiga, awalba waan ogaa in aan kuugu gaareen dhanka shukaansiga, waxaana tahay wiilka xaafada ay ugu jecelyihiin gabadha, wuxuu yiri galabta i arag qoftii iigula dagaali jirtay ayaan ku tusinaa iyadoo cagaheeda ku socoto in ay halkaan timaado.
Xiligii balanta ayaa la gaaray, gabadhii aniga iga balan qaatay in ay garab qabaneeso, waxay ka hortagtay gabadhii, waxay tiri abaayo soo ma ihid gabar heblaayo, abaayo iska laaabo, waxaan aan halkaan usoo istaagay waxay aheed waa laguu tashtay wiilal badan ayaa raba galabta in ay ku kufsadaan oo lagu xoogo, waxayna wataan biskoolada, waxaan ka dambeeyo arinkaan wiilka ku balamiyay, marka waan kaa naxaa iska laabo, yaanan lagu ciyaarin gabarnimadaada, gabadhii aan jeclaa hadalada gabadha aye ka qaatay naxti iyo shook iyo fila waa, si dag dagsiimo leh aye uga carartay xaafada iyadoo dhuumaaleesi ah la mooda mid baxsad ah, labada gabar waxay kala qaateen teleefoon, waxayna ku balameen in ay is xariiriyaan.
Wiilkii balanta la lahaa gabadhii aan jeclaa galabkaas waa loo gooyay, gabadhii ayaa loo sheegay cabsi cabsi, waan is ag fadhinay galabtaas aniga iyo isaga, saacada uu xiran yahay ayuu fiiriyaa marba marka ka dambeeso, waqtigii uu la lahaa balanta waa la dhaafay, aniga oo meesha fadhiya ayaa waxaa soo martay gabadhii i caawineesay, way ii iljabis, iljibis oo baaq ah, waan ka dabaxay gabadhii, luuq xaafada ku yaalo ayaan isla wada istaagnay aniga iyo iyada……….. la soco qeebta 10aad inshaAllah Talaada kasta.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
+ comments + 14 comments
soo bosii wan kahwelay
soo bosii wan kahwelay
Asc dhaman akhristayasha iyo mamulka webeka ad ayn ula dhcy ALLA ruux u helay cudurka jaceylka damqi dhawaa shekadaan ad ayn uga helay plz bro isbucii 2jeer kadhig
Asc dhaman akhristayasha iyo mamulka webeka ad ayn ula dhcy ALLA ruux u helay cudurka jaceylka damqi dhawaa shekadaan ad ayn uga helay plz bro isbucii 2jeer kadhig
Ma sugi karno ilaa iyo talaadada plz soo dhaweeya meel mcn ayaad ku goyseen wlhi
Ma sugi karno ilaa iyo talaadada plz soo dhaweeya meel mcn ayaad ku goyseen wlhi
Asc walala ha dhaman wanisalamay ani waxan jecladay wiil wiilki ima ogo waxana kacab sain u igu dadiyo
Asc walala ha dhaman wanisalamay ani waxan jecladay wiil wiilki ima ogo waxana kacab sain u igu dadiyo
Nice post. I went through the post I found it very informative and useful. Thanks for sharing.
My website is about Bluehost Reviews.
I really appreciate this post. I?
m very happy to see your article. Thanks so much and i am taking a look forward to contact you. Will you kindly drop me a mail?
Superb information here, ol'e chap; keep burning the mdniight oil.
Felt so hopeless looking for anwsers to my questions...until now.
At last, seoomne comes up with the "right" answer!
Post a Comment