Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 10aad)

Monday, September 19, 20114comments

         Luuqa ayaan isla istaagnay aniga iyo gabadhii, way ii sheegtay gabadha cabsida ay ku abuurtay, iyo sida ay u lug gooysay wiilkii, xitaa waxay ii sheegtay in ay gabadha ku tiri wiilka ku balamiyay markaan ma ugu horeeso in uu kufsado gabar, waxay dhahday gabadha waan isku cusubnahay caawa ayaan wacaa, arimahaaga maku soo hadal qaadaayi, sababtoo ah way shakinee, markii aan noqono saaxiibo isku shushubano (aragti is dhaafsada), ayaan barnaamijkaaga galayaa, hadii aan isla caawa ku dhaho wiilkaas ayaa ku raba ama ku jecel waxay ii qaadanee sababta aan galabta cabsida ugu riday in ay aheed arintaan darted, waxayna iga codsatay in aan aamuso, arinkaan uu ka dhexeeyo labadiina, gabadhii aad baan ugu mahadnaqay wax qabadkeeda, waayo aniga waan ka dhintaa nin aad taqaano in uu kula shukaansado qof aad jeceshahay, dabci umali in aan barto xitaa gabdhaha ay saaxibadeyda la socdaan, waxaan u qadariyaa dumaashi camal, laakiin dadka qaar ayee ugu baxdaa in ay qof luqaafeeyaan.


Xaafadeyda Xamar Weyne ayaan ku soo laabtay aniga oo yara faraxsan, habeenkaa waxaan hurday hordo yar waayo awal habeenkii wuxuu ila ahaa mid dhiri badan, waxaaa i daali jireen dhinacyada, habeenkii waxaan ku riyooday aniga oo iyada guursaday, is jeclaanay, nolol farxad leh ayaan ku soo kacay, riyada waxay aheed riyo wanaagsan, waxaan utagay wadaad fasira riyooyinka wanaagsan wuxuuna igu yiri laba mid waaye riyadaada in aad Somalia ka baxdo oo aad aado dalalka Yurub ama in aad guursato, waxaan ku iri leen Yurub ah marabou, iigu ducee qof ayaan jeclahay, buufis yurub ima haayo balse buufis jaceyl ayaa ihaayo, in la iqaabilo iigu ducee ee gabadhaas aan jeclahay ii noqoto abshir.


3 isbuuc kadib, waxaa isoo wacday gabadhii i caawineesay, waxayna ii sheegtay in wax kasta oo qilaafaad ah la dhameeyay, gabadha ay kuu bisishahay, gabadha kuma necbo laakiin wiilkii aad adiga necbeed ayaa qaladaad ka buuxiyay, is daji xaalada waxay noqon doontaa mid sidii la rabay ukala socota, alxamdulillah ayaan hadal ku bilaabay, farxad ayaan meel la dhacay, waxaan noqday mid sadaqada bixiya qof kasta masaakiin ah waxaan ahaa mid lacag ugu deeqa, markasta mahadnaqa Allah ma aanan ilaaween.


Gabadhii i caawineeday ayaa suurto galisay in aan kulano labadeena, waxaan ku kulunay xaflad aroos ah oo ay ka dhaceesay Hotel Sahafi, gabadhi i caawisay walaasheed oo ku nool dalka Sweden ayaa loogu dhigayay aroos, nasiib daro aniga warqada invitation ka waxaan uga soo tagay miiska qolka ii yaalo, markii aan imiday hotelka waxaan waayay warqadii, waxaan u qaatay in aan lumiyay ma xasuusan in aan uga soo tagay miiska, gabadhii aan jeclaa iyo gabadhii kale gudaha hotelka aye ku wada jiraan, aniga bas ayaa ku xayiran albaaabka hore ee hotelka, waxaan raadiyay meel laga boodi karo oo aan hotelka qarsoodi ku gali garo waan waayay, teleefoon aan ka waco malahan, waardiyaha albaabka ayaan udan sheegtay, ifasaxa ayaan dhahay wuu iga diiday waxaan ka codsaday in uu iiwaco gabadha, wuu iga diiday, wax aan sameeyo ayaan garan waayay, waan fikiray waxaan ku iri waardiyihii walaal hadii aan kusiiyo 20$ ma isii deen kartaa oo maka qeyb gali karaa xaflada, hareeraha ayuu iska fiiriyay gacanta ayuu ii soo taagtay lacagtii ayuu iga qaatay, guduha hotelka ayaan sidii ku galay, qiimaha lacagta waxaa iigala wayn farxada aan kula kulmaayo nafta aan jeclahay ee aan u dhimanayo, aragtideeda ayaa iiga muhiimsan waxkasta oo dunida dusheeda saran.


Gabadhii aniga iyo iyada waxay noo sameesay casuumaad gaar ah, kuraasta ayee noo dhigtay meel ka duruqsan dadka, markii aan hor fadhiistay waan iska ilmeeyay, quruxdeeda iyo sida rabi uu uga dhigay gabar qurxoon, cudurka i hayo waa jaceyl daawao kale malahan jaceylka waxaan ku iri “aad baan ugu faraxsanahay la kulan kaaga waa wax ahmiyad iilah, mudo badan ayaan ku dharari jiray in aan kula kalmo, waxaa tahay qiimaha naftayda, nolosheyda ayaa tahay, caro iyo xanaaq yar ina kala dhex galay ma aheen in aad igu cadaabto, qalad waa lawada gala, laakiin hadalka la iskama jarto, dhibane ayaan kuu ahay, waxaadna ogaataa inta dumar Allah ubuuray hadii la i dhaho xulo adiga ayaan ku xulan lahaa, waan ku baryaa macaanto mar kale nolosha ha igu cidleen, hadii aan kuwaayo dunida dhadhan iimalahan, ha iga dheeraan markale laabtaada ii fur” sidaa markii aan dhahay waxay itiri ma hadli karaa fursad aad igu dhageesato maheesataa, waxay tiri “halkaan waxaan u imiday in aan is cafino, aan iska ilowno xanaaqii iyo wixii na dhex maray, haka yaabin in uu xiriir ina dhexmaro, ujeedkeyga ma ahan in aan markale kula saaxiibo u jedkeygu waxa weeye in aan is cafino, runta ayaan kuu sheegayaa kuma jecli oo makuu hayo dareen jeceyl, shalay mar baan ku jeclaaday waa la igu kaa diray, jeceylkii wuu iga baaba’ay, kadibne wiilkale ayaan jeclaaday, adigane iska ilow jaceylka walaal” intaa markii ay sii dhaheeso waxaan sii daayay galaaskii aan biyaha ku cabayay oo aan markii gacanta ku hayay, wuu kala jabay, kadibne aniga waan suuxay qaracan, dhaqaska ayaa igu dhagay, kursiga ayaan ka dhacay, ilik ayaa jab yar iga soo gaartay, dadkaa xaflada ayaa igu soo shamuumay, waxaana la iibixiyay banaanka hotelka si aan hawo u helo, mid kamid dadka ii gurmanayay ayaa yiri waxaan kabaqaa in wiilka biyaha uu cabayay sun loogu daray, waxaana la iila cararay Hospital Madiina, waa habeen dhaqaatiir ma joogaan , cid ii gurmato malahan, xitaa mala war galin reerkeyga, waxaas oo dhan waxaa iiga daran gabadha idiiday, jirkeyga sun kuma jirto balse sun wax kadaran ayaa ku jiro oo ah jaceyl, alla mashaqa badanaa jaceylka, qofkii heesta naf uu jeceylyahay ilaahiisa haku shukriyo, waa dhibaato jaceylka, waa halis, waa cudur daawadiisa aan laga soo iibsan karo farmashiye, habeenkii aan suuxay maalinkii xigtay xili ay tahay barqo ayaan ku soo baraarugay goobta aan joogo, waxaa la ii soo qaaday dhanka iyo xaafadeyda Xamar Wayne, wadaada xaafada ayaa la igu wacay si Qur’aan la ii saaro, ma naf jaceyl hayo ayaa u baahan Qur’aan, reerkeyga waxay ka yaabeen wiilkooda sid  uu silica ugu jiro, waligeyga kuma dhihin waxaa i haayo jaceyl, waan qarsan jiray.


Reerkeyga waxay ii soo jeediyaan in aado Kenya, oo la ii xareeyo leen, waxay uqaateen waxa i haayo buufis, leen yurub ah waan rabaa, nafta aan jeclahay kama tagi karo, hadii iyada oo aan i jecleen katago goormee i jeclaanee, waxaan kabaqaa in la iga guursado, gabdhaha dhan iyada ayaan ugu jeclahay, way iga dhex baday, iyada ima rabto, aniga bas ayaa kadaba ordo, kama daalo rabitaankeeda, kama caajiso dhankeeda, markasta hami ayaan u leeyahay in aan helo, waxaa ii cuntami wayday in aan ka tago Somalia aniga oo iyada gacanta ku dhigin, cadaadis dhanka waalidka ah ayaa isaaran, gabadhii ii dacwoon laheed Kenya ayee ku soo food leedahay bil kadib, dadka waxay iigula taliyaan in aan doorto leenka, waayo gabadha hadii aad yurub gasho aad dhahdo waan ku rabaa maku diideeso, jaha wareerka caashaqa ayaa ila soo darsay.


Gabadhii aan jeclaa ayaan wacay waxaan ka codsaday in aan hal mar bas lakumo, way diiday waxay dhahday cid aad ku dul suuxdo Allah kuu sahlo waxaad iga rabto teleefoonka iiga dhex sheek, kulanka waxaan uga codsanayay in uu safar isoo galay, kama quusan waan wacaa xili kista waa la igu damiyaa teleefonka, fiilada teleefoonka heer ay kala bixiso ayaan gaarsiiyay, maalmo ayaa ka haray safarkeyga in kayar 13 maalin, gabadhii isaacidi jirtay way iidiiday in ay isaacido markaan waayo xiligii aan ku suuxayay hotelka ayaa iyada iyo gabadha aan jeclaa suuqa waxaa loo galiyay war ah in ay sun isiiyeen oo rabeen in ay dilaan, meel kasta waa iga soo xirmatay, alaabkasta wuxuu iga xirmaday, rafaaaad, dhib, mashqo, nolol xumo, fikr intaba kama marna noloshayda, waqtiga wuxuu isguro isguro waxaa la gaaray safarkeygii ahaa in aan baxo waana maalinta bari ah, habeenkii ayaan waxaan soo aaday gurigii gabadha aan jeclaa aniga oo aan heesan wax balan ah talow maxaan kala soo kulmi doonaa barina safar waan ahay? La soco Qeybta 11-aad Talaada kasta InshaAllah.


W/Q: Daalac Daahir Shoot 

Share this article :

+ comments + 4 comments

September 20, 2011 at 4:16 AM

Thank's daalac waxa aad tihiin wab site la rabo dadka waxa eey rabaan haka daalina u shaqeynta bulshada

September 20, 2011 at 4:16 AM

Thank's daalac waxa aad tihiin wab site la rabo dadka waxa eey rabaan haka daalina u shaqeynta bulshada

September 21, 2011 at 2:22 AM

daalac waxaa idinka codsanayaa bagge kina mala aqrisankari coz waxaa kor saaran meesha commeniga lagu qoro ayaa kor saaran meesha looga tala galay ina laga aqristo qoraalka

September 21, 2011 at 2:22 AM

daalac waxaa idinka codsanayaa bagge kina mala aqrisankari coz waxaa kor saaran meesha commeniga lagu qoro ayaa kor saaran meesha looga tala galay ina laga aqristo qoraalka

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks