Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 3aad)

Tuesday, August 2, 20112comments

        Biyihii ayee cabtay si shaki la aan  ku jirto, waxaan filanayay isbadal in uu ku yimaado iyada ama ay noqoto qof alaalax ah oo hawada ka baxsan balse sidaan wax u filayay ma aysan dhicin, wax isbadal ah kuma imaan, waxaan ku qalqaaliyay in ay cabto biyo kale, markasta ay biyaha cabeyso bisinka ayee qabataa, waan ku guul dareestay hadafkeygii ahaa in aan wax yeeleeyo galabtaa, waxaan ku fikiray mar hadii cabitaankii uu keeni la yahay wax isbadal ah amaa gacan la aadaa waayo maanta fursad ayaan ku heestaa, qalbiga ayaan iska iri isdaji oo wareega 1aad ha wax yeeleenin balse kulumada xiga wax yeelee ama si caqliyeesan oo ay ku dheehantahay wax uga qaad.

Waxaa lagaaray maqribkii waxayna dhahday hadii aan daaho waa la iwaydiinaa halka aan ku soo daahay waxaana ii sii dheer in aan aniga caawa ku qoranahay casho kariska waan sii baxayaa, waan sagootiyay intii aan  wadad ku jirnay (sagootiska) ayaan waxaan waydiiyay in xiriir la leedahay dadka kale, waxayna ii sheegtay in ay jiraan wiilal badan oo iyada aad u daneeya balse wali aysan mid qalbiga ufirin, waxaan waydiiyay hadii aan anigane dhankeyga kaga soo biiro dhalinyarada kawaran? Iyadoo dhoola cadeeneeso ayee igu tiri uma qalantid mana istaahishid mana noqon kartid qof xiriir lala yeeshto kuwa aan hada la socdo ayaan garan la ahay sida aan ukala dabaro, waxayna ii raacisay waan kuu digayaa hadaladaan oo kale mardambe ha iila imaan, salaanta aan ku soo salaamay ha uqaadan mid iga dhigeeso in aan ahay gabar jiljilicsan, balansiga aad ibalan satay ma aheen mid aan raali ka ahaa laakiin waxay aheed maadaama aniga darteey laguu wax yeeleeyay wiilka niyada u dhis, midna ha iska dhaadhicin in aan ahay gabar si sahal ah lagu helo, waxaan ku iri aniga oo afka ka dhoola cadeenaya qalbigane uu iga gubay hadaladeeda qalafsan ayaan waxaan ku iri waad ismahdisay laakiin mid baan kuu sheegayaa waan kaftamayay ha isku maleen in aad tahay qof la damci karo, waxaana kula haboon in aad kala garato hadalka kaftanka ah iyo midka dhabta ah waxaana dareemayaa in aadan dabci laheen hadii aan ogaan lahaa in aad tahay dadka sidaan oo kale uhadla waqti maba kuugu lumiyeen, waxay iga codsatay in aan wadada uga horo maadaama aan isfahmeen, waxayna aad uga xanaaqday hadaladeyda balse hadalada afkeeda ka soo baxaya uma aragto mid wax dhibaya waxayna tiri teleefoonkeyga ha iga soo wicin hadii aad awoodo iska tir.

Si aan danteyda ugaaro oo ah in aan gabadhaan qalbigeeda kasbado waa in aan la imaado dadaal sabar iyo dulqaad iyo u dhabar adeegid ilaa arinta ay ka noqoneeso mid miro dhal ah, maalin kadib markii uu xiriirkeenii xumaaday ayaan wacay markii ay ogaatay in aan ahay qofka soo wacay teleefoonka ayee igu damisay sidaa kuma qoosan marar badan ayaan wacay waxayna igu tiri teleefoonkeyga dartaa ayaan ubadalayaa waxaana soo gashan doonaa teleefoon cusub, hadii aad markale isoo wacdo ogow in aan kuugu dalban doono walaalaheey, naftaada ubaq ayee igu tiri,  sheekada way cakirmatay, xaafadooda ma tagi karo waa kuwii i wax yeeleeyay, talada way iga wareertay, fikirna wuu iisii dheeryahay.

Talo kaa maqan asxaabtaada ayee ku jirtaa ayaa hore loo yiri, caqabada iyo dhibka waxaan u bandhigay asxaabtayda inkastoo aan iyaga aan u sheegin sida aan la damacsanahay gabadha, waxaan isla falanqeenay qaabka ugu sahlan waxaana soo baxday talo aad iiga farxisay.

Maxay Noqon doontaa talada? aniga iyo iyada ma heshiin doonaa? maxaan tilaabo ah aan qaadi doonaa? malaga yaabaa in ay isoo wacdo? malaga yaabaa in aan tago gurigeeda? sheekada ma sii xumaan doontaaa? waxaas oo idil waxaad ka bogan doontaa adiga oo la socda Qeybta 4aad waa mid wax kasta kala cadaan doonaan.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 2 comments

August 4, 2011 at 4:22 PM

Asc shekadan waa mid mcquul ah horena waan ula socday waxanse idinka codsana in aad badisaan shekoyinka jaceylka

August 4, 2011 at 4:22 PM

Asc shekadan waa mid mcquul ah horena waan ula socday waxanse idinka codsana in aad badisaan shekoyinka jaceylka

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks