Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 6aad)

Tuesday, August 23, 20112comments

                 Markii aan la soo baxnay biskooladaha ayaa waxaa gadaal ka yimid 2 gaari tikniko ah ciidan hubeesan ay saaranyihiin kuna siijeeda guriga gabadha, gabadhii ayaa garatay gawaaridaa tiknikada, gacanta ayee u haatisay kadibna hore ayaa loo sii qaaday, ciil dartii iyo xanaaq dhuunta ayaa igala go’day waxaan aad ula yaabay nasiibka gabadha iyo markasta sida ay uga badbaado dhagarta aan la damacsanahay, aniga iyo mooryaanta ayaan isku af garanay in aan habeen kale soo laabano kadibna aan fulino hoosha na sugeyso oo ah dilka gabadha.

Habeenkii markii aan guriga ku soo laabtay aniga oo wareersan waxaan madaxa iska saaraa biskooladii aan waatay ciilka ihaayo marna waxaan ku fikiraa in aan is dilo, waxaan bilaabay in aad u fikiro,  waxaan is waydiiyaa sababta markasta qiyaanada ay aniga iigu soo laabato iyo xaajada meesha ay iska qaban la dahay, waxaan go’aan saday in aan iska dhaafo shidada iyo mashaqada, hadii ay qabiilkeyga necebtahay ma aniga ayaa qabiilkeyga dusha wadan saaran karo, dhibka hada isoo gaaray aniga bas ayuu isoo gaaray, waxaan iska dhaadhiciyay waxa aan sameenayo in ay yihiin wax Allah uusan raali ka aheen, dil gabar muslimad ah eysan iga raaceen raganimo, darajo aan ku heleen, dulinimo mooyaane,  waxaan ku dadaalay in aan xakameeyo nolosheyda kana xakameeyo sheydaanka iyo caadifadaha qabiilka, waxaan go’aan saday in aan iska sabro wixii igaaray aanan qof u raacan, inkastoo qaar katirsan qaraabada igu dhiiri galiyaan in aan aarsado jabka iiga yimid dhanka gabadha balse waan ku gacan seeray, waxayna ii arkeen nin doqon ah ama nin cabsaday.

Galab casir ah ayaa waxaa wada kulmay gabadha reerkeeda iyo reekeyga waxaana la go’aan saday in la is cafiyo wiilka iyo gabadha ay is gacan qaadaan, goobtii uu kulanka ka dhacayay ayaan wada imaanay ani ga iyo iyada, qalbi furnaan iyo walaalnimo ayaan u muujiyay in aan waxba cuqdad qaban, ugu dambeentii goobta waxaa isku gacan qaaday aniga iyo gabadhii, waxaana lagu balamay in aan la sameen hada kadib wax dulmi, la noqdo dad waa wayn, galabtaa aniga aad baan uniyad samaa, wayna iga go’need in aan cafiyo, sida markaas iyada ka muuqatay waxay aheed mid dhankeeda nabada ay diyaar katahay, gabadhii ayaa tiri aniga ayaan ku soo wacaya caawa inshaAllah.

Teleefoonada magaalada Muqdisho wixii ka dambeeya 09:30 PM inta badan waxaa adeegsada dhalinyarada siiba kuwa shukaansiga ku jira, habeenkaa telka waxaa ku hadlayay saaxiibkeyga qaaliga Maxamed Casaawiir, isaga ayaa ka qabtay gabadhaa teleefoonka, kadib aniga iyo gabadha is maxabees iyo qosol is dhaafsi ayaan galnay marna is kuma soo qaadin waxyaabihii hore u dhacay, dhoor habeen sida aan isku wici jirnay ayaa habeen  ku hadalka teleefoonka waan ku dheeraanay, marba marka kasii dambeeso waqti badan ayaan isi siinaa dhanka teleefoonka ah, inaga oo wada hadleeno waxay itiri waxaad isoo xasuusisay wiil aan xiriir lahaan jirnay sidaada oo kale ayuu qosol iyo kaftan badnaa mar hadii aan teleefoon ku hadalno waqtiga waan iloobi jirnay, wiilkii oo kale ayaad igu noqotay caawa,  aniga oo isleh u jawaab ayaa aabe qolka igu soo galay maadaama uu codkeygu aad udheeraa, aabe fiilada ayuu ka baxshay madaxa teleefoonka, dariska hakaa jiiftaano ayuu iyiri waa xili dambe, bari subax iskuul ayaad leedahay danahaaga garo ee seexo, gabadhii waxay u qaadatay teleefoonka in aan ku damiyay, way kusoo celisaa wicitaanka balse ma dhaco teleefoonka, tilaabada uu aabe sameeyay habeenkaa waan ka xumaaday aad iyo aad, waa waalid hadal aan laga daba dhihi karin, waa aabe aan dareemin marxalada dhalin yaranimo,  habeenimo ayaan albaabka guriga kabaxay aniga oo raadinaya teleefoon iyo dhalinyaro soo jeedo xiligaas si aan iyada u wargaliyo cilada dhacday, wixii aan guureeyo habeenkii marba aan tago guri dhalinyaro markii dambe waxaan tagay guri wiil aan aad isku naqaanin, waji ka waji bas isku naqaano, ma jecleen tagista gurigiisa balse danta ayaa ibiday, wiilkii aad buu isoo dhawaayay waxaan ka codsaday 10 daqiiqo in uu isiiyo teleefonka, intaa iyo in kabadan ayaad igu leedahay ayuu iyiri, gabadhii ayaan wacay, teleefoonkeeda wuu iska dhacaa , 10 kii daqiiqo wuxuu iiga dhamaaday dhicid bas, marna wiilka ayaan fiiriyaa waayo isagane wuxuu ku jiray shukaansi marna waxaan fiiriyaa teleefoonka iska dhacaya, waxaan go’aansaday hadii 3 mar hada kadib ay qaban waydo in aan u baneeyo wiilka teleefoonka, dhicidii labaad ayee qabatay iyada oo oraneesa maxaa saacaan noo soo wacday  duliyahow waa xili hurdo, waxayna ii maleeneesay in aan ahay qof kale, waan isku sheegay, xanaaq ayee la soo booday, waxaan ku iri in aan teleefoon kale kaa soo waco xiligaan,  anigane in aan dadka ka soo tuug tuugo teleefoon iyo xanaaqaaga ma islahan ee macsalaamo, aboowe macaane ha iga tagin ayee tiri, waxaan ogaaday dumarka qaar markii aad si jillicsan ula hadasho in ay ismacneeyaan, hadii aad cod karnimo kula hadasho in ay la timaado dabacsanaan,  waxayna iga codsatay sababta aan teleefoonka uga damiyay, waan ka xishooday in aan dhaho aabahey ayaa sidaa sameeyay balse waxaan ku iri baalaha ay ku xirantahay fiilada teleefoonka ayaa tuug jaratay, fiilada teleefoonka jidka ayee dhex daadsantahay,  xaafada dhan waa wada teleefoon la aan,  tuuga hadii uu ogaan lahaa in aan hadalkeena meel macaan inoo maraya fiilada nagama jarteen,

dartaa ayaan usoo aaday xaafad aad iiga fog waana dareemi kartaa in ay tahay xili dambe, waxaan intaan oo dhan u sameenayay in aan ku qanciyo, dan hadii aan kaa laheen rafaadkaan oo idil ma aanan mareen, waxaan filaa in aad iga heesato astaan ah in aan kuu haayo dareen, markii aan sidaa iri waxaan ka dareemayay dabacsanaan iyo naxariis, waxay bilaawday in ay ii mahad noqdo iyo in ay i amaanto, waxayna igu tilmaamtay in aan ahay wiil daacad ah aan la heli karin, waxaan qalbiga iska iri caawa qofta way kuu jil jilic santahay fursad dahabi ah ayaad heesataa ku kasbo, aniga oo ka baqaya in aan kala kulmo daadis ayaan waxaan ku iri aragtidaadii hore ayaa la iga raacay, mana ahan mid caawa bas bilaabaneeso, waa mid mar hore igu beermatay, quruxdaada qalbigeyga harqisay, qalbiga ayaad qadarin kuleedahay, adiga ayaan kuu qorsheeyay in aad milkiso, marba marka ka sii dambeeso waad ii siimacaanaan jirtay, waxyeelada dhankaaga waa mid igu sii balaariya dareenka aan kuu qabo, gabadhii waxay bilaawday qalbi khushuuc iyo hadalo raxmad ku jiro, waxay tiri aboowe hadaladaa dhan dhab miyee kaatahay? Waxaan ku iri waa hadal qalbi dareen harqiyay kayimid, sahal badanaa qalbiga dumarka, uroonaa ereyada raxmada leh, habeenkaa waxaan ka helay guul si fudud ayee igu aamintay,  inkastoo teleefoonka la iga sugayay waxaan ku iri abaayo 02:00 AM ayee sii cagacageenee saacadu,  teleefoonka waa la iga sugayaa goormee isi soo wacanaa, waxay tiri maya wicid ma jirto in aan kulano ayaa jirto, sheekadeenu ka wayn mid teleefoon la isku way daarsado ayee igu tiri, xaafada iigu imaaw ayee tiri aboowe, waan ka baqayaa xaafadooda inkastoo ay nabad dhacday waxaan ku iri waxaan kuwada kulmeenaa Abdalla Nuuradiin Allah u naxareestii meesha uu jalaatada ku iibiyo oo ku taalay Cali Kamiin magaalada Muqdisho, waan isku af garanay balanta.

Habeenkii aniga farxad ayaaba la seexan waayay, hadalada macaan aan ku kasbaday iyada iyo awal rafaadka aan u marayay ayaan la yaabay, waxaan ku fikiray in aan xumeen laakiin aan la jilo jaceyl ilaa aan ka ogaado in ay tahay mid gacanteyda ku jirto, aan noqdo qofka maamula qalbigeeda, furaha qalbigeeda aan jeebka ku rido.

Waxaa la gaaray xiligii balanta, aad baan usoo labistay, waxaan ahaa wiil ay kalsooni ka muuqato, goobta balanta aniga ayaan ku soo hormaray, waxaa dhacday arin ……….. Qeybtii 7aad.

Lasoco sheekada talaaada kasta Qeybta 7aad oo ah mid aad u xiiso badan

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 2 comments

August 25, 2011 at 5:58 AM

Good story shit

August 25, 2011 at 5:58 AM

Good story shit

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks