Gabadhii iyada iyo aniga nataqaanay ayaa soo ogaatay qofka aan ahay waxayna ka soo ogaatay saaxiibteeda waxayna iitimid iyada oo ilin ka socoto, waxayna ku tiri dadka xaafada wiilka ma ahan nin tuug ah, waana asxaabteena, qalad ayaa sidaan ugu gasheen,
Goobtii ayaa Taxi la iiga soo qaaday waxaana la ikeenay mid kamid ah hospitaalada magaalada Muqdisho, waxaan ku jiray hospitaalka 15 maalin,
Alla dumar u xumidaa markaan kuu dadaaloo dahab kuugu deeqay dableey aan damir nixin
inaad soo dirtaayoo ka dalbato in leey dilo waa kuu damiir xumo,
Rafaadkaan maray waa mid jirkeygi wada dimqadaye
Reerkoodi markan tagay waa kuwaa igu wada shamuumaye
Raxan raxantoodii waa kuwaa ila dhacay budadyo waweyne
Ragii ii arxami lahaayna waa anigaa ka soo tagaye
Ruqaansigii waa anigaa leymooday geesi niman ka hiisheene
Rabigey haduu idmana jeerdanbaan gudan gucashadeeydaane
Rafaadkan maray waxa igu jarabay waa doqonti dheereede
Rabbi baana og ani waxan gacashadoo siiyay
Arxan daradeedii waataa goortan u tagay qeyla dhaansataye
Rag maahi oo rugta soomaali kamaan dhalan hadan raxan raxan u weerarine
Rag maahi doqontiyeey reerkaadu iyo adigu hadaan meedkoodu mid mid isku dulsaarine
jirdilkii doraad dhacay waa deyni kuugu maqan
xaqa leeskama dabooloo hadaad doqon u muuday
dantii garad ayaan ahay durba aarsanaaayee
dadka adiga kugu dhaw fariin baan u dirayaa
hadii aad is daba qaban dabaqa aad I saartay
dad dag uugu soo dagin daibin baan dhigaayaa
markaad dalaq tiraahdaan adinkoon digniin qabibin
lafihiinaan dubayaa diihaan jaceyl iyo daacad nimo ilaabaye
diidmadaada aawgeed adna waan ku dilayaa
Intaa markii aan tiriyay guduha ispitalka waan ku jiri waayay ciil iyo caro darteed, waan soo dhuuntay xiligii la iigu talagalay in aan hospitalka ku jiro ma aanan sugan, waxaan aaday goob aan ku ogaa ciidamo aan ehlnay,
Doqoan baa walaalkii ku eegta dilka
Damiir nin leh uma dulqaata silacaan igu yaale
Dadnimo ayaan idiin soo jirsaday ii garaaba
Daqarada igu yaalo waxaa ii geestay waa nin asaagiina oo hubeesan
Duulaan baan idinka doonaya iyo inaad wax dishaane
Dood dheer kadib aniga iyo ciidanka waxaa la ii soo jeediyay in la dilo gabadha habeen madow aan weerar la qaadin, iyada bas la mashimo, waxaan ku iri waan uqabaa dilka iyada, ciilka inkastoo uusan iwada dayneen laakiin mudo wuu ii noqon karaa sabar.
Intii uusan dilka dhicin cida gabadha waxay ahayeen kuwa ku jiro baqtin iyo cabsi waa kuwa markasta fishta dagaal, waxayna go’aan sadeen in ay soo dirsadaan ergo kala dhexgala ama waan waan la xaliyo wixii lakala tabanaayo.
Aniga iyo mooryaanta kuma qanacsaneen waawaanta iyo nabadda, waxaan aheen kuwa wata qorshahoodii qarsoonaa, waxaan dagnay shaxdii lagu dili lahaa, waxaan isku hubeenay biskoolada, habeenkii oo idil waxaan aheen kuwa meer meereesta jidka hormara gurigooda, nasiib wanaag waxaan aragnay iyadii oo ka soo baxeysa dukaan gurigooda u dhow, qofkasta oo inaga mid ah biskooladaha ayuu la soo baxay, waxaana naga wada go’an in aan dilno.
Isbadal ma igu dhalan doonaan? Ma noqon doonaa mid ku adkeesta dil? Xaalada sidee noqon doontaa? Wax yeelo ilaa heerkee ah ayaa soo gaari doono? Ma nooqn doonaa in ku qanco dilkeeda masa waxaan ahay qof aan qancin? Dilka miyuu naga fashilmi doonaa? Waxaas oo idil waxaad ka bogon doontaa adiga oo isha ku haya markasta Qeybta 6aad iyo talaada kasta InshaAllah.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
+ comments + 2 comments
Masha allah walal noo dhaqso wan kusugeynaa
Masha allah walal noo dhaqso wan kusugeynaa
Post a Comment