Astaamaha lagu garto gabadha wahsida badan

Tuesday, August 30, 20110 comments

            Wahsida waa cudur qofka ka reeba wax yaabo badan oo wax tar uleh noloshiisa, dadka wahsida badan ayaa ah kuwa inta badan aan waxba qabsan, inta badan dadka wahsida badan ayaa afka go'aama ka gaara kadibna aan ku dhaqaaqin wax ficil ah, hadaba maanta waxaan idiin wadnaa astaamaha lagu garto gabdhaha wahsida badan

1. Kuma dadaasho nadaafada timaha

astaanta  1aad ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsileey ama gabar caajis badan waa gabadha ka wahsata nadiifinta timaheeda, markasta waxaa isku dhex daadsan timiheeda, marmarka qaar way isku dhagaan nadaafad la'aan ah, gabdhahaan ayaan ku baraarugsaneen in ragga wax yaabaha soo jiita ay tahay bilicsanaanta timiha gabdhaha, waana mid kamid ah wax yaabaha ay ragga ku qiimeeyaan quruxda dumarka.

2. Badanaa waa mid kulabisan hal dhar

Astaanta 2aad ayaa ah ee lagu garto gabadha in ay tahay wahsileey iyada oo aan iska badalin dharka waa mid markasta kulabisin inkabadan isbuuc, marna isku ma taxluujiso in ay xirato dharkale, badanaa marmarsiyo waxay ka dhigtaa dharka ay gashantahay in ay xiiso uqabto uu ugu baxo, hadii uusan jirin dhaqaalo xumo, gabadha waxaa la gudboon in ay ahaato mid marba dhar nadaafad ka muuqdo xirato, nadaafada qofka waa mid sare u qaata caafimadka jirka qofka.

3. Guriga ay ku nooshahay oo ah mid isku dhex yaacan

Astaanta 3aad ee lagu garto gabadha ayaa ah in guriga ay ku nooshahay uu yahay mid isku dhex daadsan, dharka meel kasta ku daadsanyahay, qashinka guriga dhex yaalo, sariiraha guriga aan aheen kuwa markasta fareesha ama la goglay, hadaba hadii aad tagto guri sidaa ah waxaad isla markii kuu sawir maya gabdhaha kunool gurigaas in ay yihiin kuwa wahsi badan xitaa la dhahao qoyska ay ka soo jeedo maadaama isha  guriga ay qurxin waayeen

4. Wajigeeda oo ah mid aan ifin

Wajiga markasta waxaa kasaaran jactat, marna kuma soo jiidanaaayo, wajigeeda iyo jirkeeda waa qaleel ama qarfad, ma isku taxluujino in ay isbadal ku sameeso muuqaalkeeda, wajiga waa muraayada 1aad ee laga daalacdo qofka dumarka ah, gabadha caajiska badan waa mid lagu garto astaamahaas aan soo xusnay.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

 
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks