Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 4aad)

Tuesday, August 9, 201110comments

             Taladii ayaa noqotay in aan iibiyo hadiyad kadibna aan u hadiyeeyo iyada, hadiyada qofka bini aadamka ah saaxiib ayee kaala dhigtaa marna cuqdada iyo xumaanta way kasaartaa, sidoo kalane Soomaalida ayaa dhahdo af wax lasii xishoo, inkastoo aan heesan dhaqaale sidaa ubuuran, hadane asxaabtayda ayaa isku soo dardaray lacagta aan ku iibinayo faraantiga,  asxaabtayda ayaa lacagta u bixiyay sidaan ku heli lahaa iyada, asxaabtayda ayaa iska dhaadhiciyay in aan jeclahay iyada, waxay ii muujiyaan in ay garab taaganyihiin, waxkasta igu soo kordha igu caawin doonaan, waxayna ku dadaalayaan in aan waynin mar uun gacanta ku dhigo, laakiin shakhsiyan qalbigeyga wax jaceyl ama raxmada jaceylka midna ma soo galin.

Waxaan isku raacnay suuqa Bakaaraha qeybta lagu iibiyo dahabka, inkastoo aan nahay wiilal aan waxba ka aqoonin dahabka, hadane waxaan soo iibinayay faraantiga ugu qaalisan ee yaalay xiligaas suuqa dahablaha.

Habeenimo ayaan aaday xaafada gabadha, aniga oo layaaban sababta aan usiinayo dahabkaan qaaliga, waxaan qalbiga iska dhahaa waa wax iyada ka go’an,  mar ayaan go’aan sadaa ha siin, marna waxaan is dhahaa waa furihii lagu soo xero galin lahaa waa shabaq malaay loo dhigay in ay ku soo dhacdo aan rajeynayo.

Waxaan gaaray xaafada ay iyada dagneed, mid kamid gabdhaha guriga ay dagantahay ku nool ayaan waydiiyay halka ay ku sugantahay waxayna ii sheektay in ay ku jirto shukaansi oo lala joogo oo ay caawa mashquultahay, madaxa ayaa laba ikala noqday, mana cada xiliga ay kala tagayaan, waxaan go’aan saday in aan internet meesha ka dhawaa aan ku dilo waqtiga 2 saac, kadib aan iyada usoo laabto, goobta internetka ayaan uga soo tagay faraantiga, faraantiga ayaa iigu duubnaa safaleetiga dhididka la iskaaga tiro, waxaan ka baqay hadii aan farta galiyo in aan la kulmo tuugo la iga isbaareesto, darafka safaleetiga dhididka ayaan ku xiray, wax yar kadib waxaan iska dhigayay qof dhididay kadibna wajiga ayaan ku masaxanayay si tuugada iiga shakin, markii aan kaga soo tagayay faraantiga kama war heeyn, aniga oo fara maran ayaan imiday gurigii ay dagneed, waxaana la igu war galiyay in ay seexatay oo huruday oo aan laga kicin karin.

Waxaan usoo orday dhanka iyo  internetka si aan uga gaaro faraantiga laakiin dadaalkeyga ma noqon mid aan kaga soo gaaro faraantiga, waxaa hore u qaatay qofkii iga dambeeyay internetka sidan aan maleeyay, milkiilaha internetka ayaan u sheegay in aan ku iloobay halkaan safaleeti, wuxuuna igu war galiyay in uusan ka warheen qofka fadhiistay computerka aan aniga ka kacay, waxaan u sheegay in safaleetiga uu iigu xirnaa faraanti dahab ah hadii uu jiro qof Allah ka cabsanayo uu iska soo celsho  iyo in uu iga soo waco telkeyga oo aan u qoray.

Ilaah xaasid marnaba ma garab istaago, mana caawiyo qof ku fikiraya in wuu wax yeeleeyo qof kale, tilaabo kasta aan qaado waxay noqotaa mid fashil ku dhamaato, sheydaankuna waa mid markasta kuugu riixa cuqdada iyo xumaanta, waxaan ku soo laabtay gurigeyga xili laba arin ay i qabsatay oo ah mid in aan lumiyo faraantigii iyo mid ah qofkii aaan rabay in aan marna la soo kulmin.

Xili dadka wada hurdayaan ayaa imiday qolkeyga ayaan tartiib ugalay aniga oo layaaban waxa I helay, asxaabtayda maku dhihi karo ciladaas ayaa heshay, waxaa noqday qof qeeru mas’uul ah,  habeenkii ciil ayaan la hurdi waayay, waxaan dareemaa huur iyo kuleel aan jirin, marna qolka ayaan banaanka uga soo baxaa marna waan isla hadlaa.

Waaga markii uu baryay ayee asxaabtii igu soo kalaheen iyaga oo doonaya in ogaadaan aniga iyo gabadha waxa nakala qabsaday, waji murugo leh ayaan la soo baxay, hadalka ma dhameestiri karo ciil ayuu dhuunta ii gala go’ay, ugu dambeen waxaan u sheegay sida wax u dhaceen, canaan iyo qeelo iyo aamin daro ayee bilaabeen asxaabtayda waxayna dhaheen wax kasta way dhacaan wixii dhici lahaa way dhacayaan cid hor istaagi karto malahan, waxayna igu dhiiri galiyeen in aan quusan oo la raadiyo xal kale.

Aniga oo murugsan ayaa waxaa isoo wacay ninkii lahaa goobta internetka aan uga soo tagay faraantiga, wuxuuna ii sheegay in la helay alaabtaada la helay saakay markii la nadiifinayay goobta, aad baan u farxay, waxaan wacay asxaabtayda waxaan iri waa la helay faraantigii, waxayna ifareen in aan ka soo qaado kadibna aan u geeyo gabadhii.

Gabadhii ayaan utagay aniga oo sida faraantigii dahabka, waxayna hadal iiga bilaawday ma dil ayaad soo doonatay, malak ayaa ku wado ayaan filaa, waxayna i dhahday waxaa tahay qof malak wado,  aniga oo gariiraya wadnahayga is garaacaya ayaan ku iri ma jiro qof dhimasho doonayo balse waxaan kuugu imiday in aan qirto qaladkeyga kuna raali galiyo, bini aadamka wuu is qabtaa kadibne wuu hisheeyaa, waxaan kuugu imiday cafis, kadibne waxaan taagay faraantigii aan ku iri waa hadiyad aan adiga kuugu talaglay, way iga gudoontay waxayna tiri ma ihi gabar lagu kasbado faraanti dahab ah waadna mahadsantahay, intii ay goori goortahay iskaaga carar, hadalka gabadha ayaa ii cuntami waayay iyo abaal la aanteeda waxaan maagay ka soo cesho waan ka fara maroojiyay kadibna waxay bilaawayday qeylo, waxaa isku soo baxay ciidankii gurigooda kunoolaa iyo dadka xaafada oo la yaaban qaylada gabdha, waxaanla la igu qabtay qoray.

Meesha maxaa ka dhici doono? mala i dili doonaa? mala i wax yeeleen doonaa? miyaan dib usoo ceshan doonaa faraantigii? habeenkaa waa sidee xaalkeyga? mala iga dhigi doonaa nin gabadha xoogayay? yaa ii gurman doono? ciidanka kunool gabadha gurigeeda waa kuwa sidee ah? gabadha waxaan isku qabsanay maka run sheegi doontaa? miyaa eed la ii qabsanaa? miyaan ka quusan doonaa gabadha? la soco qeybta 5aad Talaada kasta InshaAllah.


La soco Qeybtii 5aad oo wadata dhacdooyin murugo leh ha moogaan maalinkasta oo talaada ah waa sheeko taxana ah


W/Q: Daalac Daahir Shoot

My Facebook : https://www.facebook.com/daalac9


 

 
Share this article :

+ comments + 10 comments

Laki
August 9, 2011 at 6:41 AM

Wiilkaan qalad ayuu sameeyay waayo haduu qofka cuqdad kaqabo qabiilkaga wa inad u caqli celisaa oo aadan god u qodin

Laki
August 9, 2011 at 6:41 AM

Wiilkaan qalad ayuu sameeyay waayo haduu qofka cuqdad kaqabo qabiilkaga wa inad u caqli celisaa oo aadan god u qodin

August 10, 2011 at 6:05 AM

sheekadada aad ayay u xiisa badan tahay qofkasta oo bini adam ah qalad wuu galaa lkn waxaa muhiin ah in uu ka soo laabto qaladkana la xaso maxaa yeelay lama saxi karaayo hadii la garaneen qalad waxuu yahay .......

August 10, 2011 at 6:05 AM

sheekadada aad ayay u xiisa badan tahay qofkasta oo bini adam ah qalad wuu galaa lkn waxaa muhiin ah in uu ka soo laabto qaladkana la xaso maxaa yeelay lama saxi karaayo hadii la garaneen qalad waxuu yahay .......

August 10, 2011 at 10:43 AM

nooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooo! saan xaq mahan ani waan ooyay waayo sheekada meel fcn ay ku dhamatay iiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii saan xaq maahan....

August 10, 2011 at 10:43 AM

nooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooo! saan xaq mahan ani waan ooyay waayo sheekada meel fcn ay ku dhamatay iiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii saan xaq maahan....

August 10, 2011 at 11:59 PM

waan sugu la nahay natijada

August 10, 2011 at 11:59 PM

waan sugu la nahay natijada

shaafici
August 15, 2011 at 9:52 AM

runtii umaleenmayo inuu jiro qof kasamarbadan ruuxxaan sababtoo ah wuxuu udulqatay wax an loodulqaadankarin sida si lamid ah aniga haddan ahan lahaa ruuxan oo kale mar hore ayanba xanaqi lahaa

shaafici
August 15, 2011 at 9:52 AM

runtii umaleenmayo inuu jiro qof kasamarbadan ruuxxaan sababtoo ah wuxuu udulqatay wax an loodulqaadankarin sida si lamid ah aniga haddan ahan lahaa ruuxan oo kale mar hore ayanba xanaqi lahaa

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks