Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 9aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Sunday, August 14, 20111comments

                      ouw, ma idinka ayaa ku jira qolka fadhiga ayee hooyo si dagan oo xasilooni iyo xushmad ku jirto u dhahday, haa hooyo waa aniga iyo mid kamid asxaabtayda wanaagsan waaye ayaan ku dhahay,hooyo madaxa ayee lux luxday ninka kula fadhiya magaciis ayee dhahday, intii aan aniga jawaabin oo aan rabay in aan hooyo magac been ah u sheego isaga ayaa la soo booday hooyo waxaa la i dhahaa habel, isla markii hooyo waxay ogaatay in ninkaan uu yahay ninkii hada ka hor Ahlam u sheegtay magaciisa, uuna yahay ninkaan kii aan aniga xiriirka lalahaa

hooyo waxay dhahday markii aad sheekada idiin idlaato waxaan doonaya in aan lakulmo wiilka kula fadhiyo, hal mar ayaan si wada jir ah waxaan u dhahnay maya maya hooyo wax gaar kama hadleen, dad mudo badan is arag ayaan nahay, mhmhh ma sidaa baaa hadii ay sidaas tahay Sahra hooyo macaan qolkaaga gal wiilka ayaan la hadlayaa ayee dhahday, banaanka ayaan usoo baxay, waxaan iska dhigay gabar qolkeeda gashay, irida qolkayga ayaan si fiican iskuugu dhuftay si ay umaqasho qawda albaabaha una maleeso hooyo gabar qolkeeda gashay, tartiib ayaan usoo baxay, dacas iyo kobo waan iska soo dhigay, waxaan diidayaa qajaf yar in la maqlo ama shanqar, waxaan isku soo aadiyay albaabka qolka fadhiga, waxaan dhageesanayay hadalka gacaliyaheyga iyo hooyo dhax maraya, inkastoo codkooda iga yara fogaa hadane waan maqlayay inta badan waxay ka wada hadlayaan,

gacaliyahayga waxaa laga codsaday in uu amaan siiyo Sahra, gabadhayda aad aye u yartahay mana la doonayo in ay xiriir qof la sameyso, waa inan yar aan si buuxda uqaan gaarin, gabadhayda waxbarasho ayee ku jirtaa qalbigeeda ma wada galo waxbarasho iyo xiriir, fadlan ma ii amaan sii kartaa inan tayda ayaa lagu dhahay, si geesinimo iyo cod karnimo ku jirto ayuu u dhahay Sahra waa dooqayga inta dumur aan arkay, waa midii aan ka dhax doortay hablaha iminka jira, gabadhaada lama doonayo in aan been ama waqti kalumiyo, waad ii jeedaa in aan ahay nin oday ah, hadafakayguna wuu cadyahay sidii caadka oo kale, igamana suurtowdo in aan gabadhaada aan ula dhaqmo sidii qof dhalin yaro oo kale, in ay waxbarato waa wax aan doonayo waan ku sii dhiiri galinayaa,

markii uu intaa dhahay waxaa ii cadaadtay in uu ii haayo dareen aad uwayn, mar hadiiba hooyadayda horteeda uu kacadeeyay dareenkiisa, waxaan ogaaday in dareenka kaligay igu aheen oo la ila wadaago.

Aniga oo sii dhuuxaya warka ay is dhaafsanayaan dhagtana u taagaya hadalada la is waydaar sanayo ayaa waxaa i arkay mid kamid ah wiilasha aniga ila dhashtay, wuxuu iyiri maxaa halkaan ku istaajiyay, gacanta ayaan ka qabtay waan la yara durqay si dhawaqeena loo maqlin, waxaan ku iri waa hooyo iyo nin dariska ah oo wada hadlaya, intii aan madadaalinayay walaalkeyga codka hooyo iyo gacaliyahayga ayaa aad usii dheeraaday wuxuu noqday cod lawada maqla kadib markii wax yaabaha qaar isku fahmi waayeen, walaalkeyga wuxuu yiri ninka dariska ah sidaan hooyo ula hadlaya waa maxay, amuu hooyo u gacan qaadaa amuu maamada wax yeelayaa, hal mar ayuu ikala tuuray wuuna iga fara baxsaday sidii ayuu qolka fadhiga ku galay, walaalkeyga waxba ma uusan dhageesan waxna ma uusan hubsan, hooyadey adiga camal sidaan ma ula hadli kartid ayuu hadal kabilaabay, waxaa dheeraatay doodii waxaa wada maqlay wiilasha, qolka fadhiga ayaa la iskuugu wada soo aruuray, mid kamid ah wiilasha ila dhashtay aad buu udul qaad yaraa ushii ay hooyo wadatay ayuu daf ka dhahay kadib gacaliyahayga ayuu ku dhuftay

aniga waan xanaaqay walaal keyga ayaan duudka ama dhabarka feer uga garaacay aniga oo ka xun ficilka uu ku sameeyay qaaliga noloshayda, gacaliyahayga wax ficil ah ma sameen wuxuu ahaa nin si dagan uhadla, wax yaabaha qaar u dhabar adeega, wuxuu ahaa nin caradiisa ama xanaaqiisa ceshan kara ilaa xad, markii xaalada sii cuslaatay la is mari la yahay, aniga waan iska ooyay, dadka isoo booqday saan maxaa loogu gulaa, maxaa la ii ceebeenaa ayaan dhahay, qolka ayaa la iga saaray, wiilasha dharbaaxsho iyo haraanti ayee igu dhufteen kadib qolkayga ayee igu dul xireen, waxaan bilaabay in aan albaabka haraanti ku garaaco ilaa markii dambe ciji dhaawac iga soo gaaro kadib dhiig iga imaado.

Gacaliyahayga wuxuu ku yiri reerkayga gabadhiina waan idiin dhaafay, amaan ayaan siiyay, xitaa dib dambe ma ula kulmi doono, idinkane waxaan idinka codsan lahaa gabadha in aad si fiican ula dhaqantaan aad ka deysaan dilka, isaga oo caro iyo xanaaq ayuu albaabka ka baxay.

Wiilasha ayaa qolka iigu soo galeen naayaa nin islaameed ayaad naga dooranee anaga walaalaha ah nagama naxeesid nin dadow ayaad ka naxee, naag kulama dhalan markii ayee dhahayaan Soomaalida waa tan oo kale ayee si kulul igu dhaheen, habeenkii waxaan la hurdi waayay xanaaq iyo xanuun dhanka cijida ah, indhaha iskuma geen habeenkaa,waxaan ahaa gabar madluusan oo loo awood sheegtay, subixii anigane ma aanan galin jikada xanaaq dartiisa quraac uma sameeen wiilasha, subaxaas xitaa ma aan hagaajin qololka wiilasha, hadalka xitaa waan ka goostay lama hadli jirin inta aan ka aheen maamada, waxaan ka walwal sanaa hadalkii gacacliyaheyga oo ahaa "gabadhiina amaan ayaan idiin siiyay", waa hadal aad uga tan wayn maskaxdayda, wuxuu ahaa hadal ay maskaxdayda xamili wayday, wuxuu ahaa mid ku soo laalaabta maskaxdayda, xanuunka uu iilahaa hadalkaas waa mid igaarsiiyay in aan cuntada aan karinayo maalmihii dambe aan isku dhax yaaciyo, aan sameeyo cunto aan dhadhan laheen, dabka aan ku hilmaamo waxa aan karinaayo, waxaa noqday gabar ka caajisan qubeeska iyo nadaafada, noloshayda waxay noqotay mid isku dhax yaacsan, waxaan isku heestaa gabar cadiban, gumeesi ku jirto, una baahan xirnimo.

23 maalin kadib dhacdadaa, waxaan si dhuumaaleesi ah ku tagay xafiiska gacaliyahayga

Ma i soo dhaween doonaa? Dhab miyee katahay hadalkii ahaa gabadhiina amaan ayaan siiyay? Malaga yabaa in xiriirkeena uu noqdo mid dhuumaaleesi ah? Ma noqon doonaa mid mugdi soo gala? Raali galinta aan uwado ma noqon doontaa mid uu ku qanco? Ma dhihi doonaa gabar reer fiican ka soo jeedo matihid? ciqaab see ah ayaa lakulmi doonaa markii aan dhuuntay? Waxaas idil waxaad ka bogon doontaa adiga oo isha ku haya markasta Qeyta 10aad. la soco Axad kasta inshaAllah


W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 1 comments

October 23, 2011 at 7:01 AM

Woh I like your content , saved to fav! . shared hosting | cpanel hosting |

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks