Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 10aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Sunday, August 21, 20110 comments

Markii aan xafiiskiisa si dhuumaaleesi ah ku tagay,  gudaha xafiiska meel loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo dadka martida ah waxaa wada fadhiyay gacaliyeheyga qof dumar ah aan ku qiyaasay xiligaas dhoor iyo sodon jir ah (30+),

hal mar ayee iga luntay farxadii, qalbiga ayaa i ololay sidii naar oo kale, wajigayga waxaa soo fuuley guduud aan hore iskuugu arki jirin, waan jeclahay kama soo tagi karo, waan maseer sanahay gacaliyahayga ayaa naag la fadhido, mid asiga gacan yare u ah ayaan ku iri imisa daqiiqo ayee isla wada joogeen labadaan qof, wuxuu igu yiri in kabadan 3 saac ayee wada shakeesanayaan, wadnaha ayaa iga riiray, neefta ayaa igu dhagday,dareenkayga wuu sii laba kacleeyay, hadalka ayaa iga  noqday mid aan sifiican ugu dhawaaqi waayo, waxaan ku iri gacan yarihiisa waan baxayaa waqti badan ma heesto u sheeg in ay Sahra utimid, aniga oo xanaaqsan oo wareersan ayaan ka soo baxay xafiiskiisa.



aniga oo doonayo in aan Taxi raaco, waxaa iga daba yimid yarkii asiga gacan yaraha u ahaa wuxuu igu dhahay soo laabo isaga ayaa ikaa soo diray ku doonayo, qalbiga ayaan waxaan iska dhahay talow hadii aad is xanaajiso cid kula og malahan xanaaqaaga Soomaali waxay dhahdaa  “gafuur cawa taag nin kiisa lee dhib ku qabo”,

waan soo raacay yarkii, xafiiskii ayaan wada imaanay, wali gudaha gacaliyahayga iyo naagtii ayaa ku wada jiro, Sahra gudaha usoo gal ayuu igu dhahay, gudaha ayaan galay waan wada salaamay labadooda, kadib fadhi banaan ayee gacanta iigu fiiqeen oo in aan ku fadhiisto ah, fadhigii kuma fadhiisan waxaan la cariirsaday booska uu fadhiyay gacaliyahayga si naagta aan iskaaga bursho, eedo gacaliyahayga ayaan la cariirsaday ayaan ku iri booska dhib ha u arkin, waxaan sugayaa jawaab soo celinteeda qaabka uu yahay,

 naagtii waxay dhahday MaashaAllah dumaashi ayaa ii tahay markaas, hadalkii waxaa naga soo kala dhax galay gacaliyahayga wuxuu dhahay aan iskiin baro, Sahra iska baro waa walaashyada iga wayn (curadka rerkayaga) waa Somali Kenya Mombasa ayee dagantahay iyada iyo caruurteeda, halkaan waxay utimiday hooyo oo indhaha looo fiiqayo ayee la socotay, maantane waxaan soo barayay xafiiskayaga halka uu Dubai uga yaalo, walaashiisa ayuu ku dhahay iska baro inantaan hadii Allah calaf na iskuugu keen tala galo waa mida aan raabo in aan guursado, walaashiis ayaa ku tiri gabar  qurxoon aad u yar ayaad heshay waxay kula kaftan asiga gabar madowgaaga dhaqeeso ayaad heshay ubad qurxoon baad kali heli doontaan, waxay dhahday waan idin ka sii tagayaa waxaad umuuqataan dad balan lahaa, dumaashi goormee aan ku marti qaadaa aan sifiicn isku baranaa mar hadii aan Kenya kulaabto way adagtahay sida aan Dubai ugu soo laabto, waxaan ku iri aniga ayaa dib kaaga soo sheegi doono, waan joogaa maalmaahan ayee igu dhahday xiliga aad doonta iigu soo far fariin xaajigaaga.



Waxaa meesha ku soo wada haray ani iyo asiga bas, gacaliso kawaran reerkii ayuu igu dhahay? Dhibka aan ku qabo culeeska iyo cadaadiska isaaran ayaaan ugu sheekeeyay, waxaan ku iri hadalkii aad habeenkii reerkeena aad ka hor dhahday dhab miyuu kaa ahaa? Maya gacaliso dhab ma iga aheen wuxuu ahaa hadal mar uun guriga sida aan uga soo bixi lahaa, waxaan kabaqayay in meesha dagaal ingu dhexmaro, aniguna waxaan ilaal sanayay magacayga waa ceeb aniga oo Dubai la iga wada yaqaano in aan dagaal galo, Sahra macaanto waan ku jeclahay,  waan hubaa in aad wadnaha iiga taalo, ragga waan ka nasiib badnaan lahaa mar hadii aan ku calfan lahaaa, waxaan kabaqayaa in niman kale ay iga kaa bartaan,

waxaan ku iri sida aan malaysanayay ma dhicin, waxaan islahaa nin kuu caraysan ayaad lakulmi doontaa, laakiin su’aal ayaan qabaa ayaan ku iri isaga sababta aad markasta markii aan dhib ku jiro aad iigula soo xariiri  waydaa oo aad iigaga gaabsataa waa maxay? Wuxuu igu yiri uu igu qanciyay hadii aan aniga kula soo xariiro ku soo raadiyo waxaa kuugu sii kor dhaya dilka iyo cadaadiska, hadii ay reerkaaga i waayaan waxaa laga yabaa in aad noqoto gabar ninkii kala hareen oo reerka sidaas isku kala dhigaan, aniga waxaan sugaayay reerka oo kaa qaadaan culeyska, maalin kasta waan ku fikiraa qaabka aan kuula kulmi lahaa, waad ogtahay in ay hooyo ku jirto hospital, maalinkiina aan shaqada ku jiro anigaba culees ayaa iisaaran, waan ku faraxsanahay in aan ku arko waxay itusineesaa in aad daacad iitahay, waa igu balan anigane qalbigayga in aan ufurin qof dumar ah, adiga ayaa ileh, adiga ayaan kuu noolahay gacaliso.



Maqribkii ayaa lagaaray gabalka wuu sii dhacay, waxaan ku iri hada maxaan sameenaa gurigayga ma imaan kartid, waxaan kuwada balanay in aan badino kulumada dhuumaaleesiga ah oo aan kubalano meelo aan cayimanay inaga, somalida aysan kuu badneen goobahaas aan isku balan sanay, markii uu hadalka noo dhamaaday waxaan ka raali galiyay qaladaadkii reerkayga  ugeesteen isaga, si qalbi furnaan ah ayuu iiga gudoomay , waxaan ka codsaday in uu meel cidlaha iiga tagin aniga aan unoqdo gabar meeshii laga rabay kasoo baxda.



Waxaan dhahay waan baxayaa cisha inta la adimin waa in aan ka gaaraa xaafada, wuxuu igu dhahay waa in aan isla wada qaadanaa  casho sharaf aan tagnaa meel inta ah, waan ka diiday,  wuxuu igu dhahay laba joorba ma ahaan doontid gabar lacafiyo hadal wuu kusugaa ama canaan mid ay noqoto, marka aan kawada faa'iideesano fursadaan aan heesano caawa, taladii ayaa ila qumanaatay, mid idhiiri galisa in aan raaco ayee noqotay, naf markii aad jeceshahay waxba kama diidi kartid naxariis oo idil qofka aad jeceshahay ayaad u heesaaa, dhadhanka nolosha waa jeceyl.



Waan iswada soo raacnay meel wuxuu ikeenay lagu iibiyo teleefoonada, wuxuu iigaday teleefoon wuxuu igu dhahay telkaan qarso, cid ha iska tusin maadaama kii aa adiga laheed lagaa qaaday, kan ayaan kawada xariiri doonaa, wixii lacag aniga ayaa kuugu soo shubi doono teleefoonka, kadib waxaan soo wada marnay KFC waxaan soo wada qaadanay casho, ma aan heesin waqti aan kula qaato gacaliyahayga cashadaas, waan jeclaa in aan mar uu afkiisa aan galiyo cunta aan ku soo qaaday gacantayda,



waxaa igu taagnaa ootin(walwal) ah maxaa kala kulmi doontaa reerka, habeenkaa wuxuu ii ahaa habeenada iigu farxada badan noloshayda inkastoo ay jiraaan habeeno ka farxad badan, markii aad isla wada socotaan qof uu qalbigaaga ku qanacsanyahay waxaad dareemaa farxad iyo reerreen.

taxi ayaan soo raacay, gudaha taxi ga ayaan ku dhax cunay cashada, waxaan imid gurigii, saacadu waa 20:47 (08:49 PM), maamada wali ma seexan sida caadada u ah waxay sexan jirtay 8 PM, wiilasha dhan waa la iwada sugaa, waxaa lawada dhoorayaa imaanshahayga,  waxaan ka baqay in telka la igu arko, USB cable ka uu watay telka ayaan waxaan sameeyay waxaan tuuray baakadihii uu ku jiray telka kadib cajirkayga ayaan kula dul xiray USB cable ka si kasta hadii la iitimo uusan iiga soo dhicin,



markii aan gudaha soo galay mid walaakeyga suun surwaalkiisa kala soo baxay markaas intuu iikala taagsaday sifiican iigu dhuftay, dhanka hooyada ayaan u cararay hooyo ayaan isku duubay,



gabadha aniga in sidaas la iiga dilo raali kama ihi, jirka aad garaaceesaan waa jir bini aadam, dil wax ma toosiyo, wixii dil ah aniga waan ka soo horjeedaa gabadhayda in aan dhib u horeesedno ma doonayo ayee dhahday, Sahra gudaha gal soo dhar badlo kadib miiska cashada na isku keen ayee i dhahday hooyo.

Maxay i dhihi doontaa hooyo? goobta cashada markale dil mala iigu geesan doonaa? ma qiran doonaa halka aan ku maqnaa? malaga yaabaa in la ii ogolaado in aan la socon karo gacaliyahayga? reerkayga ma iga codsan doonan in aan la kulmaan gacaliyahayga? ma igu jiraa qorshe baxsasho ah? malaga yaabaa in aan qudbasiro lagalo? waxaas oo idil waxaad kaga bogan doontaa adiga oo isha ku haayo Qeebta 11aad.

La soco qeybta 11aad  Maalinkasta oo Axad ah

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks