Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 7aad)

Monday, August 29, 20112comments

                               Markii aan imaaday goobtii balanta,  intii aan sugayay gabadhii waxaan kula kulmay gabar iyadana xaafada ila daganeyd sida ay ii sheegtayna goobta in uu ku balamiyay wiil ay saaxiibo yihiin iyada, maadama iyada laga maqan yahay anigana la iga maqan yahay waxaan aheyn laba waqtig isla dila oo ku sugta qof kasta qofkii uu sugayay, mudo kudhaw saacad markii aan waqtiga isla dilnay ayey gabadhii xaafada isla gadneen igu tiri saaxiiboow aniga waala ii gooyay waan iska laabanayaa ee qoftaada iska sugo,  waxaan sugayay qoftayda mudo kabadan laba saac, waxaan iska hor fadhiyay goobtii balanta, gabar kasta oo labisan oo dhankeyga usoo socoto iyada ayaan u maleeyaa, xitaa mida gaariga kasoo degata waan u istaagaa sidii aan usoo dhawayn lahaa,  goobta ay balanta ka dhaceesay waa goob ay isku balan sadaan lamaanayaasha, waa dhif iyo qaliil in aad ku aragto qof kaligii iska socdo, dadka aad bay iila yaabanaayeen sababta aan kali u ahay maadaama meesha looga baran qof kaligii ah, wiil kasta wuxuu bilaabay in uu i kuur kuuro kadibna gabadha uu la socday gacanta ka qabsado ama uu garabka gacanta ka saaro, waayo waxaa badatay in aan aad u fiiriyo gabar kasta, gabadhii aan balan saneen way ii gooysay,  teleefoonka guriga ayaan wacaa waxaa la igu yiraahdaa way maqantahay, waxaan is dhahaa goobta haka tagin maadaama ay maqantahay yaa og in ay dhankaaga soo jirto, magaalada cidlo ayee sii noqonaysaa, dadkii ayaa ka hayaameen wadooyinka, aniga bas ayaa ku soo haray goobta, ma quusan ilaa ay dadka wadooyinka maraya iyo gawaarida magaalada socdaan ay ka yaraadaan, habeenkii aad baan u xanaaqay balan la’aanta gabadha, waxaan ka wareeray jidka aan u soo aadi lahaa xaafadayda, waxaan raacay bas ku sii jeeda Suuqa Xoolaha ee dagmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho, kama war haayo baska aan saaranahay, waxaan ka warhelay kirishbooyga gaariga dhahaya Carafaad Carafaad soo dhaadhaca, xitaa markii aan ka dagtay baska ma aan dareemin meesha aan joogo, aad baan u wareeray, goor dambe ayaan ogaaday meesha aan joogo in aysan aheen xaafadeyda, waxaana la ii sheegay in aan dhex joogo xaafada Carafaad, gawaarida PL ka way istaageen waa xili dambe, waan soo lugeeyay ilaa iyo Buulo Xuubeey uu ku yiilay gurigii aan dagnaa, wadada waa cabsi, wadada Tarabuunka waxaan kula kulmay tuugo, wixii aan watay way iga wada qaadteen, waxba iima reeban, kobihii aan kulabisnaa way iga qaateen, waan caga laeynayaa, waa xili dambe, meelaha qaar mala dhex mari karo, aniga oo wareesan daal iyo baahi iiga cadahay ayaan waxaan soo gaaray saalad subixii aadaanka xaafada Buula Xuubeey, reer keyga ayaa canaan iigu sii diray iyagoo ka xun xiliga aan socdo.

Maalinkaa ma seexan waxaan ahaa qof laada ama darbeeya wax kasta oo i horyaala, mar aan isleeyahay saacaan schoolka way ka timid iyada ayaan wacay, gabadha iyada ka yar ayaa iga qabatay, ma aanan sheegan magaceyga saxda ah, waayo waxaan ka baqay in hadii ay  ogaato magaceyga ma joogto la i dhaho, waa la iigu dhiibay teleefoonka, waxaan bilaabay in aan waydiiyo sababta ay xalay u baaqatay, iyada oo dhoola cadeeneesa hadana jees jees ka muuqda hadaladeeda ayee waxay igu tiri dhoocilaha jidadka lagu balansado ma ihi, gabar akhlaaq leh baan ahay, sharaftayda ayaa ka wayn in aan nin meel usoo istaagto, maxaad ii mooday gabar la iska wacan karo meeshii la raba lagu balan san karo miyaad imooday, qaadir baa qiimo iiyeelay, walaalo nakala daa ha igu soo hungoobin markale  kadibna teleefoonka ayee isi saartay, ku celi markale ayaan maagay teleefoonka ma ii dhacaayo, xanaaq dartiis ayaan teleefoonka guriga dhulka ugu sii daayay, wuu kala jajabay madaxa teleefoonka, waxaan u cararay dhanka iyo sariirta, maalinkii oo idil gacmaha ayaa madaxa ii saarnaa, amakaag ayaan ka soo qaaday gabadha hadaladeeda,  cunto dhan ma cunin maalinkaa, ciil ayaa si xun ii haayo, maalinkaa xitaa suuliga waxaan u maleeyay in uu qolkeyga ku dhex yaalo, meesha ayaan ku saxrooday jaha wareer dartiis, mana dareemo urka saxarada, cadaadiska dhiiga aad ayuu u sara maray,  indhaha ayaa i guduutay ciil iyo caro darted, cuqdad xun ayaa igashay, maalinkaa waxaan isku daldalay kaniiniga hurdada, waxaan hawada ka maqnaa laba maalin waxaan ahaa alaalax aan miir dhan laheen.


Markii uu miirka dib iigu soo noqday ayaan waxaan dareemay waxa i haayo in uu jaceyl yahay, qoftane aan jecleeday, damiirkeyga waan ka been sheegi waayay waxaan qoray warqad, waayo maalin ma jirto hadii ay jirto iyada ayaan ka fikirayaa, warqadii ayaan u dhiibay wiil yar aan adeer u ahay waan u tilmaamay  guriga gabadha ay dagantahay qoraalka warqadii aan qoray ayaa aheed sidataan


From : Naf adiga ku Jecel


Dear, salaan iga hano, sifadeedo tahay jaceyl, salaan qalbi adiga daacad kuu ah ka timid, salaan kadib abaayo macaanto, waxaan ahay naf ku jecel, waxaa tahay qof qalbigeyga dagay, waxaa tahay noloshayda, aad baan kuu jeclahay, marna kaama maarmo, hadii jirkeyga cad cad loo jaro cadkasta waxaa laga dhex helayaa jeceyl, qalbigeyga wuxuu la burqanaa waa jaceyl aan kuu qabo, macaanto waan ku baryaa nolosha ha igu cidleen, wehel ii noqo, aragtidaada laabtayda ayee qaboojisaa, holaca ka baxaya qalbigeyga waxaa sidaa u hurinaya ee naarta ku shidaya waa adiga, waan kuu il daranahay, cunto ma cuno, please wax ila qabo hadii ay bini aadamnimo kuugu dambeeso by naf adiga kuu dhiman rabta.


Wiilkii aan adeerka u ahaa xaafadii ayuu qalday, warqadii aan qoray wuxuu iskaaga dhiibay gabdho meel gariir ku ciyaaraya, gabar ayaa iska sheegatay magaca gabadha, kadib warqadii markii ay aqriyeen, wiilkii ayee aad ugu qosleen, isla markiiba gabdhihii sheegtay magaca ku qoran warqad ayee qalin ku soo qoreen, wiilkii warqadii ayuu iikeenay isaga oo leh adeer gabadhii iyadana jawaab ayee kuu soo dhiibtay, ma aqrin warqada, laba rakco oo salad ah ayaan u dukaday in ilaah warqadaas iiga dhigo mid i farxad galisa, warqadii markii aan furay  waxayna u qorneend sidatan


From: naf ku neceb


To: naf la dhibsaday


Doqon yahow warqadaha iska soo qorta kuma rabo, warqadaha looma qorto naf aan ku rabin, waqtiga ha iska lumin, waraaqadaha ha iska dhameen, calaacalka yuusan kaa dhameen, caruurta lama marin habaabiyo, waan u jeedaa in aad tahay nin waalan, warqada iska qoranaya, ka fiirso ruuxaad warqada u qoreesid jaaaw nacas yahow.


Markii aan aqriyay warqada, wadnaha laba ayuu ikala noqday, wadnaheyga wuxuu bilaabay in uu si xun isku garaaco, waxaa la imoodaa qof tacsi soo gashay,  waxaan iska dhaadhiciyay in ay aad ii nacday gabadha, dhibsashada ay ka mareeso meesha ugu dambeesay, uma maleeyo warqadaan in uu soo qoray qof kale, waxaan iska dhaadhiciyay in ay iyada tahay qofka soo qoray warqada, nasiib xumo ayaa igu habsatay, aniga dhan waxaan noqday shalaay.


Asxaabtayda ayaan u bandhigay arinta i qabsatay, waxaan ku iri  waan ka quustay qoftaas, intii aad isoo gacan qabateen waad ku mahadsantihiin, markii aan sidaa sii dhahayo asxaabtayda dhan waxaa ka muuqatay murugo marka laga reebo hal wiil kaas oo igu dhahay iska soo wareeji qofta hadii aadan wax qabsan karin, aniga iyo wiilkii meeshii ayaan ku dagaalanay, waan ka xoog badnaa, sifiican ayaan u jilciyay, wuxuuna iyiri waa hadii aad gabadhaas quruxda badan hesho nin rag ah maba ihi, habeenkii balanta  aad balan saneedeen waxaan ahaa kii kaa baajiyay gabadhaas, waxaana awood u leeyahay in aan idinkala dilo adiga iyo iyada, waadna arki doontaa qoftaas oo garabkeyga fadhida.


Aniga wiilasha wax kama qarsan jirin waxaan aheen asxaab warka isku sheegata, laakiin gabadha quruxdeeda iyo bilicsanaanteeda iyo hab dhismeedka jirkeeda markii aad aragto qof kasta xitaa wuu iloobayaa saaxiibtinimada uu kuu qabo, waxaa ku dhalaneyso qiyaano, waa gabar ilaah qurux siiyay, rag badan ayaa loolan iigala dhexeeya, wiilka iyo asxaabta kale kama qarin in aan habeenkaa balan leeyahay iyada, wiilka aan is dagaalnay  wuxuu ahaa mid imaada gurigeena dagaalka ka hor, wuxuu ahaa mid qorta number kasta aan waco, aniga shaki ma iiga jirin dhankiisa, difaacna kaga ma jirin mana is dhaheen kan ayaa ku dhagraya, nasiib xumo wuxuu helay numberka gabadha, aniga kama cabsi qabin xagiisa, laakiin wuxuu ahaa mid isaga isla damacsan gabadha, wuxuu ahaa mid markasta iga wareesta xaaladeeda, gabadhii ayuu wacay wiilkii wuxuu ku yiri habeenkaa soo balan malihid soo laguuguma balamin meeshaa iyo meeshaa saacada lagu balamiyay soo xiligaa ma ahan, gabadhii ayaa tiri waa sax laakiin halkee ka soo ogaatay hadalkaan dhan? wiilka ku balamiyay warlow , waa nin aan war qarsan karin, wax kasta aad ku dhahdo waa nin usii sheega dadka kale, wuxuuna gabadhii ku yiri waa nin gabdho badan la socodo, iska ilaali, wuxuuna u sheegay in habeenka balanta xitaa uu gabar kale meesha ku balamiyay, wiilka iqiyaanay maalinkaas wuxuu goobta balanta usoo diray gabar kale aan aniga aqaano laakiin sheekada ay isla wada ogyihiin, waana midi aan kor ku soo xusyay oo iska key dhigta gabar meesha lagu balamiyay, mana ogey gabadha in ay tahay mid la soo adeegsaday, goobta habeenkaa gabadhii way timid balse markii ay i ragtay in aan la tagaanahay gabadha la soo adeegsaday oo aheed gabadhii uu soo diray wiilka qiyaanoolaha waxay ii qaadatay nin naago badan, warka wiilka uu wax ka jiro, habeenkii dib bay usoo laabatay, alla dir diraale kala dili ogaa laba isku baahan.......................... la soco qeybta 8aad talaada kaasta InshaAllah.


W/Q: Daalac Daahir Shoot


Share this article :

+ comments + 2 comments

September 12, 2011 at 2:40 PM

heeeeeeeemaxaan kafaaidi neh jeeceel jeceel maxaa ladhahaa yaaqeey labadi israbto ha isguursato labadii aan israbin neh hakala tagnooh
ilaahey kalif ma uumin yaa leys dhibin tartiib haloo kala socdo ma kasteen yaa lis haleenin socdaheeeeeeeeeee dhaqma hadal danbo yaan maqlin

September 12, 2011 at 2:40 PM

heeeeeeeemaxaan kafaaidi neh jeeceel jeceel maxaa ladhahaa yaaqeey labadi israbto ha isguursato labadii aan israbin neh hakala tagnooh
ilaahey kalif ma uumin yaa leys dhibin tartiib haloo kala socdo ma kasteen yaa lis haleenin socdaheeeeeeeeeee dhaqma hadal danbo yaan maqlin

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks