Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 8aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Sunday, August 7, 20114comments

                     Dhankeyga markii uu soo aaday, kana soo dhaqaaqay gabadhii uula taagnaa, ayaan gabadhii haruufay, indhaha ku gubay, sankane aan ukala gadiyay, naaya maxaad igu maageesaa halkee iigala qaaday ayee la soo booday, kadib madaxa ayee iiga dhagtay, dharbaaxsho ayaan ku dhuftay, waa nala kala qabtay, is dajiya ayaa nala dhahay meesha waa garoon, una dhaqma sidii dad waa wayn,

ninkii ayaan ku iri waa ayo gabadhaan? wuxuu hadal iiga bilaabay waxaan soo sogootinayay gabadhaan aan adeerka u ahay, waa mid kamid ah gabdhaha qaraabada aan waxbarashada ka bixiyo, daqiiqado kadib Malaysia aye uduuli doontaa, markii uu sidaa dhahay qalbiga dhan wuu iqaboobay, waxaad umaleesaa in qalbigayga udhalaalay sidii barafka oo kale, gabadhii ayuu u wacay adeer kaalay aan ku baree inantaan ayuu dhahay, gabadhii sidiaas ayaan isku baranay, waan ka raali galiyay qaladaadkayga inkastoo aanan u sheegin sababaha aan ula dagaalay, waan qarsanayay dareenkayga.

waxaa sidaa iigu cadaatay in waxa aan ka xanaaqsanaa in ay ahaayeen gabar uu adeer u yahay, meel cidla ah aan ka diday, wax aan hubsaday malahan, maseer ayaa kara kabo igaliyay.

waqtiga oo aad u koobnaa gabadhii way duushay, wuxuu igu dhahay aniga ayaa ku qaadaya xaafada ku geenaya, waan ka diday, waxaan dhahay maxaa ku jaban hadii aan kaligayga gaari raaco? maya wallahi Sahra qof laga tagi karo matihid, waa ceeb aniga oo awooda in aan hore kuu siiqaado miyaan halkaan kaa tagi karaa, waxaan ku dhahay waad iqaadee laakiin xaafada markii ay wax yar ii jirto ayaan Taxi raacayaa si reerka iigaga shakin aan iskaaga dhigo gabar nadiif ah.

Waan isi soo wada raacnay aniga iyo asiga, dhibka iqabsaday ayaan uga sheekeeyay, ilin ayaa iga socotay markii aan uga sheekenayay dhibaatada iqabsatay, waa is celin waayay, hal mar ayaan waxaan dhahay ii jooji gaariga, maku sii raaci karo, halkaan igu daji, waxaa tahay nin xun oo sidaan ii silciyay, waxaa tahay nin aan bini aadan nimada xitaa ubilaawneen, beer naxa malihid, mana tihid qof loo qaado jaceyl, xitaa ima aadan soo dhihin intii aan dhibkan ku jiray side wax kaa yihiin, waxaan jeclaaday naf aan i jecleen, waxaan nafsadeyda u haligay qof aan mudneen in dhib loo mar, gaariga markii uu istaajin waayay ayaan isteerinka kula dhagay, heer waxaan ku siganay in aan shil galno, gawaarida naga dambeeso waxaan galinay qalqal.

markasta wuxuu i dhahaa Sahra i dhageeso marka hore aan wax kaa dhaadhiciyo, inta uusan hadalka dhameesan waan ka dhaxgalaa hadalka oo waan ka jaraa hadalka, dulqaad maba haayo, waxaan ahay qof ciilan oo ciilan xanaaq labararay in uu qarxa qarka usaaran, aniga iyo asiga hadalka noo kala dhamaan waxaa la soo gaaray meel aan ka fogeen xaafada, wuxuu i dhahay ilaan aan aniga iyo adiga aan wada hadalno ma bixi kartid gudaha gaariga ayaan ku sheekeesaneynaa, waxaan ku iri isaga i dhageeso saacada aan garoonka ka soo dagaayo rerkayga way la socdaan, mana kula sii sheekeesan karo, in aan meelo kale soo maray way fahmayaan, ifasax, wuxuu dhahay ok waan ku fasaxayaa laakiin telleefonka guriga isii, waan siiyay waan uqoray, gaariga waxaan ka soo dagtay aniga iyo asiga aan waxba meel isla dhigin, taxi ayaan soo raacay guriga ayuu ikeenay.

Markii aan guriga imiday wiilasha walaalahayga waji fiican ima tusin waxay u muuqdeen kuwa aniga ii xanaaqsan, waxaan galay qolka hooyo, waan usoo gurguurtay, jilbaha ayaan ka qabsaday maamada, sifiican aye isoo dhawaysay laakiin way iga shakisay waxay dhahday waxaad u egtahay qof ilin ka socoto maxaa ilinta kaa keenay? Madaxa ayaan xog xogtay cabaar (waa ilintii iga timiday intii aan gaariga lasaarnaa ninka aan jeclaa si fiican ma iskaaga soo tirtirin) waxaan ku iri hooyo ilinta waxaa iga keenay xiisahaagaa, makaa maarmo hooyo, hadalkayga ayaa dhab uqaadatay hooyo hab aye isiisay, waxay dhahday gabadheyda ayaa tahay wax kasta oo tahay, gurigaaga dhax damaashaad, waxaan kaa codsanaa in aadan nin dhan la hadlin gabar yar ayaa tahay, raga wax kama taqaanid, waxaan ka baqayaa in lagu sasabto, iga balan qaad in aadan nin dhan lahadlin, waxaan dhahay aniga oo hooyo iska sii jeedinaayo nin dhan mala hadalaayi waa kan sidaan iigalay, hada kadib taladaada ayaan qaadaanaa, hooyo waxay i dhahaday waan ogahay in aad tahay gabar qalbi fiican, balan ayaan kala qaadanay aniga iyo hooyo.

Sadax maalin kadib imaan shahayga xaafada, waxaa isoo wacay ninkii aan jeclaa, waxaa telka ka qabtay walaalkayga wuxuu ku dhahay gurigaan wax Sahro la dhaho madagna, markale ha isku soo wacan, reerka dhan waxay kuwada kacsan yihiin cod nin, xitaa ha ahaadan saaxiibada, markasta qof isoo waco Sahra halkaan ma dagna ayaa lagu dhahaa, ama wax Sahra la dhaho ma naqaano, qofka isoo wacay hadii uu soo baxo numberkiisa waa laga tirtiraa shaashada telka.

 



waan layaabay dhaqanka wiilasha, waan ufikiray, mid kasta ayaan gooni ula kulmay, waan soo sasabaa (sirsirasho), waxaan adeegsaday qaacidada ah kala qeebi marka hore kadib xukin, waxaan siiyay lacago ay dhar ku soo iibsadaan, waxaan kabadalay TV ga oo ahaa mid duq ah, qolol kooda ayaan u hagaajiyaa, waxaan iska dhigaa gabar baariyad u ah iyaga, wiilasha waa iga yareeyeen cadaadiska.

Habeen ay xili fiidnimo tahay waxaa guriga iigu imaaday ninkii aan jeclaa, aniga ayaa albaabka ka furay, waxaan ku iri iska laabo, wali xaalada way kacsantahay, teleefonka iga soo wac bari 4 PM, aniga ayaan kaa qaban doono teleefoonka xiligaas, aniga ayaa mashquulinaayo wiilasha, wuu iga diiday wuxuu dhahay gudaha in aan galo ayaa jirto, waxaan ku iri hadii la igu kaa arko waa baxar, maalmahaan ayaan ku jiray in aan iska sasabo wiilasha, si kasto aan ula hadlo wuu iga diiday in uu laabto, aniga oo cabsanayo wali xasuusta balantii aan wada galnay aniga iyo hooyo ayaan u ogalaaday in uu gudaha soo galo, waayo waan ka dimqaday, qolka fadhiga ayaan wada galnay, aan sii fadhiisaneenay oo aan salka dhulka ku sii hubsaneeno waxaa qolka noogu soo gashay hooyo oo aad u xanaaqsan, gacantane ku heesato ul dheer.

Maxaa dhici doono? Hooyo ma nagu qeelin doonto? Usha ma la igu dhufan doonaa? Gacaliyahega reerkeena maxumeen doonaan? Mayahay nin dulqaad badan? Ma noqon doonaa markii ugu dambeesay ee uu yimaado gurigeena? Maxaa kala qabsan doono asiga iyo wiilasha? Waxaas oo idil waxaad ka bogan doontaa adiga oo isha ku haya markasta qeybta 9aad.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

My Facebook: www.facebook.com/daalac9
Share this article :

+ comments + 4 comments

August 11, 2011 at 12:01 AM

cadi ma ahan shekada waxqi badan noga dhig 1 malin wanagu yartahay

August 11, 2011 at 12:01 AM

cadi ma ahan shekada waxqi badan noga dhig 1 malin wanagu yartahay

August 14, 2011 at 5:09 AM

sheekadan nummer 8 ayaan ka bilaabay waxaan u socdaa hoooos meeshi an kor u socon lahaa kabax kabax, inaba cadi mahan...

August 14, 2011 at 5:09 AM

sheekadan nummer 8 ayaan ka bilaabay waxaan u socdaa hoooos meeshi an kor u socon lahaa kabax kabax, inaba cadi mahan...

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks