Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 11aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Saturday, August 27, 20110 comments

                          Balanta waxay aheed in aan imaado miiska cashada oo la igu sugayay, ma aan imaan goobta cashada, qolka ayaan isku xiray, waxaan ka fikirayay jawaabta aan bixin karo qaabka ay noqon doonto, dhoor marmarsiyo ayaa igu soo dhacday laakiin ma ii noqon karto sabab aan reerka u sheego, markii aan 30 daqiiqo la isugayay ayaa walaalkayga ii soo gargaraacay qolka iguna yiri nayaa isla wareegto waa lagu sugayaa ee qolka ka soo bax, waxaan ku iri ma soo bixi karo, hurdo ayaa i heeso, adinka iska siicno cashada,

hooyo ayuu utagay wuxuu wargaliyay diidmadayda kadib waxaa qolka ii soo gargaraacday maamaada, waxaan ku iri hooyo ma soo baxi karo hadii aan soo baxo dil kale ayaad ii geesaneysaan, waxaa ii roon in aan qolkayga ku jiro sidaas ayaan ku amaan helayaa, balan qaad ah in aan la itaaban Karin ayee hooyo isiisay, waan soo baxay miiska cashada ayaan imaaday, waayihii dambe aniga wiilasha naga mawada dhaxeen wada shaqeen, qofkasta isaga ayaa cashada soo gurnayay, aniga hooyo ayaan u adeegay wiilasha sanka ayaan isku taageenay, waxaan u arkaa kuwa caqabad igu ah iga hortaagan barwaaqada jaceylka.



Sahra halkee ka timid saacadaan ayee hooyo igu dhahday, meelne ayaan ku jawaabay, naa runta sheek halkee katimiday? Waxaan qalbiga iska dhahay ha cabsan dareenkaaga haka been sheegin, hadii aad qariso xitaa kuwaan maku cafinaayaan, waxaan go’aan saday in aan dharka cabsida iska dhigo, seefta aan gaasha  kala baxo, waxaan ku iri ninkii aad iga buriseen ayaan aaday isaga ayaa soo salaamayay maadaama aad adinka si fiican ula macaamili waydeen, ninkaas waan jeclahay oo waan jeclahay la aantiisa ma joogi karo ayaan cod dheer xanaaq raacsiin ku iri  intaa markii aan sii dhahay saxan ayaa la igu soo xooray markaasuu iigaga dhacay xabadka, jug culus ayee iga gaarsiiyay feeraha, aniga ma aan muujin wax sabar ah sidoo kale saxanka ii horyaalay ayaan ku tuuray walaaalkeyga inkastoo uusan ku dhicin aan lagafay markuu uu ka gambaday saxanka, markii aan arkay wiilasha in aysan hooyo ka amar qaadaneen  mid kasta ereyga uu rabo igu oranayo, waan cararay qolkayga ayaan u cararay jaranjarada markii aan sii fuulayay ayaan ka dhacay jarajarta  lugta ayaa iga simbiri raxatay, madaxa ayaan ku dhufsaday dhulka, gadgadaal ayaan usoo dhacay, lugtane way iga mur gacatay, madaxayga waxaa ka soo daatay dhiig aad uqulqulaya sidii bulaacad biyaha ah, soo dhicidayada lama dareemin, waan aadaarayay, hadii aan uwaco wiilasha waxaan kabaqayaa in aan ka waayo bini aadam nimo, waxaan uwacay hooyo, alla hooyo waan soo dhacay madaxayga dhiig ayaa ka difaqaya, lugtane meel ayee iga gashay, hooyo iyo wiilasha oo wada ordaya ayaa ii imaaday, waxaa la iiqaatay ama la iimaleeyay gabar lugta ka jabtay, waxaa la iila cararay dhanka iyo Hospitalka, intii la iga badalayay dharkii aan hore ugashnaa kal kaalisada waxay aragtay teleefonka cajirka iiga xiran wali, waxay uqaadatay in aan ahay gabar isi soo miineesay ama damacsan qof wax qarxin raba, waxay u wacday security meesha, halmar ayaa waxaa hareeryay qolkayga ama qeebta aan jiifo police aad ubadan, kadib waxaa la igu dhahay ha is qarxin is dhiib, waan dareemay in ay ka shakiyeen mobile ka waxaan ku iri waa mobile uuu ii soo iibshay sxb kayga  reerkaygane in ay igu arkaan ayaan kabaqay, marka si la iigu arkin cajirka ayuu iigu xirnaa, ma ahan aalad wax qarxiso, waxaa la iga qaaday mobilkii kadib waxaa lageeyay meel, waxaa loo wacay hooyadeyda, waxaa laga wareestay arimahayga, aniga habeenkii waxaan la iseexiyay  gudaha Hospital ka, alxamdulillah lugta waxba igama soo gaarin wax jab ah lagama helin, murgacasho ayaa aheed, inkastoo barar uu saarnaa, madaxa ayaa la iga duubay, waxaa la ii qoray in aan hal isbuuc ku jiro gudaha Hospitalka.



Waxaan is waynay aniga iyo gacaliyahayga, teleefoonkii uu qarso I dhahay waxaa la wareegay hooyo oo loo soo dhiibay kana soo qaaday markii uu usoo dhamaaday interview ga, gacaliyahayga wax war ah igama haayo, in aan hospital galay ma uusan maqlin, waan ka walwalsanahay, maalinkii 1aad dhan xaaladayda ma fiicneen, waxaa isaarneed qandho aad uxanuun badan, habeenkii markii la seexday ayaan qarway iyada oo lamaq laayo inkastoo aan aniga iska warheen waxa aan ku qarwaayo hadane qofka ila joogo wuu imaqlayaa, habeenkaa waxaa ila joogtay hooyo, waxaan ku qarwayay gacaliyahayga, hooyo waxay ogaatay in gabadheeda mar hore uu ku beermay jaceylka, uu yahay jaceyl lafaha iyo dhuuxa galay  mar hadii ay sheekada mareeso qarow, waxaa isbadal ku imaaday mowqifka hooyo, si lama filaan ah waxay uwacday wiilasha, waxaa la go’aan saday in la ii ogolaado gacaliyahayga, waxaa la wacay Ahlam waxaa laga codsaday in gacaliyahaygu uu imaado hospitalka, lama socon talada ay rerkayga isla wada gaareen, hal mar ayaan waxaan ku arkay gudaha qolka aan jiifo gacaliyahayga oo dhex taagan, aad baan ufarxay, waxay ii aheed aragtidiisa mid ilin iga keenta, sariirta aan jiifo ayuu soo dul istaagay, gacantiisa ayuu madaxa iga saaran, isaga oo qiyaasaya heerka qandhada iheeso halka ay gaarsiisantahay, waa markii ugu horeesay gacantiisa itaabato, waxaad moodaa markii uu gacanta madaxa iga saaray qof xanuunkii dhan ka baaba'ay, gacantiisa baraf ayee aheed, way ka duwaneed gacmayaasha kale, waxay aheed gacan sidatay raxmad laabtayda qaboo jineeso.

gacaliyahayga wuxuu bilaabay in uu qur'aan isaaro, iina duceeyo, tuftiisa waxay aheed mid hurda iga keenta waxaan noqday gabar isla markiiba hurdo, waxaan hurday 2 saac hurdo aan waligayga hurdin inta aan jeclaa, alla macaan badanaa jaceylka markii aad hesho qofka ku jecel, shido badanaa iyo rafaad markii aad wayso qofkii aad jecleed.



indhaha waxaan soo kala qaaday wiilasha, hooyo iyo gacaliyahayga meel kuwada shooraya (kutashanaya), wax yar kadib waxaa ii iimaaday gacaliyahayga dhoola cadeenaya, dhoolacadeeskiisa markii aan arko dareenkayga ayaa iska dhoola cadeeya, waxaa ii sii kordha jaceylka aan uqabo, hal mar ayuu wuxuu igu yiri bishaaro ayaan kuu wadaa war farxad leh, macaane ii sheeg farxada ayaan ku iri, wuxuu igu dhahay aniga iyo adiga xiriirkeena waalidka wuu noo ogolaaday, farxad darteeda ayaan usujooday Allah ayaan ugu mahadnqay, maalinkaa ma umaleeyo in ay meel i xanuuneeso, qalbigayga ayaa la burqanaya farxad, waan iloowbay xanaaqii aan uqabay walaalahayga, waxaa isaarneed maalinkaaa oo idl farxad aan kala go laheen.

intii aan hospitalka ku jiray wuxuu ahaa gacaliyahayga nin markasta igu soo booqda, xitaa waxaa isoo booqatay waalaashiisa iyo hooyadiisa (dumaashidayda iyo sodohdayda), labada cid ayaa isbartay sifiican ayee isku dhax galeen, waan caafimaaday inkastoo wali lugta hitis iigaga jiro, waxaa wada balamay reerkeena iyo reerka wiilka, casuumaadaas waxaa sameesay hooyo, laakiin aniga waxaa aaaminsanahay hooyo in ay dhihi doonta kulankaas dhaxdiisa gabadhayda hadii uu wiilkiina rabo si dhaqsi aan iskuugu mehrino, waxaa la gaaray maalint balanta waxay aheed maalin jimco ah, dhamaan way soo wada xaadireen gacaliyahay reerkiisa. hadalkii waxaa furay hooyo waxayna dhahday........

labada cid maxaa dhex mari doono? Maxay kawada hadli doonaa? Ma isleedahay guur ayaa laga wada hadli doonaa? reerka cida maxay fikir ah ay qabaan? qilaaf ma imaan doonaa? kulaankaa ma noqon doonaa mid ifarxad galisaa? gabar ayaa isoo wici doonta igu oran doonto aniga ayuu iqabaa ninkaas sax ma noqon doonaa? ma arinkaas ayaan ka maseeri dooonaa? waxaas oo idil waxaad ka bogon doontaa qeybta 12aad Axad kasta InshaAllah


W/Q : Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks