Gabar Saaxiibkeeda booqatay kadibne uu kufsaday

Sunday, July 17, 20113comments

              Wiilka iyo gabadha ayaa isku bartay qadka teleefoonada magaalada Muqdisho kadib markii uu wiilka iska soo wacday number uusan garaneen, waxaa usuurta gashay in uu barto gabadha kuna marmarsiyoodo in uu ku soo qaldamay teleefoonka, gabadha iyo wiilka waxay ahaayeen kuwa markasta dhanka teleefoonka sheekada ku wadaaga, wuxuu xiriirkoodu ahaado mid dhanka teleefoonka waxaa lagu balamay in la is arko, gabadha ayaa ku balamisay wiilka guriga ay dagantahay ee xaafada Wardhiigleey qeebta xiga dhanka Madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho, sida ay gabadha sheektay wiilka wuxuu ahaa mid dagan akhiyaarna ahaa wuxuuna guriga ku yimid si asluub iyo xishood ku dheehanyahay,  kulankii hore wax dhib ah ma dhicin, wiilka wuxuu ahaa mid soo booqda gabadha, markii dambe ayuu gabadhii ku qanciyay in ay iyadane soo barato xaafadiisa oo ku taalay degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, gabadhii way ka yeeshay maadaama uu wiilka ula muuqday mid wanaagsan, hasa ahaatee gabadha sida ay xaalka moodeesay way noqon wayday, wiilka ayaa intaas oo wanaag u sameen jiray sidii ay gabadha ku aamini laheed, wuxuu ku balamiyay guri laga barakacay sida uu sheegay wuxuu ku yiri in uu yahay guriga qofka ilaalinayay maadaama reerka u qaxeen Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho, wiilkii gabadha wuxuu siiyay daroogo taas oo ka dhigtay gabadha in ay miir beesho, wiilka ayaa kula kucay gabadha fal kufsi ah, wuxuuna u wacay asxaabtiisa meelaha ka dhaweed taasoo markii dambe noqotay in gabadha ay fara xumeeyeen wiilal 5 gaaraya.

Gabadha ayaa ah dhibane iyadoo ehelka gabadha isku dayeen in ay tagaan guriga gabadha lagu kufsaday, ehelka ayaa ka soo waayay qof dagan eeriyada gabadha lagu kufsaday.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

+ comments + 3 comments

M..M.Ziicow
July 21, 2011 at 1:48 AM

Wawa cadi ma ahan gabadha masakin ta ah si xun ayey u kalen,lakin abaayo dumarkaba sirtoda malaga sal gaaro. ragana isku mid mawada ahan ee ha nu gafina hadaa tihiin dumar kk

M..M.Ziicow
July 21, 2011 at 1:48 AM

Wawa cadi ma ahan gabadha masakin ta ah si xun ayey u kalen,lakin abaayo dumarkaba sirtoda malaga sal gaaro. ragana isku mid mawada ahan ee ha nu gafina hadaa tihiin dumar kk

July 31, 2017 at 8:55 PM

Hhhhhhhhhhhhhh Waa sidaas zxp

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks