Xiligii aan fikirka adkaa ama marxalada adkeed aan ku jiray waxaa iga dhacday hilib dhan 5kg, aad baan u caatoobay, laf iyo maqaar ayaan noqday waxaa la imoodaa in aan ahay qof jiro kasoo kacday ama cudur la daristay.
Warka Ahlam si toos ah ayuu iigubayay waxaan islahaa waxaad ku dhacday hog ama god aad u weyn cid kaa saari karta malahan,waa sida uu daadka kuu qaaday.
waxaa iigu yaab badnaa ninka xasuusta kama jari karo si kasto aan iskuugu dayo, markii aan is dhaho iska ilow oo ha xasuusan wuuba ii sii macaanaadaa ninka.
Waxaa la ii waday dhaqtar, anigane waan ogahay cudurka ihaayo in uusan aheen jiro balse uu yahay
Xaruntii dhaqtarka markii aan tagnay waxaa la iga qaaday dhiigag farbadan iyo baaritaan guud, wax cudur ah ama xanuun ah waa la iga waayay, laakiin dhaqtarka wuxuu yiri waxaa haayo stress, daawo stress ayaa la ii soo qoray iyo nasasho mudo dhan laba isbuuc, maskax jeceel haayo miyaa nasan karto.
xaaladayda markii ay xumaatay aanan soo wadin wax isbadal ah ayaaa Ahlam loo wacay, reerkiinii ayaa uwacay, waxaa lagu yiri noo sir bax sidaan hanu eegan gabadha sida loo haayo waxa haayo inoo sheek xitaa hadii aan daawo siinay wax isbadal ah kama heeno, Ahlam ila ma tashan laakiin arimahaygii dhan ayee reerka u sheegtay, marxalad kasta aan ku jiray ayee uga sheekeesay, sheekadayda way fashilmatay waxay noqotay mid banaanka taaalo.
Hooyo ayaa dhahday ileen gabar noo qaan gaartay ayaa inoo joogto, maba ogeen waxaan islahaa midaan waa mid wali wax badan u dhiman yihiin, si caro ku jirto iyo xanaaq ayee hooyo tiri maxay qarash iyo daawo noo galisay, cudurka haayo daawadiisa waan naqaanaa, si dag dag ah ayaan ku xalinaa
Mudo dheer kadib go’aan ayaa la soo saaray oo ka yimid dhanka hooyada oo ah in sida ugu dhaqsiyaha badan wiil qaraabada ah la igu daro (la igu mehriyo), hadii kale aan reerka ceeb usoo jiidiyo, maadaama lla
Go’aanka hooyo waxaa u wada codeeyay ama taageeray reerka dhan waxaana lagu balamay sida ugu dhaqsiyaha badan in loo dardar galiyo guurka.
Madhici doontaa in wiil la igu daro? maka dhuuman doonaa reerka? Maxaa xigi doono?
La socoto Qeebta 5aad. axad kasta
W/Q: Daalac Daahir Shoot
Post a Comment