Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga ayuu iga xaday (Qeybtii 6aad) Qiso xunuun iyo ilin kaa keeneeso

Saturday, July 23, 20110 comments

        Waxaan ubaxsaday dalka Yemen, inbadan oo kamid ah qaraabada ayaa ku sugan dalka Yeman, waxaan gaaray dalka yeman hebeenimo xili dambe meelahaas, cid iga filaneeso malahan in aan imaan doono Yeman, hore waxaa loo yiri dan hadii ay ku qabato waa suurta gal in ay wax kasta kaa suuroobaan.



Gudaha garoonka waxaan wacday gabar inta badan booqosho noogu imaan jirtay Dubai, aad bay ula yaabtay marna waxay uqaadataa riyo marna waxay fiirisaa numberka aan kasoo wacay oo ah mid local ah,



saacad kadib waxaa garoonka iigu yimiday gabdha oo aniga isoo doontay, inkastoo ay fila waa ku aheed imaan shahayga hadane way ku faraxsaneed mar uun in aan caga soo dhigo Sanca,waxaan wada tagnay gurigeeda, si wacan ayee ii soo dhaweesay, waxaa la ii hagaajiya qol, waxayna igu dhahday iska seexo waxaa tahay qof daalan, bari ayaan si fiican ukala war qaadi doonaa inshaAllah, habeenkaa waxaan ku seexday hurdo aan inbadan aan hurdin mudo, laakiin niyada waxaan ku hayaa mar hadii aad timaaday Yemen maxaa kaa qabsan doonto, malagu celin doona mase waxay kuu noqon doontoo meel aad ku amaan hesho.

Subaxdii markii waagu uu dilaacay qoraxda soo iftiintay, waxaa guriga iigu soo galay aabe Ahmed, ma filaneen in uu iga warhaayo in aan imaaday Yemen, kadis ayee igu noqotay, ilaa hada ma cadeen karo halka uu ka soo ogaaday in aan joogo Yemen, subaxaas aabe wajigiisa qof caadi buu ahaa, wax caro ah kama muuqan, wuxuu iga wareestay qaabka aan ku soo baxay iyo halka aan ka helay lacagta,

kama qarin waan uga sheekeeyay xaalada sida ay aheed wuxuu aad ula yaabay sida aan caatada u ahay iyo diifta iga muuqato, aabe halmar ayuu igu yiri waan ku faraxsanahay imaan shahaaga halkana in aad timaado, waxaad ka nabad galeeesaa guur qasab ah, aabe wuxuu iisii raaciyay in aan aniga leeyahay dooqa, cid qasab igu leh aysan jirin, maalinkii aan nin la imaado kaas la ii guurin doono, xur ayaa tahay dooqaaga ayaan tix galinaa ayuu yiri aabe.

Hadalka aabe wuxuu iinoqday mid iga badbaadsha waalida aan qarka usaarnaa in aan waashto, waxaan mooday in aan jano ku jiro, waxaan noqday qof xurnimo buuxda Yemen ku helay.

Xiriirka aabe iyo hooyo ka dhaxeeyo aad buu uliitay, ilaa xad waxaa la dhihi karaa way isku xumaayeen sababa jiro aawadooda haba ugu waynaato sababta naaga badnida aabe.



Qilaafkooda markaan oo kale wuxuu ii noqday mid aniga iga badbaadsha caqabada guurka, marna waan ka xumahay labadii ku dhashay in ay kala maqnaadaan, ubadka markasta waxaaa uroon in ay isla wada noolyihiin hooyada iyo aabaha, hadii ay sidaas jirin cuqdad baa imaaneeso oo ah in dhinac lala coloowo.

Aabe si kulul ayuu uwacay hooyo wuuna ku canaantay arintaan, sheekada way faaftay ilaa ay ka gaarto magaalada Mugdisho, talada waxaa gacmaha la soo galay ayeeyo iyo qaraabo badan oo reerka kuleh tix galin, dood dheer kadib waxaa la isku afgartay in gabadha nin lagu darin iyada ay ilaaliso sumcada reerka waxbarashadeeda ay aad uwadato.

Guul ayaa ii soo hoyatay maalinkaa, baxsashadeeda Yemen waxay ii noqotay mid badbaado ii horseeto.

Aan usoo laabto xaalada reerka ku sugan Dubai waxay aheed mid aad ukacsan, qorshahoodii shirqoolka ahaa ayaa laga ciideeyay wuxuu noqday mid kusoo idlaadada hadal uun aan waxqabad laheen, wiilka la ila damacsanaa iyo reerka way is gacan qabteen, qarash fara badan ayaa uga baxay sida aan qiyaasaayo lacag dhan 29kun doolar ($29,000), lacagtaas aadka ubadan lama soo wada celin karo inta badan dalab aye wada gashay iyo hotel lagu qabto iyo in la waco fanaaniin aad caan u ah, aniga ahaan waa ka xumaa wiilka in qasaaradaa ay gasho.

iyadoo wali taagantahay muranka ka dhashtay lacagtaas faraha badan ee wiilka kabaxday, ayaa si kadis ah waxaa dagaal dhexmaray isaga iyo walaalahayga, wuxuu ahaa dagaal aad uqaaraar oo faraha looga gudbtay,wax kasta waa la isku adeegsaday, hubka goobta dagaalka ugu wayn wuxuu ahaa midi, wuxuu gaaray dagaalka ilaa la isku soo qaato midiyo, wuxuu ahaa dagaal aan hore u dhicin nuuciisa, labada dhinac waxaa gaaray qasaaro, mid kamid ah wiilasha ila dhashtay waxaa soo gaaray dhawaac dhanka caloosha ah kadib markii ay dhax gashay midi uu gacanta ku hayay wiilka rabay in aniga la iiguuriyo

sidoo kale wiilka rabay in uu aniga iguursado waxaa ka jabtay gacanta, dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray gacanta, taas oo sabab unoqotay in uu Hospital galo. waxaa loola wada cararay labadooda waa labada dhaawac isbitaalka.

goobta uu dagaalka ka dhacay si dagdag ah waxaa ku soo gaaray police

waxaana dhacday in walaalahayga la xirxiro xabsi loo taxaabo, waxay noqdeen kuwa u saaxiib ah xabsi, xaalada way sii cakirmatay cirka ayee isku sii shareertay, waxay noqotay mid qaabkii loo damin lahaa aad u adkaatay, walaalaheyga waxay sugayaan in maxkamad la soo taago.

reerka uu ka soo jeedo yarka ka imaaday UK waxaan aheen qaraabo aad iskuugu dhaw dhanka fahamka, waxaa naga dhaxtafatay colaad midii ugu xumeed ee dhaxmarta dad walaalo ah, faamilka wiikla ayaa dhahay nama qabato sidaan in ay lacag faro badan naga baxdo aan gabadhii wayno iyo in wiilkii nalaga dilo gacan uu kajbo.

shuruud ayee soo bandhigteen oo ah in la soo celiyo lacagta ama in gabadha loo guuriyo, ugu dambeen wax badan oo waano ah iyo dadaal aad ubadan kadib waxaa laga dhaadhiciyay cida in ay cafis la imaadaan maadaamo dadku yihiin kuwa ehel ah, dhacdadaan aysan aheen mid qorsheesan, dadaalkaas wuxuu noqday mid lagu gacan seero wuxuu noqday mid aan miro badan dhalin, waxay noqotay in lacagta la gudo ama lamago

Wiilka isaga oo fara maran ayuu ka duulay Dubia, wuxuu ahaa mid nasiib daro ku habsato, halka ay saaxibadiisa ku sugan UK ay ka sugayeen nin reer soo yeeshtay balse sidaa ma noqon xaalka waxaa lagu soo dhaweeyay UK ninkii oo gacan kajaban, guur aan helin.

Maxaa xigo doono? lacagta ma la gudi doonaa oo ama moqifka cida wuu isbadli doonaa? mase reerkayga waxay noqon doonaan kuwa igu badalo lacagtaas oo ninka la iiguuriyo? mala soo deen doonaa walaalahayga? maxaa qabsan doono? ma noqon doonaa gabar ku soo laabato Dubia? maxaa na dhax mari doono aniga iyo hooyadadeyda mar hadii uu qorshadheeda uu noqday mid guul dareesto? ma qiyaasan kartaa waxa dhici doono? Waxaan filaa in ay aad u xiiso badanaan doonta qeebta 7aad. losoco qeebta 7aad Axad kasta.


W/Q: Daalac Daahir Shoot

My Facebook:  https://www.facebook.com/daalac9
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks