Nin xaday Gabar 5 jir ah kadibna gacmaha ka jaray oo maanta la qabtay

Wednesday, July 20, 20110 comments

        Hooyada dhashay gabadha oo lagu magaabo Xaawo Diiriye ayaa sheektay in gabadheeda ay ka luntay xiligii 2006 dhamaadkeeda kadib dagaal adag oo ka dhacay xaafada Towfiiq, gabadha luntay ayaa da'deeda  aheed markaas 5 sano jir, gabadha ayaa isku dhax yaacday kadib markii ay xamili wayday hugunka madaafiicda dhacaya, hooyada ayaa sheegtay in gabadheeda ay waysay kadibne aysan aqbaar ka helin.

Ninka maanta la qabtay ayaa sheegay in gabadha uu ka helay jid iyadoo ilmeeneesa kadib uu u ka xeestay xaafad uu ku korsado ilmaha uu jidadka ka xado, ninka la qabtay ayaa sheegay in sababaha gabadha uu gacanta uga jaray ay aheed sidii uu ugu tuugsan lahaa gabadha mar hadii ay arkaan gabar yar oo gama la aan ah in ay dadka siin doonaan sidaqo, ninka ayaa sheegay in lacagta uu ka helo gabadha uu ku iibsan jiray sigaar iyo jaad iyo xashiishad, gabadha ayaa aheed mid ka muuqato dhibaato iyo rafaad, gabadha ayaa ah mid gacmo la aan waxba qabsan karin.

Ninka la qabtay ayaa sheegay sidoo kale in uu hore uu lugta ka jaray wiil uu isagane ka soo xaday mid kamid ah xaafadaha Muqdisho, ninka ayaa sheegay in wiilka uu lugta ka jaray uu uga soo dhuuntay xaafada Madiina ee magaalada Muqdisho.

Hooyada dhashay gabadha ayaa aheed mid aan indhaheeda ka baabi'in ilinta waxayna aheed mid waji murug leh, halka aabaha dhalay gabadha uu ka qaaday shook kadib markii uu adkeesan qaabka foosha xun ee loo galay gabadhiisa.

Ninkaan ayaa maanta loo taxaabay xabsi iyadoo maalinta bari ah la soo taagi doono maxkamd, lama ogo waxa ay maxkamada ku xukumi doonta ninka arxan laawa ah, dadka dhalay gabadha ayaa ka rajeyna in ninka isagane laga jaro gacmaha halka dad kale ey ka codsadeen in la dilo.

W/Q: Daalac Daahir Shoot
Share this article :

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2012. WARARKA DHALINYARADA - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Blogger Tricks
Proudly powered by The Original blogger tricks