Sida lagu xusay warbixinta dumarka ayaa ku dagdagin in ay u caroodaan ragga labiska indhahooda qabta, 5000 oo naag ah ayaa lagu sameeyay daraasataan, halka 200 naag ay nimankooda yihiin kuwa ka wahsada nadaafada jirka ay noqotay kuwa kala kulma canaan hadalo kulul, halka 300 ay ka noqotay kuwa aan la kulmin xanaaq sidaa micno uleh.
Ilnig Whoe oo ahaa ninkii sameeyay daraasada ayaa sheegay hadii ninka ragga ay ku kacdo naagtiisa in ay haboontahay in uu labisto is carfiyo dabadeedana isaga oo dhoola cadeenaya soo ag fadhiista, wuxuuna sheegay in midaas ay tahay mida ka qeeb qaadan karta in naagta ay noqto mid dhiigeedii kacsanaa in uu yara dago
Mid kamid ah dumarla lagu sameeyay daraasataan ayaa sheegtay inta badan sababaha aysan ugu xanaaqin in ay tahay ninkeeda markasta iyada soo jiista waana mida iga keenta in aan ka xishooda, waxayna hadalkeeda ku dartay in hadii aan ku buuqo maalinkaas laga yaabee shaqada uu aadi lahaa in uu sifiican u qaban, waxayna tiri ninkeyga waa nin jecel labiska .
Isku soo duubduub daraasataan ayaa ah mid wax ka qaban karta xaaladaha qaar, waana mid ku dhiiri galineeso in ay raggu noqdaan kuwa nadaafad sare leh.
W/Q: Daalac Daahir Shoot
Post a Comment